U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «حُجِبَتِ النَّارُ بِالشَّهَوَاتِ، وَحُجِبَتِ الْجَنَّةُ بِالْمَكَارِهِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee inuu yiri: "Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka Naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku helayaa Naarta. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu Qofku Naftiisa ku jihaado wuxuu ku helayaa Janada.

Faa’iidooyin
  1. Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo Munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naftu u aragto wax wanaagsan oo ay u leexato.
  2. Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiq Naarta geynaaya, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa Janada geynaaya.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga uu leeyahay Nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 102) (6487). صحيح مسلم (4/ 2174) (2822). سنن أبي داود (7/ 122) (4744). سنن الترمذي (4/ 274) (2560). سنن النسائي (7/ 3) (3763). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 449). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 87). المنهاج شرح صحيح مسلم بن الحجاج، للنووي (17/ 165). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 183). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 134).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Sifooyinka Janada iyo Naarta

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com