U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Sifada Salaada

11 xadiis

Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo

عَن ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما: أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَرْفَعُ يَدَيْهِ حَذْوَ مَنْكِبَيْهِ إِذَا افْتَتَحَ الصَّلَاةَ، وَإِذَا كَبَّرَ لِلرُّكُوعِ، وَإِذَا رَفَعَ رَأْسَهُ مِنَ الرُّكُوعِ، رَفَعَهُمَا كَذَلِكَ أَيْضًا، وَقَالَ: «سَمِعَ اللَّهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، رَبَّنَا وَلَكَ الحَمْدُ»، وَكَانَ لاَ يَفْعَلُ ذَلِكَ فِي السُّجُودِ.
Cabdulaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo aabihiye- Waxaa laga wariyey: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo, iyo haduu rukuuca u takbiirsado, iyo haduu madaxiisa kor uga soo qaadayo rukuuca, sidaas oo kale ayuu gacmihiisa kor ugu qaadi jirey, wuxuuna dhahaayey: "Ilaahay wuu maqlaa qofkii ku xamdiya, Rabiyow aday mahadi kuu sugnaatay", sidaana kuma samayn jirin sujuuda.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa inuu saddex meelood oo salaada ka mida gacmihiisa kor u qaado ilaa meel la siman garabka garabkuna waa meesha ay isugu yimaadaan lafta garabka iyo cududu. meesha 1aad: waa markuu salaada xiranaayo. meesha 2aad: markuu rukuucda u takbiirsanaayo. meesha 3aad: waa markuu rukuucda ka tooso, ee uu dhahayo: Ilaahay wuu maqlaa qofka ku xamdiya, Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay. Mana ahayn mid gacmihiisa kor u qaada markuu sujuuda bilaabayo, iyo markuu ka soo kacayo.

Faa’iidooyin
  1. Xikmada ku jira in gacmaha kor loo qaadayo salaada dhexdeeda waa inay qurux u tahay salaada Ilaahayna ay u tahay waynayn isagaa nusqaan ka hufane.
  2. Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxaa ka sugnaaday inuu gacmihiisa kor u qaadi jiray meel afaraad, sida ku soo aroortay riwaayada Abii Xamiid Asaacidi oo uu ka soo wariyey Abii Daa'uud iyo qayrkiba, waana marka laga kacayo ataxyaadka koobaad ee salaadaha saddexda rakco iyo afarta rakco ah.
  3. Waxaa kaloo ka sugnaaday Nabiga scw inuu gacmaha gaarsiin jiray meel ku toosan dhagihiisa isagoon taabsiinayn, sida ku soo aroortay riwaayada Maalik Binu Xuweyris ee ku sugan saxiixeynka: "Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaan jiray haduu takbiirsanayo gacmihiisa ayuu kor u qaadi jiray ilaa uu la simo dhagahiisa".
  4. Jamcinta samica Allahuda iyo Taxmiidu waxay u gaar tahay imaamka iyo qofka keligi tukanaaya, laakiin ma'muumku wuxuu dhahayaa Rabanaa walakal xamdu.
  5. Oraahda: "Rabanaa walakal-xamdu" oo la dhoho rukuucda ka dib Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu uga sugnaaday afar qaab, tani waa mid ka mida, sida ugu fadliga badana waa inuu qofku raac raaco qaababkaas oo midba mar la yimaado.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 148) (735). صحيح مسلم (1/ 292) (390). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 122). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص151). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (2/ 192).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah

عَنِ ابْنَ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ: عَلَّمَنِي رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَكَفِّي بَيْنَ كَفَّيْهِ، التَّشَهُّدَ، كَمَا يُعَلِّمُنِي السُّورَةَ مِنَ القُرْآنِ: «التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ، وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ، السَّلاَمُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللَّهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلاَمُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللَّهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ». وفي لفظ لهما: «إِنَّ اللهَ هُوَ السَّلَامُ، فَإِذَا قَعَدَ أَحَدُكُمْ فِي الصَّلَاةِ فَلْيَقُلْ: التَّحِيَّاتُ لِلَّهِ وَالصَّلَوَاتُ وَالطَّيِّبَاتُ السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللهِ الصَّالِحِينَ، فَإِذَا قَالَهَا أَصَابَتْ كُلَّ عَبْدٍ لِلَّهِ صَالِحٍ فِي السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، ثُمَّ يَتَخَيَّرُ مِنَ الْمَسْأَلَةِ مَا شَاءَ».
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah, "Ataxiyaatu "salaamo", lilaahi "Ilaahay ayey u sugnaadeen", wa salawaatu "Salaado", Adayibaatu "wanaagyo", Asalaamu calayka "nabadi korkaaga ha ahaato", Ayuha Nabiyu, "Nabiyahaw", wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh, "iyo naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisu", Asalaamu calaynaa, wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina "nabadi korkayaga ha ahaato anaga iyo Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah", Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, "waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah aan Allaah wayne ahayn, wa Ashhadu ana Maxamed Rasuulu Allaah, "waxaan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkii Ilaahay soo diray". Ruwaayad kale oo labadoodu wariyeen waxay ahayd: "Ilaahay isagaa Salaam ah, hadii midkiin u fariisto Salaada ha dhoho: "Ataxiyaatu lilaah, wa salawaatu wa dayibaatu Asalaamu calayka ayuha Nabiyo wa Eaxmatu Allaah wa barakaatuh, Asalaamu calaynaa wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina, marka uu dhoho intaa way gaaraysaa ducadaasi Adoon kasta oo Saalix ah oo ku sugan samada iyo dhulkaba, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu cibaado oo aan Ilaahay ahayn, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa, intaa ka dib ducada waxa uu doonuu ku ducaysanayaa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu baray Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali noqdee- Ataxiyaadka Salaada la akhriyo, isagoo Gacanta ganta u saaray, si uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ibnu Mascuud u soo jeediyo sida marka uu suurad Qur'aanka ah barayo oo kala, arinkaasina wuxuu ina tusayaa dadaalka uu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku bixinayey Ataxiyaadka Eray ahaan iyo macno ahaanba. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: " Ataxiyaatu lilaah'': waana hadal iyo ficil kasta oo tusaya wayni iyo qadarin, dhamaantoodna Ilaahay Casa Wajala ayaa xaq u leh. " Asalawaatu'': waana Salaada la yaqaan, faralakeeda iyo Sunaheeduba Ilaahay ayey u sugnaatay. " Adayibaatu" Waa hadalada iyo ficilada iyo Sifooyinka wanaagsan ee tusaya kaamilnimada dhamaantoodna Ilaahay ayey u sugnaadeen. " Asalaamu calayka ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh '': Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa loogu ducaynayaa in Ilaahay ka nabadgeliyo aafo iyo wax xun oo dhan uuna u siyaadiyo una badiyo khayr oo dhan. " Asalaamu calaynaa wa calaa cibaadi Allaahi Saalixiin": Waa duco nabad loogu ducaynayo Qofka tukanaya iyo Adoon kasta oo saalix ah oo ku sugan Samada ama Dhulka. "Ash hadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah": Waxaan qirayaa qiritaan ga'aana inaanu jirin Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn. " Wa ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh': Nabi Maxamed waxaan u qirayaa Aadoonimo iyo Risaalada khaatimada ah. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku booriyey Qofka tukanaaya inuu ducaduu doono ku ducaysto.

Faa’iidooyin
  1. Booska Ataxiyaatku waa fadhiga ka danbeeya Sujuuda u danbaysa Salaad walba, iyo Rakcada labaad ka dib Salaadaha seddexda Rakco ah iyo kuwa afarta Racko ahba.
  2. Ataxiyaadku waa waajib in lala yimaado, waxaana banaan in Qofku ku Ataxyaadsado Ereyada Ataxyaadka ku soo arooray ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka sugnaaday kii uu doono.
  3. Waa banaan tahay in Salaada dhexdeeda lagu ducaysto hadaanu wax dambi ah ahayn.
  4. Waxaa Suna ah ducada inuu Qofku Naftiisa ka bilaabo.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 59) (6265). صحيح مسلم (1/ 301) (402). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 168). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص206). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص94).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood

عن ابنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما عن النبيِّ صلى الله عليه وسلم قال: «أُمِرْتُ أَنْ أَسْجُدَ عَلَى سَبْعَةِ أَعْظُمٍ: عَلَى الْجَبْهَةِ وَأَشَارَ بِيَدِهِ عَلَى أَنْفِهِ، وَالْيَدَيْنِ، وَالرُّكْبَتَيْنِ، وَأَطْرَافِ الْقَدَمَيْنِ، وَلَا نَكْفِتَ الثِّيَابَ وَالشَّعَرَ».
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood: Wajiga, wuxuuna Gacantiisa ku ishaaray sankiisa, Gacmihiisa, labada law, faraha lugaha, oo aanaan aruurin celcelinna dharka iyo Timaha ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka Sujuudo todoba xubnood oo Jirka ka mida, waxayna yihiin: Tan 1aad: Wajiga: waana balaca Wajiga ee Sanka iyo Indhaha ka sareeya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ishaaray Gacantiisa Sankiisa, isagoo cadaynaaya Wajiga iyo Sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in Qofka Sujuudsani Sankiisa Dhulka taabsiiyo. Xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada Gacmood. Xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada Law. Xubinka 6aad iyo 7aad: waa Faraha labada Lugood. Rasuulku wuxuuna amray in aynaan xirin Timaheena, ama aanaan aruurin Dharkeena markaan Dhulka ku Sujuudayno anagoo ilaalinayna Dharka, balse aan sii dayno ilaa ay Dhulka ku dhacdo oo Xubnaha la Sujuudno.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib in todobadaa Xubnood in laga Sujuudo marka la tukanaayo.
  2. Waa karaahiyo in la aruuriyo ama la celceliyo Marada iyo Timaha marka la tukanaayo.
  3. waxaa ku waajib ah Qofka tukanaaya inuu ku xasilo Salaadiisa, taasoo ah inuu Xubnaha Sujuuda ee todobada ah dhulka dhigo, kuna xasilo ilaa uu digriga Sujuuda la imaanayo.
  4. Nahyiga ku soo arooray in Timaha la celceliyo wuxuu gaar ku yahay Raga, waayo Dumarka waxaa la faray Salaada inay is asturaan.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 162) (812). صحيح مسلم (1/ 354) (490). المنهاج شرح صحيح مسلم، للنووي (4/ 206). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (2/ 718). سبل السلام شرح بلوغ المرام، للصنعاني (1/ 270). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، لعبد الله البسام (2/ 229). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (2/ 115). منار القاري، لحمزة قاسم (2/ 202).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq

عن ابن عباس رضي الله عنهما: كان النبي صلى الله عليه وسلم يقول بين السجدتين: «اللَّهمَّ اغْفِرْ لي، وارْحَمْنِي، وعافِني، واهْدِني، وارزقْنِي».
Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo Aabbihiyee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee Muslimku si weyn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka Aduunyada iyo kan Aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtada, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.

Faa’iidooyin
  1. Ducadaasi waa sharci in la akhriyo fadhiga labada sujuudood u dhexeeya.
  2. Ducooyinkani waa qaar aad u fadli badan waxa ku jira khayrka Aduun iyo kan Aakhiraba.
Tixraac

سنن أبي داود (2/ 138) (850). سنن الترمذي (1/ 317) (284). سنن ابن ماجه (2/ 64) (898). مسند أحمد (5/ 72) (2895). مشكاة المصابيح، للتبريزي (1/ 283). سبل السلام شرح بلوغ المرام، لمحمد الصنعاني (1/ 274). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، لعبد الله البسام (2/ 240).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda

عن أَبِي حَازِمِ بْن دِينَارٍ: أَنَّ رِجَالًا أَتَوْا سَهْلَ بْنَ سَعْدٍ السَّاعِدِيَّ، وَقَدِ امْتَرَوْا فِي الْمِنْبَرِ مِمَّ عُودُهُ، فَسَأَلُوهُ عَنْ ذَلِكَ، فَقَالَ: وَاللهِ إِنِّي لَأَعْرِفُ مِمَّا هُوَ، وَلَقَدْ رَأَيْتُهُ أَوَّلَ يَوْمٍ وُضِعَ، وَأَوَّلَ يَوْمٍ جَلَسَ عَلَيْهِ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، أَرْسَلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِلَى فُلَانَةَ -امْرَأَةٍ من الأنصار قَدْ سَمَّاهَا سَهْلٌ-: «مُرِي غُلَامَكِ النَّجَّارَ أَنْ يَعْمَلَ لِي أَعْوَادًا أَجْلِسُ عَلَيْهِنَّ إِذَا كَلَّمْتُ النَّاسَ»، فَأَمَرَتْهُ فَعَمِلَهَا مِنْ طَرْفَاءِ الْغَابَةِ، ثُمَّ جَاءَ بِهَا، فَأَرْسَلَتْ إِلَى رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَمَرَ بِهَا فَوُضِعَتْ هَاهُنَا، ثُمَّ رَأَيْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَّى عَلَيْهَا وَكَبَّرَ وَهُوَ عَلَيْهَا، ثُمَّ رَكَعَ وَهُوَ عَلَيْهَا، ثُمَّ نَزَلَ الْقَهْقَرَى، فَسَجَدَ فِي أَصْلِ الْمِنْبَرِ ثُمَّ عَادَ، فَلَمَّا فَرَغَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ فَقَالَ: «أَيُّهَا النَّاسُ، إِنَّمَا صَنَعْتُ هَذَا لِتَأْتَمُّوا وَلِتَعَلَّمُوا صَلَاتِي».
Abii Xaasim Binu Diinaar Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rag ayaa u yimid Sahal Binu Sacad Alsaacidi Allaha ka raali ahaade iyagoo ku murmay geedka laga sameeyey mimbarka, taasyna waydiiyeen, wuxuu ku yiri: walaahi ma ogi waxa laga sameyey, waana joogay maalintii u horaysay ee la soo dhigay iyo maalintii u horaysay ee Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku fariistay, Nabigu wuxuu fartiin u diray gabadha hebla ah, waana gabar Ansaar ah oo Sahal magacaabay, oo Nabigu scw ku yiri: " u dir wiilkaaga Najaarka ah ha iiga sameeyo tiirar wax aan ku fariisto markaan dadka la hadlaayo", wayna u dirtay wuxuuna ka soo sameeyey geedka la dhoho Darfa`i ee baadiyaha ka baxa, ka dibna wuu u keenay, wayna u sii dhiibtay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee , markaas ayaa Nabigu amray in la dhigo halkaan, ka dibna waxaan arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo fuushan oo takbiirsaday isagoo fuula, oo rukuucay isagoo fuula, ka dibna gadaalgadaal uga soo dagay, oo mimbarka salkiisa ku sujuuday oo hadana ku noqday, markuu dhamaystay ayuu dadka ku soo jeensday oo ku yiri: " dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rag ayaa u yimid mid ka mida Asaxaabta, iyagoo waydiinaya minbarkii Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu samaystay waxa laga sameeyey? wayna ku murmeen oo ku doodeen arinkaa, wuxuuna u sheegay: in Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee qof u diray gabar Ansaar ah, taasoo wiil khaadim ah oo najaar ah lahayd, wuxuuna Suubbanuhu faray gabadhaa inay wiilka amarto inuu u soo sameeyo minbar uu ku fadhiisto markuu dadka la hadlaayo, wayna aqbashay gabadhii, wiilkiina waxay fartay inuu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uga soo sameeyo geedka durafa`a, markuu dhameeyey gabadhii waxay u dirtay Nabiga scw, Nabiguna scw wuu amray in la dhigo meesha uu masjidka ka yaalo, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku tukaday wuuna takbiirsaday isagoo fuula, wuuna rukuucay isagoo fuula, ka dibna waa ka soo dagay isagoo gadaal u socda oo aan wajigiisa xaga danbe u jeedinayn wuxuun ku sujuuday minbarka salkiisa ka dibna waa ku noqday, markii uu dhamaystay salaadii ayuu dadka ku soo jeensaday oo ku yiri: waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda.

Faa’iidooyin
  1. waa suno in la samaysto minbar oo khadiibkuna fuulo, faa'iidadiisuna waa gaadhsiin iyo maqashiinta.
  2. Way banaan tahay in lagu tukado minbarka si loo baro dadka salaada, waxaa kaloo banaan in imaamku qof ma'amuumka ah ka sareeyo, marka loo baahdo.
  3. Waa wax banaan in loo kaashado dadka farsama yaqaanka ah wax yaabaha muslimiintu u baahan yihiin.
  4. Wuu banaan yahay dhaq-dhaqaaqa yar salaada dhexdeeda hadii loo baahdo.
  5. Way banaan tahay in ma'amuumku eego salaada dhexdeeda imaamkiisa, si uu uga barto imaamka, taasina khushuuca ma diidayso.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 9) (917)، صحيح مسلم (1/ 386) (544)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (12/ 330) (12/ 317) (12/ 318) (12/ 324) (12/ 326)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 153) (2/ 154)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 780).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada

عَنْ ‌حِطَّانَ بْنِ عَبْدِ اللهِ الرَّقَاشِيِّ قَالَ: صَلَّيْتُ مَعَ ‌أَبِي مُوسَى الْأَشْعَرِيِّ صَلَاةً، فَلَمَّا كَانَ عِنْدَ الْقَعْدَةِ قَالَ رَجُلٌ مِنَ الْقَوْمِ: أُقِرَّتِ الصَّلَاةُ بِالْبِرِّ وَالزَّكَاةِ، قَالَ: فَلَمَّا قَضَى أَبُو مُوسَى الصَّلَاةَ وَسَلَّمَ انْصَرَفَ فَقَالَ: أَيُّكُمُ الْقَائِلُ كَلِمَةَ كَذَا وَكَذَا؟ قَالَ: فَأَرَمَّ الْقَوْمُ، ثُمَّ قَالَ: أَيُّكُمُ الْقَائِلُ كَلِمَةَ كَذَا وَكَذَا؟ فَأَرَمَّ الْقَوْمُ، فَقَالَ: لَعَلَّكَ يَا حِطَّانُ قُلْتَهَا؟ قَالَ: مَا قُلْتُهَا، وَلَقَدْ رَهِبْتُ أَنْ تَبْكَعَنِي بِهَا، فَقَالَ رَجُلٌ مِنَ الْقَوْمِ: أَنَا قُلْتُهَا، وَلَمْ أُرِدْ بِهَا إِلَّا الْخَيْرَ، فَقَالَ أَبُو مُوسَى: أَمَا تَعْلَمُونَ كَيْفَ تَقُولُونَ فِي صَلَاتِكُمْ؟ إِنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ خَطَبَنَا فَبَيَّنَ لَنَا سُنَّتَنَا وَعَلَّمَنَا صَلَاتَنَا، فَقَالَ: «إِذَا صَلَّيْتُمْ فَأَقِيمُوا صُفُوفَكُمْ، ثُمَّ لِيَؤُمَّكُمْ أَحَدُكُمْ فَإِذَا كَبَّرَ فَكَبِّرُوا، وَإِذْ قَالَ: {غَيْرِ الْمَغْضُوبِ عَلَيْهِمْ وَلا الضَّالِّينَ} [الفاتحة: 7]، فَقُولُوا: آمِينَ، يُجِبْكُمُ اللهُ، فَإِذَا كَبَّرَ وَرَكَعَ فَكَبِّرُوا وَارْكَعُوا، فَإِنَّ الْإِمَامَ يَرْكَعُ قَبْلَكُمْ، وَيَرْفَعُ قَبْلَكُمْ»، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «فَتِلْكَ بِتِلْكَ، وَإِذَا قَالَ: سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، فَقُولُوا: اللَّهُمَّ رَبَّنَا لَكَ الْحَمْدُ، يَسْمَعِ اللهُ لَكُمْ، فَإِنَّ اللهَ تَبَارَكَ وَتَعَالَى قَالَ عَلَى لِسَانِ نَبِيِّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، وَإِذَا كَبَّرَ وَسَجَدَ فَكَبِّرُوا وَاسْجُدُوا، فَإِنَّ الْإِمَامَ يَسْجُدُ قَبْلَكُمْ وَيَرْفَعُ قَبْلَكُمْ»، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «فَتِلْكَ بِتِلْكَ، وَإِذَا كَانَ عِنْدَ الْقَعْدَةِ فَلْيَكُنْ مِنْ أَوَّلِ قَوْلِ أَحَدِكُمُ: التَّحِيَّاتُ الطَّيِّبَاتُ الصَّلَوَاتُ لِلهِ، السَّلَامُ عَلَيْكَ أَيُّهَا النَّبِيُّ وَرَحْمَةُ اللهِ وَبَرَكَاتُهُ، السَّلَامُ عَلَيْنَا وَعَلَى عِبَادِ اللهِ الصَّالِحِينَ، أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ».
Xidaan Binu Cabdullaahi Alraqaashi waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan la tukadey Abii Muusa Alashcari, markuu soo gaaray fadhiga ayaa nin dadka ka mid ahaa yiri: Salaada waxaa lagu xiriiriyey Biriga iyo Sakada-: markuu Abuu Muuse Salaadii ka baxay wuu soo jeensadey, wuxuuna yiri: kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii way wada aamuseen, hadana wuu ku celiyey, kiineebaa sidaa iyo sidaa yiri?, dadkii ayaa hadana wada aamusay, wuxuu yiri: waxaa laga yaabaa inaad adigu tiri Xadaanow?, wuxuu yiri: maan dhihin, waxaana ka baqay inaad eraygaa igu garaacdo, nin dadka ka mida ayaa yiri: anaa iri, khayr uun baanan ula jeeday, Abuu Muusaa ayaa yiri: miyeydaan aqoon waxaad oranaysaan markaad tukanaysaan? Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu noo khudbeeyey wuuna noo cadeeyey Sunadeena, wuuna nabaray Salaadeena, oo wuxuu yiri: "Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada, markuu dhoho:{Allahayow namari jidka toosan ee aan ahayn kan ay mareen kuwaad u carootay iyo kuwa xaqa ka lumay} [al faatixa:7], idinkuna aamiin dhaha, Ilaahay ayaa idin ajiibayee, haduu takbiirsado ee Rukuuco idinkuna takbiirsada oo Rukuuca, imaamku wuu idinka hor takbiirsan wuuna idinka hor Rukuucine", wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee "tani taasay u ahaatay, markuu dhoho: samica Allaahu liman xamidah, idinkuna dhaha: Allahuma Rabanaa lakal-xamdu, Ilaahay wuu idin maqliye, Ilaahay Isagaa koreeyee wuxuu ku yiri: Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee carabkiisa "samica Allah liman xamidah" hadii uu takbiirsado oo uu Sujuudo takbiirsada oo Sujuuda imaamku waa idinka hor Sujuudin oo idinka soo hor toosine Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: tani taasay u ahaatay, hadii la soo gaaro fadhiga waxa ugu horeeya ee qofkiin oranayo ha ahaado Ataxiyaatu Adayibaatu Aslawaatu lilaah, Asalaamu caleykum Ayuha Nabiyu wa Raxmatu Allah wa Barkatuhu, Asalaamu caleynaa, wa calaa cibaadi Allahi Saalixiin, Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, wa Ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluh.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Asaxaabta waxaa tujiyey Abuu Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade, markuu soo gaaray fadhiga lagu Ataxyaadsado, nin dadka la tukanaayey ayaa gadaashiisa ka yiri: Quraanku wuxuu Salaada la xiriiriyey Biriga iyo Sakada, markii Abuu Muusa ka baxay Salaadii ayuu xagga dadka u soo jeestay oo yiri: kumaa yiri hadalka: Quraanku wuxuu la xiriiriyey Salaada Biriga iyo Sakada?! dadkii waa aamuseen, oo Qofna ma hadalin, mar labaad ayuu ku celiyey su'aashii, markuu Qofna u jawaabi waayey ayuu yiri Abuu Muusa: malaha adaa yiri Xadaanow! dhiiranidiisa iyo u dhawaantiisa ayuu sidaa ugu yiri iyo Qaraabanimadooda, taasoo aan dhib ku jirin haduu ku tuhmo, iyo inuu qirto kii hadalka yiri, Xadaana wuu iska leexiyey hadalka, wuxuuna yiri: waxaan ka baqay inaad igu canaanato adoo aniga ii malaynaya, markaasuu nin dadka ka mid ahaa yiri: anaa iri, waxaan khayr ahayna ulama jeedin, Abuu Muusa wuxuu yiri: isagoo baraya ninkaa: miyeydaan aqoon waxaad oronaysaan markaad tukanaysaan?!, waana hadal uu ku diidanaa in sidaa la dhoho marka la tukanaayo, Abuu Muusa wuxuu u sheegay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mar u khudbeeyey, una cadeeyey shareecadooda, Salaadoodna baray, oo uu yiri: Markaad Salaada u kacdaan toosiya sufuufta Salaada, Salaadana hatukiyo dadka mid ka mid ahi, markuu imaamku takbiirsado (Salaada xidho) sidiisa u takbiirsada, markuu faatixada akhriyo ee uu gaadh {غير المغضوب عليهم ولا الضالين} [al-faatixa:7], dhaha: Aamiin, markaad samaysaan sidaa Ilaahay wuu aqbali ducadiina, markuu takbiirsado ee uu Rukuuco idinkuna takbiirsada oo Rukuuca, imaamku hortiin buu Rukuucaa hortiina wuu ka soo toosiye, waxna ha kala hormarina imaamka, waayo waqtiga yaree uu idinkala horeeyo imaamku Rukuucdu wuxuu kabayaa ka dambaynta aad kala dambaysaan Rukuucda, waqti yar, waqtiga yar ee aad ka dambaysaan waxaa buuxinaya waqtigaa yar ee uu idinka horeeyo, wuxuuna ahaanayaa qadarka Rukuucdiina mid la mida qadarka Rukuucdiisa, markuu imaamku dhoho: samicallaahu liman xamidah "Ilaahay wuu maqlaa kuwa ku xamdiya", dhaha: Allaahuma Rabanaa lakal xamdu "Allahayow Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay", markay dadku dhahaan sidaa, Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, wuu maqlaa ducadooda, iyo hadalkooga, Ilaahay Isagaa nusqaan ka hufane wuxuu ku yiri Carabka Nabigiisa Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: wuu maqlaa Ilaahay midka ku xamdiya, hadana markuu imaamku takbiirsado ee uu Sujuudo, waxaa ku waajib ah kuwa ku xiran ee la tukanaaya inay takbiirsadaan oo ay Sujuudaan, waayo imaamku hortooduu sujuudayaa, hortoodana wuu ka soo toosayaa Sujuuda, qadarkaa yar ee aad kala dambaysaan waxaa buuxinaya qadarkaa uu idinka horeeyo, wuxuuna ahaanayaa qadarka Sujuuda ee Ma'amuumka imaamkiisa ku xiran mid le'eg qadarka uu imaamku Sujuudo, marka uu fadhiga Ataxyaadka soo gaaro ha ahaado hadalka ugu horeeya uu dhahayo: "Ataxiyaatu-saalaamo-Adayibaato-wanaagyo-Salaado Ilaahay bay u sugnaadeen" mulki iyo boqornimo, jiritaan iyo baaqinnimo, waynaan iyo deeqsinimo, dhamaanteed Ilaahay keligii ayaa xaq u yeeshay, sidaasoo kale Salaadaha Shanta ahina Ilaahay keligii ayaa xaq u yeeshay, "Asalaamu calayka ayuha Nabiyo waraxmatu llaah wabara kaatuh, Asalaamu calaynaa wacalaa Cibaadi Allaahi Saalixiina", Ilaahay barya isagaa ceeb oo dhan iyo nusqaan iyo fasahaadba ka hufane, Nabiga Maxamed ahna waxaan u gaar yeelaynaa Salaan iyo nabad gelyo, hadana waxaan Salaamaynaa Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah, ee ku taagan waxa uu Ilaahay ku waajibiyey ee xuquuqda Ilaahay ah iyo kuwa Adoomadiisaba, waxaan qiraynaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu caabudo ee aab Ilaahay wayne ahayn, Nabi Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkiisa uu khalqiga usoo diray.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku cad Qaab ka mida qaababka loo Ataxyaadsado.
  2. Salaada ficilkeeda iyo waxa la akhrinaayo waa inuu yahay wax Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka sugnaaday mana banaana in Qof iska samaysto hadal iyo ficil aan Sunaha ku sugnayn.
  3. Ma banaana in laga hor maro imaamka waana in laga danbeeyo, waxaa Sharci ah in Ma`muumku uu ku raacoIimaamka ficilkiisa.
  4. Waxaa la xusay in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu ahmiyad siin jiray gaarsinta Diinta iyo inuu Ummaddisa baro Axkaanta Diinta.
  5. Imaamku waa kan uu ku dayanayo Ma'muumku, uma banaan inuu Imaamka kala hor maro ficilada Salaada ama uu la socdo iyo inuu ka dib dhoco Imaamka, balse waa inuu bilaabaa raacida Imaamka marka uu hubsado inuu galay ficilka uu doonayo inuu sameeyo, Sunaduna waa inuu Imaamka ku raaco ficilka.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan inay Sharci tahay in Salaada Sufuufteeda la simo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 303) (404)، إكمال المعلم (2/298)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 37)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص376) (87)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 402).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay

عن أَبي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه: أنه كَانَ يُكَبِّرُ فِي كُلِّ صَلَاةٍ مِنَ الْمَكْتُوبَةِ وَغَيْرِهَا، فِي رَمَضَانَ وَغَيْرِهِ، فَيُكَبِّرُ حِينَ يَقُومُ، ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَرْكَعُ، ثُمَّ يَقُولُ: سَمِعَ اللهُ لِمَنْ حَمِدَهُ، ثُمَّ يَقُولُ: رَبَّنَا وَلَكَ الْحَمْدُ، قَبْلَ أَنْ يَسْجُدَ، ثُمَّ يَقُولُ: اللهُ أَكْبَرُ حِينَ يَهْوِي سَاجِدًا، ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَرْفَعُ رَأْسَهُ مِنَ السُّجُودِ، ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَسْجُدُ، ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَرْفَعُ رَأْسَهُ مِنَ السُّجُودِ، ثُمَّ يُكَبِّرُ حِينَ يَقُومُ مِنَ الْجُلُوسِ فِي الِاثْنَتَيْنِ، وَيَفْعَلُ ذَلِكَ فِي كُلِّ رَكْعَةٍ، حَتَّى يَفْرُغَ مِنَ الصَّلَاةِ، ثُمَّ يَقُولُ حِينَ يَنْصَرِفُ: وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، إِنِّي لَأَقْرَبُكُمْ شَبَهًا بِصَلَاةِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، إِنْ كَانَتْ هَذِهِ لَصَلَاتَهُ حَتَّى فَارَقَ الدُّنْيَا.
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade, waxaa laga wariyey in: Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaad walba wuu takbiirsan jiray tan faralka ah iyo tan Sunahaba, Ramadaanka iyo qayrkiba, wuuna takbiirsan jiray markuu kacayo, markuu Rukuucayo, wuxuuna dhihi jiray: samica Allahu liman xamidah, ka dib wuxuu dhihi jiray: Rabanaa walakal xamdu, intuuna Sujuudin, ka dibna wuxuu dhihi jiray: Allahu akbar, markuu u sii hoobanayo Sujuuda, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Madaxiisa Sujuuda ka oo qaadayo, ka dib wuu takbiirsan jiray markuu Fadhiga Rakcada labaad ka kacayo, sidaasuu ku samaynayey Rakcad walba, ilaa uu Salaada dhameeyo, wuxuu yiri: Abuu Muusa- markuu tagayey: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Abuu Hurayra wuxuu wariyey Allaha ka raali ahaadee qeyb ka mida sifooyinkii Salaada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ka waramay inuu Nabigu markuu Salaada isku taago takbiiratul-ixraamka ku bilaabi, hadana uu takbiiran jiray markuu rukuucayo, markuu sujuudayo, markuu sujuuda ka toosayo, markuu Sujuuda labaad sujuudayo, markuu kasoo toosayo Sujuuda labaad, markuu ka kacayo fadhiga labada Rakcadood ee hore, Salaadaha Maqribka iyo kuwa Afarlayda ah, sidaas buuna samayn jiray Salaada oo dhan, ilaa uu gudanaayo Salaada, marka uu Rukuucda ka toosayana wuxuu dhihi jirey: Samica Allahu liman xamidah (Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya, hadana wuxuu dhahayey isagoo taagan: Rabanaa lakal-xamdu (Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay). Ka dib wuxuu oronayey Abuu Hureyra markuu Salaada ka baxay: Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, Salaadaydaa ugu ekaansho badan Salaadii Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee sidaa ayey ahayd sifada Salaadiisu ilaa uu Dunida ka tegay.

Faa’iidooyin
  1. Waa la takbiirsan markastoo hoos la aadayo ama kor loo soo kacayo marka laga reebo ka soo kicida Rukuuca oo uu oronaayo: samica Allaahu liman xamidah.
  2. Asaxaabtu waxay ku dadaalayeen ku dayashada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo ilaalinta Sunadiisa.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 159) (803)، صحيح مسلم (1/ 293) (392)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (9/ 194)، (9/ 199)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (6/ 80).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَسْوَأُ النَّاسِ سَرَقَةً الَّذِي يَسْرِقُ صَلَاتَهُ» قَالَ: وَكَيْفَ يَسْرِقُ صَلَاتَهُ؟ قال: «لَا يُتِمُّ رُكُوعَهَا، وَلَا سُجُودَهَا».
Abii Hureyra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda".
Waxaa wariyay Ibnu XibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu wuxuu cadeeyey nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dadka midka ugu tuuganimo xuni uu yahay midka Salaadiisa xada, waayo kan Xoolo uusan laheyn xada waxaa dhici katra inuu Aduunka ku intifaaco, laakiin kan Salaaddiisa xadaya xaqii Naftiisa oo ajar iyo xasanaat ah ayuu xadayaa, waxay dheheen: Rasuulka Alloow, siduu Salaaddiisa u xadaa? wuxuu dhahay: uma dhammaystiro Rukuucdeeda iyo Sujuuddeeda, isagoo degdeg kula imanaaya Rukuucda iyo Sujuudadaba, sidii la rabeyna u lama imanayo.

Faa’iidooyin
  1. Waa muhiim in Salaada la wanaajiyo, oo lala yimaado Arkaanteeda si xasilooni iyo khushuuci ku jirto.
  2. Ku tilmaamida lagu tilmaamay midka aan dhamaystirayn Rukuucda iyo Sujuuda inuu yahay Tuug waa si looga didiyo dadka ficilkaa, looguna baraarujiyo dadka inuu xaaraan yahay.
  3. Waa waajib in la dhamaystiro Rukuucda iyo Sujuuda Salaada, iyo in laga dhigo dhex dhexaad labadaba.
Tixraac

صحيح ابن حبان (5/ 209) (1888)، الشّافي في شرح مسند الشّافعي (1/613)، الكاشف عن حقائق السنن (3/1020)، التنوير (2/373)، نيل الأوطار (2/ 311).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 11
11 xadiis
  1. Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu kor u qaadi jiray gacmihiisa ilaa meel ku aadan garbihiisa markuu salaada xiranaayo
  2. Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah
  3. Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood
  4. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq
  5. dadow, waxaan sidaan u sameeyey inaad igu dayataan oo barataan salaadayda
  6. Markaad tukanaysaan safafkiina toosiya, ka dibna midkiin imaam ha idiin noqdo, haduu takbiirsado takbiirsada
  7. Allaha Naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee anigaa idiinku Salaad eg Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaadiisuna sidaas ayey ahayd ilaa uu Aduunka ka tegay
  8. Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda
  9. Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah
  10. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhihi jiray labada Sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf
  11. kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com