Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaa inuu saddex meelood oo salaada ka mida gacmihiisa kor u qaado ilaa meel la siman garabka garabkuna waa meesha ay isugu yimaadaan lafta garabka iyo cududu. meesha 1aad: waa markuu salaada xiranaayo. meesha 2aad: markuu rukuucda u takbiirsanaayo. meesha 3aad: waa markuu rukuucda ka tooso, ee uu dhahayo: Ilaahay wuu maqlaa qofka ku xamdiya, Rabigayow aday mahadi kuu sugnaatay. Mana ahayn mid gacmihiisa kor u qaada markuu sujuuda bilaabayo, iyo markuu ka soo kacayo.
- Xikmada ku jira in gacmaha kor loo qaadayo salaada dhexdeeda waa inay qurux u tahay salaada Ilaahayna ay u tahay waynayn isagaa nusqaan ka hufane.
- Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waxaa ka sugnaaday inuu gacmihiisa kor u qaadi jiray meel afaraad, sida ku soo aroortay riwaayada Abii Xamiid Asaacidi oo uu ka soo wariyey Abii Daa'uud iyo qayrkiba, waana marka laga kacayo ataxyaadka koobaad ee salaadaha saddexda rakco iyo afarta rakco ah.
- Waxaa kaloo ka sugnaaday Nabiga scw inuu gacmaha gaarsiin jiray meel ku toosan dhagihiisa isagoon taabsiinayn, sida ku soo aroortay riwaayada Maalik Binu Xuweyris ee ku sugan saxiixeynka: "Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ahaan jiray haduu takbiirsanayo gacmihiisa ayuu kor u qaadi jiray ilaa uu la simo dhagahiisa".
- Jamcinta samica Allahuda iyo Taxmiidu waxay u gaar tahay imaamka iyo qofka keligi tukanaaya, laakiin ma'muumku wuxuu dhahayaa Rabanaa walakal xamdu.
- Oraahda: "Rabanaa walakal-xamdu" oo la dhoho rukuucda ka dib Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu uga sugnaaday afar qaab, tani waa mid ka mida, sida ugu fadliga badana waa inuu qofku raac raaco qaababkaas oo midba mar la yimaado.
صحيح البخاري (1/ 148) (735). صحيح مسلم (1/ 292) (390). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 122). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص151). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (2/ 192).