Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, Shaydaan ayaa salaadayda iga dhex galay, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa Shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka cuwdu bilayso, xaga bidixdaadna seddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii sheegay, Ilaahayna wuu iga kexeeyey.
- Waa muhiim in Salaada lagu khushuuco qalbigana la soo xaadiriyo, Shaydaankuna wuxuu ku dadaalaa inuu was-waas iyo shaki ku furo Qofka tukanaaya.
- Waa suno in laga cuwdu bilaysto Shaydaanka markuu Salaada was-waas ku furo, iyo in candhuuf seddex jeer loo tufo xaga bidix.
- Xadiiska waxaa ku sugan cadayn in Saxaabadu ahaayeen kuwo u la noqda Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mushkilad kastoo la soo darista, si uu u la xaliyo.
- Saxaabada qalbigoodu wuxuu ahaa mid nool, hamigooduna wuxuu ahaa Aakho kaliya.
صحيح مسلم (4/ 1728) (2203)، إكمال المعلم (7/110)، شرح النّووي على مسلم (14/190)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (36/ 136).