عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَسْوَأُ النَّاسِ سَرَقَةً الَّذِي يَسْرِقُ صَلَاتَهُ» قَالَ: وَكَيْفَ يَسْرِقُ صَلَاتَهُ؟ قال: «لَا يُتِمُّ رُكُوعَهَا، وَلَا سُجُودَهَا».
Abii Hureyra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Dadka waxaa u tuugo xun midka Salaadiisa xadaya" wuxuu yiri: sidee ayuu u xadin Salaadiisa? wuxuu yiri: "waa mid aan dhamaystirayn Rukuuceeda iyo Sujuudeeda".
Waxaa wariyay Ibnu XibbaanDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu wuxuu cadeeyey nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in dadka midka ugu tuuganimo xuni uu yahay midka Salaadiisa xada, waayo kan Xoolo uusan laheyn xada waxaa dhici katra inuu Aduunka ku intifaaco, laakiin kan Salaaddiisa xadaya xaqii Naftiisa oo ajar iyo xasanaat ah ayuu xadayaa, waxay dheheen: Rasuulka Alloow, siduu Salaaddiisa u xadaa? wuxuu dhahay: uma dhammaystiro Rukuucdeeda iyo Sujuuddeeda, isagoo degdeg kula imanaaya Rukuucda iyo Sujuudadaba, sidii la rabeyna u lama imanayo.
Faa’iidooyin
- Waa muhiim in Salaada la wanaajiyo, oo lala yimaado Arkaanteeda si xasilooni iyo khushuuci ku jirto.
- Ku tilmaamida lagu tilmaamay midka aan dhamaystirayn Rukuucda iyo Sujuuda inuu yahay Tuug waa si looga didiyo dadka ficilkaa, looguna baraarujiyo dadka inuu xaaraan yahay.
- Waa waajib in la dhamaystiro Rukuucda iyo Sujuuda Salaada, iyo in laga dhigo dhex dhexaad labadaba.
Tixraac
صحيح ابن حبان (5/ 209) (1888)، الشّافي في شرح مسند الشّافعي (1/613)، الكاشف عن حقائق السنن (3/1020)، التنوير (2/373)، نيل الأوطار (2/ 311).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Arkaanta SalaadaXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com