U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku

عَنْ عُبَادَةَ بْنِ الصَّامِتِ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَا صَلَاةَ لِمَنْ لَمْ يَقْرَأْ بِفَاتِحَةِ الكِتَابِ».
Cubaada Binu Saamit-Allaha ka raalli ahaadee-wuxuu ka wariyey Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inuu yiri: ((Salaadi kama ansixin qofka aan Akhrin suuradda faatixada)) waa qofka aan imaam ku xirnayn, qofka imaamka ku xirtay oo waqti uu faatixada ku akhriyo ka gaari waayey ma khuseeyo xaddiisku.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay salaadi ansaxayn faatixada la'aanteed, waayo waa rukni ka mida arkaanta salaadda rakcad walba.

Faa’iidooyin
  1. Faatixada akhrinteeda wax kale kama gudi karaan qofka isagoo awooda inuu akhriyo iyada.
  2. Waa ka buraysaa rakcadda uusan faatixada ku Akhrin qofkii kas u sameeya ama kii aan ogayn ama illawsan, waayo waa rukni Arkaantana sina looma dhaafikaro.
  3. Faatixada akhrinteedu way ka dhacaysaa qofku hadduu imaamka ku soo gaaro rukuuca.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 151) (756). صحيح مسلم (1/ 295) (394). تيسير العلام، للبسام (ص171). تنبيه الأفهام، لابن عثيمين (217).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Arkaanta Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com