Sabīl › Xadiis › Xadiisyo la sharraxay › Sifada Salaada عن حُذَيْفَةَ رضي الله عنه: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَانَ يَقُولُ بَيْنَ السَّجْدَتَيْنِ: «رَبِّ اغْفِرْ لِي، رَبِّ اغْفِرْ لِي».
Xudayfa Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu dhihi jiray labada Sujuudood dhexdooda:"Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf ".
waxaa wariyey Abuu daawuud,nasaa.i,ibn maajah,Axmad Darajo Xadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhihi jiray markuu fariisto labada Sujuudood dhexdooda: Rabiyow ii dambi dhaaf, Rabiyow ii dambi dhaaf" wuuna ku cel-celin jiray.
Macnaha ii dambi dhaaf: waa baryada Adoonku uu kaga baryayo Rabigii inuu ka masaxo oo ka dhaafo dambiyadiisa kana asturo ceebihiisana.
Faa’iidooyin
Waa Sharci in la akhristo ducadan labada Sujuudood dhexdooda, Salaadaha faralka ah iyo kuwa Sunahaba.
Waa Suno in lagu celceliyo: Rabiyow ii dambi dhaaf, inta waajibka ahina waa hal mar. Tixraac
سنن أبي داود (2/ 154) (874)، سنن النسائي (2/ 231) (1145)، سنن ابن ماجه (2/ 64) (897)، مسند أحمد (38/ 392) (23375)، نيل الأوطار (2/ 305).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Hore Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa haduu dhabarkiisa ka soo toosiyo Rukuuca, wuxuu dhihi jiray: "samica Allaahu liman xamidah Xiga kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf Sifada Salaada Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com