U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Imaamka oo lala dagaalo

4 xadiis

Rasuulka Ilaahay waxaan ka balaban qaadnay inaan maqalno oo adeecno, waqtiga adag iyo waqtiga fududba, iyo in nalaka sad roonaan karo

عن عُبَادَةَ بن الصَّامتِ رضي الله عنه قال: بَايَعْنَا رسولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم على السَّمْعِ وَالطَّاعَةِ فِي الْعُسْرِ وَالْيُسْرِ، وَالْمَنْشَطِ وَالْمَكْرَهِ، وعلى أَثَرَةٍ علينا، وعلى أَلَّا نُنَازِعَ الْأَمْرَ أهلَه، وعلى أَنْ نَقُولَ بِالْحَقِّ أينما كُنَّا، لا نَخَافُ في الله لَوْمَةَ لَائِمٍ.
Cubaada Binu Saamit Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay waxaan ka balaban qaadnay inaan maqalno oo adeecno, waqtiga adag iyo waqtiga fududba, iyo in nalaka sad roonaan karo, iyo inaan ku qabsan Madaxtinimada dadka haaya, iyo inaan meel kasta oo aanu joogno xaqa sheegno, oo aanaan xaqa u sheegi waayin cabsi aan ka qabno mid dagaala dagaalki.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu balan kaga qaaday Asxaabtiisa inay u hogaansamaan Madaxda waqtiga fudud iyo waqtiga adagba, waqtiga barwaaqada iyo waqtiga baahida la qabo, amarkoodu ha ahaado waxaan jecelnahay ama wax aan dhib sanayno, xataa haday Madaxdu Bulshada ka badasadaan Xoolaha caamka ah, iyo shaqo isku magacaabida, iyo wixii la mida, waxaa waajib ah in lagu adeeco waxa wanaaga ah, iyo inaan laga hor iman Madaxda, waayo fitnada iyo ladagaalan koodu wuu ka waynaan fasahaadka ka dhalanaya dulmiga ay sameeyaan, iyo wixii ay balan qaadeen oo ahaa inay xaqa sheegaan goob walba, iyagoo Ilaahay u daacad ah oo aan ka baqayn cid canaanata.

Faa’iidooyin
  1. Madaxda in la maqalo oo la adeeco mairaha ka dhalanaya waa in muslimiinta kalimadoodu mid noqoto iyo in khilaafka la joojiyo.
  2. Waa waajib maqalka iyo adeecida madaxdu wixii aan macsida Ilaahay ahayn, xiliga barwaaqada iyo xiliga xaaladu daran tahay, goortaan dhib jirin iyo goorta ay adag tahayba iyo xataa haday ka wax badsadaan dadka.
  3. Waa waajib inaan xaga sheegno meel walba oo aan joogno, inagoo aan uga baqayn xaqa sheegidiisa canaant mid nacanaanta.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 47) (7055-7056)، (9/ 77) (7199، 7200). صحيح مسلم (3/ 1470) (1709). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 277). رياض الصالحين، للنووي (ص83) (186). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 419). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 202).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca

عَنْ أُمِّ سَلَمَةَ أُمِّ المُؤمنين رضي الله عنها: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «سَتَكُونُ أُمَرَاءُ فَتَعْرِفُونَ وَتُنْكِرُونَ، فَمَنْ عَرَفَ بَرِئَ، وَمَنْ أَنْكَرَ سَلِمَ، وَلَكِنْ مَنْ رَضِيَ وَتَابَعَ» قَالُوا: أَفَلَا نُقَاتِلُهُمْ؟ قَالَ: «لَا، مَا صَلَّوْا».
Umu ٍSalama, Muuminiinta Hooyadood -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa imaan doona kuwo Madaxa oo samayndoona waxaad ku raacsan tihiin iyo waxaad ku diidan tihiinba, َofkii ku raaca wixii saxa wuu is beri yeelay, َofkii ku diida wixii khalad ahna wuu badbaadey, laakiin khaladku waa َofkii xumaha ku raaca oo ku raali noqda, waxay yiraahdeen: ma la diriraynaa? wuxuu yiri: maya, inta ay tukanayaan".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ina maamuli doonaan Madax sameyndoona shaqo aanu naqaan waafaqsana Sharciga aanu naqaan, waxay kaloo sameyn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay Sharciga. Qofkii qalbigiisa ka diida Munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo diidana, Danbiga iyo Nifaaqa beri ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu Madaxda ku diido Gacan ahaan ama Carab ahaan ee Madaxda ku diida Xumaha wuu ka badbaaday Macsida iyo inuu ka qaybqaato Xumaha. Laakiin Qofka ka raali noqda ee ku raaca Xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen. Ka dib waxay waydiiyeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay la dagaalamaan Madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay Salaada idinla oogayaan.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan wax yaabo tusinaaya nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waayo wuxuu sheegay waxa dhicidoona ee qaybka ah waxayna u dheceen sidii uu u sheegay.
  2. Ma banaana in laga raali ahaado Munkarka iyo in laga qayb qaato, waana waajib in la diido.
  3. Hadii Madaxdu sameeyaan wax Shareecada khilaafsan ma banaana in lagu raaco arinkaas.
  4. Madaxda Muslimiinta in lala dagaalo ma banaana, waayo waxaa ka dhalanaya fasaad, dhiig la daadiyo iyo amniga oo la waayo, in loo adkaysto Munkarka Madaxda caasiga ah oo lagu sabro dhibkooda ayaa ka sahlan in lala dagaalo.
  5. Salaada arinkeedu waa mid aad u weyn, iyadaana kala saarta Kufriga iyo Islaamka.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1480) (1854). المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (4/ 64). البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (32/ 206). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 279). تطريز رياض الصالحين، لفيصل بن عبد العزيز المبارك (ص150). الشرح الممتع على زاد المستقنع، لابن عثيمين (11/ 323). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 435). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 211).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka ka hor yimaada Madaxdiisa, Bulshada Muslimiintana ka dhex baxa ee sidaa ku dhinta, wuxuu ku dhintay dhimasho Jaahili

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: «مَنْ ‌خَرَجَ ‌مِنَ ‌الطَّاعَةِ، وَفَارَقَ الْجَمَاعَةَ فَمَاتَ، مَاتَ مِيتَةً جَاهِلِيَّةً، وَمَنْ قَاتَلَ تَحْتَ رَايَةٍ عِمِّيَّةٍ، يَغْضَبُ لِعَصَبَةٍ، أَوْ يَدْعُو إِلَى عَصَبَةٍ، أَوْ يَنْصُرُ عَصَبَةً، فَقُتِلَ، فَقِتْلَةٌ جَاهِلِيَّةٌ، وَمَنْ خَرَجَ عَلَى أُمَّتِي، يَضْرِبُ بَرَّهَا وَفَاجِرَهَا، وَلَا يَتَحَاشَى مِنْ مُؤْمِنِهَا، وَلَا يَفِي لِذِي عَهْدٍ عَهْدَهُ، فَلَيْسَ مِنِّي وَلَسْتُ مِنْهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: Qofka ka hor yimaada Madaxdiisa, Bulshada Muslimiintana ka dhex baxa ee sidaa ku dhinta, wuxuu ku dhintay dhimasho Jaahili, Qofka u dagaalama Calan Indho la`aan ah oo Baadil ah, oo uu u caroonayo qabyaalad ama ugu yeeraya qabyaalad, ama u gargaaraya qabyaalad oo ku dhinta dhimashadiisu waa Jaahili, Qofka la dirira ummaddayda, ee garaaca kan Baariga ah iyo kan Faajirka ahba, ee aan ka leexan kan Muuminka ah, ee aan kii balanta lahaa aan u oofin balantiisii, kaasi igama mid aha aniguna ka mid ma ihi".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu cadeeyey in Qofka Madaxda adeeci waaya oo ka baxa Muslimiinta ku midaysan baycada Imaamka, ee sidaa ku dhinta isagoo Jamaacada Musliiinta ka baxay Madaxdiina khilaafay, wuxuu ku dhintay dhimasho Jaahili ah, kuwaasoo Madaxna aan maqlayn, Bulshodana aan ku xirnayn, balse ahaa Firqooyin iyo Kooxo qolaba qolo la dagaasho. Rasuulku nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka u dagaalama calan aysan u cadayn inuu xaq yahay iyo inuu baadil yahay, oo uu u caroonayo hadii qoladiisu ama qabiilkiisu caroodo, oo uusan u caroon isagoo diinta u gargaaraya ama xaqa u gargaaraya, oo ku dagaalamo qabyaalad indho la`aan iyo cilmi la`aan ah, hadii xaaladaas lagu dilo waxay la mid tahay dhimasho jaahili ah. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii la dirira ummaddisa ee garaaca qofka fiican iyo kan xunba, ee wuxuu samaynaayo aan dan ka gelin, ee aan ka baqin ciqaabta dilka mu'uminiinta, ee aan ilaalinay balanta dadka lagula jiro sida gaalada balanta ku jooga iyo madaxda balanta lala galay, balse burinaaya balamada, arinkaasi wuxuu ka mid yahay dunuubta waaweyn, Qofkii sameeyana wuxuu xaq u yeelan goodigaas adag.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Madaxda lagu adeeco wixii aan Macsida Ilaahay casa wajala ahayn waxay ka mid tahay arimaha waajibka ah .
  2. Xadiiskan waxaa ku jira digniin weyn oo ku socota cida adeeciwayda Madaxda, ee ka baxa midnimada Muslimiinta, haduu sidaa ku dhinto, wuxuu ku dhintay dariiqii dadka Jaahiliga.
  3. Adiiskan waxaa ku jira reebid la reebayo in loo dagaalamo qabyaalad.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan iay waajib tahay in la oofiyo Balamada.
  5. Madaxda in la adeeco oo midnimda Musliniita lagu jiro waxaa ku jira khayr badan, nabad iyo deganaansho, iyo in xaaladu hagaagto.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan in la iska reebay in la isku ekaysiiyo axwaasha dadka Jaahiliga ah.
  7. Xadiiska waxa ku sugan in la is farayaa ku dhex jirka midnimada Ummadda Mslimiinta.
Tixraac

صحيح مسلم. شرح النووي على مسلم (12/ 238). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (6/ 179). سبل السلام، لمحمد الصنعاني (2/ 374). منحة العلام شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (8/ 338). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (6/ 2395).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila

عن عرفجة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ أَتَاكُمْ وَأَمْرُكُمْ جَمِيعٌ عَلَى رَجُلٍ وَاحِدٍ، يُرِيدُ أَنْ يَشُقَّ عَصَاكُمْ، أَوْ يُفَرِّقَ جَمَاعَتَكُمْ، فَاقْتُلُوهُ».
Carfaja Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey muslimiinta oo ku midaysan hal nin oo xukuma, iyo aragti kaliya, ka dibna uu u yimaado mid doonaya inuu xukunka kula diriro, ama raba inuu muslimiinta u kala jabiyo kooxo badan, waxaa waajib ku ah muslimiintu inay u diidaan oo la diriraan , iyadoo laga hortagaayo sharkiisa iyo musliniinta dhiigooda oo la ilaalinayo.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa waajib ah in la maqalo oo lagu adeeco ninka muslimiinta xukuma wixii aan macsi ahayn. waana xaaraan in lala dagaalamo.
  2. Cida la dagaalanta ninka muslimiinta xukuma iyo bulshada la jirtya waxaa waajib ah la la dagaalo,siduu doono ha u sareeyo maqaamkiisu iyo qabiilkiisuye.
  3. Waxaa dadka lagu boorinayaa inay midoobaan oo aanay kala tagin oo is khilaafin.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1480) (1852). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (8/ 349). توضيح الأحكام شرح بلوغ المرام، للبسام (6/ 329). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (5/ 302). المفاتيح في شرح المصابيح، الحسين المُظْهِري (4/ 295).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com