عن عُبَادَةَ بن الصَّامتِ رضي الله عنه قال: بَايَعْنَا رسولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم على السَّمْعِ وَالطَّاعَةِ فِي الْعُسْرِ وَالْيُسْرِ، وَالْمَنْشَطِ وَالْمَكْرَهِ، وعلى أَثَرَةٍ علينا، وعلى أَلَّا نُنَازِعَ الْأَمْرَ أهلَه، وعلى أَنْ نَقُولَ بِالْحَقِّ أينما كُنَّا، لا نَخَافُ في الله لَوْمَةَ لَائِمٍ.
Cubaada Binu Saamit Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay waxaan ka balaban qaadnay inaan maqalno oo adeecno, waqtiga adag iyo waqtiga fududba, iyo in nalaka sad roonaan karo, iyo inaan ku qabsan Madaxtinimada dadka haaya, iyo inaan meel kasta oo aanu joogno xaqa sheegno, oo aanaan xaqa u sheegi waayin cabsi aan ka qabno mid dagaala dagaalki.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu balan kaga qaaday Asxaabtiisa inay u hogaansamaan Madaxda waqtiga fudud iyo waqtiga adagba, waqtiga barwaaqada iyo waqtiga baahida la qabo, amarkoodu ha ahaado waxaan jecelnahay ama wax aan dhib sanayno, xataa haday Madaxdu Bulshada ka badasadaan Xoolaha caamka ah, iyo shaqo isku magacaabida, iyo wixii la mida, waxaa waajib ah in lagu adeeco waxa wanaaga ah, iyo inaan laga hor iman Madaxda, waayo fitnada iyo ladagaalan koodu wuu ka waynaan fasahaadka ka dhalanaya dulmiga ay sameeyaan, iyo wixii ay balan qaadeen oo ahaa inay xaqa sheegaan goob walba, iyagoo Ilaahay u daacad ah oo aan ka baqayn cid canaanata.
Faa’iidooyin
- Madaxda in la maqalo oo la adeeco mairaha ka dhalanaya waa in muslimiinta kalimadoodu mid noqoto iyo in khilaafka la joojiyo.
- Waa waajib maqalka iyo adeecida madaxdu wixii aan macsida Ilaahay ahayn, xiliga barwaaqada iyo xiliga xaaladu daran tahay, goortaan dhib jirin iyo goorta ay adag tahayba iyo xataa haday ka wax badsadaan dadka.
- Waa waajib inaan xaga sheegno meel walba oo aan joogno, inagoo aan uga baqayn xaqa sheegidiisa canaant mid nacanaanta.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 47) (7055-7056)، (9/ 77) (7199، 7200).
صحيح مسلم (3/ 1470) (1709).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 277).
رياض الصالحين، للنووي (ص83) (186).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 419).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 202).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن مَعقِلِ بن يَسار المُزَنِيّ رضي الله عنه قال: إني سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَا مِنْ عَبْدٍ يَسْتَرْعِيهِ اللهُ رَعِيَّةً، يَمُوتُ يَوْمَ يَمُوتُ وَهُوَ غَاشٌّ لِرَعِيَّتِهِ، إِلَّا حَرَّمَ اللهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ».
Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaadee waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay Masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madaxweyne, ama masuuliyad gaara sida tan ninka ka saaran gurigiisa, ama Gabadha ka saaran Gurigeeda, hadii ay dayacaan wixii masuulka looga dhigay, ama ay khiyaaanan oo aanay u naseexayn, oo dayacaan xuquuqdooda Diineed iyo tan Aduunyo, waxay mutaysanayaan ciqaabtaas adag.
Faa’iidooyin
- Goodigaasi gaar kuma aha Madaxwaynaha iyo ku Xigeenadiisa, balse waa mid guud oo loo jeedo qofkastoo Ilaahay Madax uga dhigay dad.
- Waxaa waajib ku ah Qofkasta oo Masuul ka noqda arin Muslimiintu leeyihiin inuu u naseexeeyo, kuna dadaalo inuu Amaanada guto, oo dadka uga digo khiyaanada.
- Xadiiska waxa ku sugan weynida ay leedahay Qof walba ee qaada Mas'uuliyad guud Bulshada ama mid gaara, ha noqoto mid weyn ama mid yare.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 64) (7150).
صحيح مسلم (1/ 125) (142).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 706).
فيض القدير شرح الجامع الصغير، للمناوي (5/ 488).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 543).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com