U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Waajibaatka Imaamka

2 xadiis

Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista

عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «سَتَكُونُ أَثَرَةٌ وَأُمُورٌ تُنْكِرُونَهَا» قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ فَمَا تَأْمُرُنَا؟ قَالَ: «تُؤَدُّونَ الحَقَّ الَّذِي عَلَيْكُمْ، وَتَسْأَلُونَ اللَّهَ الَّذِي لَكُمْ».
Cabdullaahi Binu Mascuud -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa imaan doona Naf jeclaysi iyo arimo aad diidi doontaan" waxay dheheen: Rasuulka Ilaahayow, maxaad nafariysaa? wuxuu yiri: "iska bixiya xaqa la idinku leeyahay, xaqiinana Ilaahay waydiista."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay inay Muslimiinta talada u qaban doonaan Madax qaadan doona maalka Muslimiinta iyo Aduunyada kaleba, oo waxay doonaan ku sameynaaya Muslimiintana u diidaya xaqa ay ku leeyihiin. Madaxdaas waxaa laga arki doonaa arimo aad Diinta waafaqsanayn oo la diido. Asaxaabtu waxay waydiiyeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: waxa ay sameynayaan xaaladaas?. Nabigu -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- wuxuu sheegay in Xoolaha ay qaateen aysan keenayn inaad diidaan xaqii ay waajibka idinku lahaayeen oo ah inaad maqashaan oo adeecdaan, balse ku sabra oo maqala oo adeeca oo ha ku qabsanina Xukunka, oo Ilaahay waydiista xaqiina, oo ka barya inuu idiin hagaajiyo oo idinka celiyo Sharkooda iyo Dulmigooda.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskani wuxuu ka mid yahay wax yaabaha cadaynaya Nabinimada Nabiga -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- waayo wuxuu sheegay waxa ummaddiisa ka dhici doona, waxayna u dhacday siduu u sheegay.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan inay banaan tahay in la sheego midka shay ku ibtilaysan waxa ku dhici doona ee balaayo ah, si uu naftiisa ugu diyaariyo, marka waxaasi ku dhacaan oo uu noqdo mid sabra kana ajarsada.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in qabsashada Kitaabka iyo Sunada Rasuulka -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- waa labada lagaga boxo fitanta iyo khilaafka.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan in la isku booriyo is maqalka oo wanaaga lagu adeeco Madaxda oo aan lala dagaalamin xataa hadii ay la yimaadaanDulmi.
  5. Xadiiska waxaa ku sugan in waqtiga fitnada la isticmaalo xikmad oo Sunada la raaco.
  6. Qofka waxaa waajib ku ah inuu guto waajibka isaga saaran isaga haba la Dulmiyee.
  7. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Qaacidada ah: in la doorto labo Shar kii sahlan ama labo dhib kii fudud.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 199) (3603). صحيح مسلم (3/ 1472) (1843). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 720). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص52). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (9/ 402). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 280). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 554).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey,

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بنِ عُمرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُما أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «كُلُّكُمْ رَاعٍ فَمَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ، فَالأَمِيرُ الَّذِي عَلَى النَّاسِ رَاعٍ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالرَّجُلُ رَاعٍ عَلَى أَهْلِ بَيْتِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُمْ، وَالمَرْأَةُ رَاعِيَةٌ عَلَى بَيْتِ بَعْلِهَا وَوَلَدِهِ وَهِيَ مَسْئُولَةٌ عَنْهُمْ، وَالعَبْدُ رَاعٍ عَلَى مَالِ سَيِّدِهِ وَهُوَ مَسْئُولٌ عَنْهُ، أَلاَ فَكُلُّكُمْ رَاعٍ وَكُلُّكُمْ مَسْئُولٌ عَنْ رَعِيَّتِهِ».
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "dhamaantiin waxaad tihiin Ilaaliye, waana la waydiin wixii la raaciyey, Amiirka dadka maamula waa ilaaliye isagaana la waydiin masuuliyadii uu hayey, ninka waxaa la raaciyey Qoyskiisa waana la waydiin, Gabadha Xaaska ahna waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda iyo Caruurtiisa waana la waydiindoonaa, Adoonka waxaa la raaciyey Xoolaha sayidkiisa waana la waydiindoonaa, war hooy dhamaantiin ilaaliyeyaal ayaad tihiin dhamaantiina waa la idin weydiindoonaa wixii la idin raaciyey."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qof walba oo Muslima ay ka saaran tahay Bulshada masuuliyad ay tahay inuu ilaaliyo oo ka soo boxo. Imaamka iyo Amiirku waxay ilaalinayaan wixii Ilaahay raaciyey, waxaa laga rabaa inay ilaaliyaan Sharcga, oo ay ka difaacaan cidii dulmi wada, oo ay ku Jihaadaan Cadowgooda, oo aysan dayicin xaqooda. Ninkuna wuxuu masuul ka yahay inuu Qoyskiisa biilo, oo uu si fiican ula dhaqmo, oo uu wax baro oo uu edbiyo. Gabadhana waxaa la raaciyey Guriga ninkeeda waa inay si fiican u maamusho Gurigiisa oo ay tarbiyeyso Caruurtiisa, iyadaana masuul ka ah arinkaas. Qofka khidmeeya ee Adoonka ah iyo kan Shaqaalaha ah waxay masuul ka yihiin Xoolaha Sayidkooda waa inay ilaaliyaan wixii uu u dhiibay iyo shaqadii uu u diray, iyagaana masuul ka ah arinkaas. Qofkasta wuxuu masuul ka yahay wixii la raaciyey, qof walbana waa la waydiinayaa wixii la raaciyey.

Faa’iidooyin
  1. Masuuliyada Bulshada Muslimka ah waa mid guud, Qof kastana waxaa laga rabaa inta awooddiisa iyo mas'uuliyadiisu tahay, ee uu gudan karo.
  2. Masuuliyada Dumarka saarani waa mid weyn, waxaana laga rabaa inay si wanaagsan u gudato waajibka ka saaran Guriga ninkeeda iyo kan Caruurteeda.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 150) (2554). صحيح مسلم (3/ 1459) (1829). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 369). إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري، القسطلاني (4/ 326).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com