U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Rasuulka Ilaahay waxaan ka balaban qaadnay inaan maqalno oo adeecno, waqtiga adag iyo waqtiga fududba, iyo in nalaka sad roonaan karo

عن عُبَادَةَ بن الصَّامتِ رضي الله عنه قال: بَايَعْنَا رسولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم على السَّمْعِ وَالطَّاعَةِ فِي الْعُسْرِ وَالْيُسْرِ، وَالْمَنْشَطِ وَالْمَكْرَهِ، وعلى أَثَرَةٍ علينا، وعلى أَلَّا نُنَازِعَ الْأَمْرَ أهلَه، وعلى أَنْ نَقُولَ بِالْحَقِّ أينما كُنَّا، لا نَخَافُ في الله لَوْمَةَ لَائِمٍ.
Cubaada Binu Saamit Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay waxaan ka balaban qaadnay inaan maqalno oo adeecno, waqtiga adag iyo waqtiga fududba, iyo in nalaka sad roonaan karo, iyo inaan ku qabsan Madaxtinimada dadka haaya, iyo inaan meel kasta oo aanu joogno xaqa sheegno, oo aanaan xaqa u sheegi waayin cabsi aan ka qabno mid dagaala dagaalki.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu balan kaga qaaday Asxaabtiisa inay u hogaansamaan Madaxda waqtiga fudud iyo waqtiga adagba, waqtiga barwaaqada iyo waqtiga baahida la qabo, amarkoodu ha ahaado waxaan jecelnahay ama wax aan dhib sanayno, xataa haday Madaxdu Bulshada ka badasadaan Xoolaha caamka ah, iyo shaqo isku magacaabida, iyo wixii la mida, waxaa waajib ah in lagu adeeco waxa wanaaga ah, iyo inaan laga hor iman Madaxda, waayo fitnada iyo ladagaalan koodu wuu ka waynaan fasahaadka ka dhalanaya dulmiga ay sameeyaan, iyo wixii ay balan qaadeen oo ahaa inay xaqa sheegaan goob walba, iyagoo Ilaahay u daacad ah oo aan ka baqayn cid canaanata.

Faa’iidooyin
  1. Madaxda in la maqalo oo la adeeco mairaha ka dhalanaya waa in muslimiinta kalimadoodu mid noqoto iyo in khilaafka la joojiyo.
  2. Waa waajib maqalka iyo adeecida madaxdu wixii aan macsida Ilaahay ahayn, xiliga barwaaqada iyo xiliga xaaladu daran tahay, goortaan dhib jirin iyo goorta ay adag tahayba iyo xataa haday ka wax badsadaan dadka.
  3. Waa waajib inaan xaga sheegno meel walba oo aan joogno, inagoo aan uga baqayn xaqa sheegidiisa canaant mid nacanaanta.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 47) (7055-7056)، (9/ 77) (7199، 7200). صحيح مسلم (3/ 1470) (1709). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 277). رياض الصالحين، للنووي (ص83) (186). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 419). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 202).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Siyaasada Sharciga ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com