U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada

عن مَعقِلِ بن يَسار المُزَنِيّ رضي الله عنه قال: إني سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَا مِنْ عَبْدٍ يَسْتَرْعِيهِ اللهُ رَعِيَّةً، يَمُوتُ يَوْمَ يَمُوتُ وَهُوَ غَاشٌّ لِرَعِيَّتِهِ، إِلَّا حَرَّمَ اللهُ عَلَيْهِ الْجَنَّةَ».
Macqal Binu Yasaar AlMusani Allaha ka raali ahaadee waxaa la wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Adoonkii Ilaahay madax uga dhigo Shacab, oo Maalinta uu dhimanaayo dhinta isago soo khiyaamay shacabkiisii, Ilaahay wuxuu ka xarimaa Janada".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qof kasta oo Ilaahay Masuul uga dhigay dad, ha noqoto masuuliyad guud sida Madaxweyne, ama masuuliyad gaara sida tan ninka ka saaran gurigiisa, ama Gabadha ka saaran Gurigeeda, hadii ay dayacaan wixii masuulka looga dhigay, ama ay khiyaaanan oo aanay u naseexayn, oo dayacaan xuquuqdooda Diineed iyo tan Aduunyo, waxay mutaysanayaan ciqaabtaas adag.

Faa’iidooyin
  1. Goodigaasi gaar kuma aha Madaxwaynaha iyo ku Xigeenadiisa, balse waa mid guud oo loo jeedo qofkastoo Ilaahay Madax uga dhigay dad.
  2. Waxaa waajib ku ah Qofkasta oo Masuul ka noqda arin Muslimiintu leeyihiin inuu u naseexeeyo, kuna dadaalo inuu Amaanada guto, oo dadka uga digo khiyaanada.
  3. Xadiiska waxa ku sugan weynida ay leedahay Qof walba ee qaada Mas'uuliyad guud Bulshada ama mid gaara, ha noqoto mid weyn ama mid yare.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 64) (7150). صحيح مسلم (1/ 125) (142). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 706). فيض القدير شرح الجامع الصغير، للمناوي (5/ 488). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 543).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Siyaasada Sharciga ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com