عن تميم الداري رضي الله عنه أن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «الدِّينُ النَّصِيحَةُ» قُلْنَا: لِمَنْ؟ قَالَ: «لِلهِ وَلِكِتَابِهِ وَلِرَسُولِهِ وَلِأَئِمَّةِ الْمُسْلِمِينَ وَعَامَّتِهِمْ».
Tamiim Adaari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Diintu waa naseexo " waxaan ku niri: yey u tahay: wuxuu yiri: " Ilaahay, Kitaabkiisa, Rasuulkiisa, Madaxda Muslimiinta, iyo guud ahaan Muslimiinta oo dhan "
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay Diintu ku dhisan tahay ikhlaas iyo run, si loogu guto sidii Ilaahay u waajibiyey oo kaamila ee aan laga gaabin ama la qishin.
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa lagu yiri: yey u tahay naseexo? wuxuuna yiri:
Tan kowaad: Ilaahay ayey u tahay isagaa koreeya oo nusqaan ka hufane: waana in loo khaalis yeelo camalka oo aan loo shariig yeelin ", oo aanu rumayno Rabinimadiisa, Ilaahnimadiisa, Magacyadiisa, Sifaadkiisa, arinkiisa oo la weyneeyo iyo dadkoo la gaarsiiyo inay Ilaahay rumeeyaan.
Tan labaad: kitaabkiisa Qur'aanka ah: ayey u tahay: waana inaan aamino inuu hadalkii Ilaahay yahay oo kii kutubtiisa u danbeeyey yahay, iyo inuu nasakhay dhamaan Shareecooyinkii isaga ka horeeyey, waa inaan weynayno oo si wanaagsan u akhrino oo ku camal falo Quraanka Muxkamkiisa, oo aanu u hogaansamo Mutashaabihiisa, oo aanu ka tagno kuwa Quraanka qaloociya oo bedela, waa inaan ku cibro qaadano waanadiisa, oo cilmigiisa faafino, dadkana ugu yeerno.
Tan seddexaad: waxay u tahay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: taasoo ah in la rumeeyo inuu yahay kii u dambeeyey Rususha, oo aan rumayno wuxuu la yimid, oo aanu amarkiisa qaadano, wuxuu naga reebayna ka harno, oo aynaan Ilaahay ku caabudin wixii Nabigu la yimid maahee wax kale, oo Nabiga xaqiisa weynayno, oo Nabiga maamuusno, oo dacwadiisa fidino, oo Shareecadiisa faafino, oo tuhunka ka difaacno.
Tan afraad: Madaxda Muslimiinta ayey u tahay: taasoo ah in xaqa loogu kaalmeeyo, oo aan lagu qabsan Madaxtinimada, waana in la maqlo oo lagu adeeco Sharciga Ilaahay.
Tan shanaad: Muslimiintoo dhan ayey u tahay naseexo: waana in loo ixsaan falo oo khayrka loogu yeero, oo dhibka laga daayo, oo khayrka lala jeclaado, oo baarinimo iyo taqwo lagula dhaqmo.
Faa’iidooyin
- Naseexada in la is faro dadka oo dhan ayey u taalaa.
- Nseexadu maqaamka ay Diinta ku leedahay wuu weyn yahay.
- Diintu waxay ka kooban tahay caqiido, oraah iyo camal fal.
- Naseexada waxaa ka mida in nafta kan loo naseexaynayo laga sifeeyo qishka iyo khayrka oo lala doono.
- Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu dadka wax u bari jirey isagoo shayga si guud u sheega ayuu hadana sii faahfaahinayey.
- Waxaa lagu bilaabaa shayba shayga uu ka muhiimsan yahay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay naseexada Ilaahay, ka dibna kitaabkiisa, ka dibna Nabigiisa ka dibna Madaxda Muslimiinta ka dibna Muslimiinta oo dhan.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 74) (55).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثا النووية (ص21).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص115).
شرح النووي على مسلم (2/ 37).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن العِرْباضِ بن ساريةَ رضي الله عنه قال: قام فينا رسول الله صلى الله عليه وسلم ذات يوم، فوَعَظَنا مَوعظةً بليغةً وَجِلتْ منها القلوبُ، وذَرَفتْ منها العيونُ، فقيل: يا رسول الله، وعظتَنَا موعظةَ مُودِّعٍ فاعهد إلينا بعهد. فقال: «عليكم بتقوى الله، والسمع والطاعة، وإن عبدًا حبشيًّا، وسترون من بعدي اختلافًا شديدًا، فعليكم بسنتي وسنة الخلفاء الراشدين المهديين، عَضُّوا عليها بالنواجِذ، وإياكم والأمور المحدثات، فإن كل بدعة ضلالة».
Cirbaad Binu Saariyah Ilaahay ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigaa naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee Maalin ayuu na dhex istaagay oo na wacdiyey, wacdi xeel dheer oo Quluubteenu cabsatay, Indhahayaguna ilmeeyeen, waxaana lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow waxaad na wacdiday wacdi sagootin ah ee noo samee balan qaad, wuxuu ku yiri: " waxaan idin farayaa Ilaahay cabsidi, iyo inaad maqashaan oo adeecdaan midka idiin madaxda ah hadii xataa uu yahay Adoon Xabashi ah, waxaad arki doontaan gadaashayda muran iyo is khilaaf daran, waxaan idiin dar-daarmayaa Sunadayda iyo Sunada khulafaa'u Raashidiinta hanoonsan ee iga dambaysa-, Gaws dambeedka ku qabsada, waxaanan idiinka digayaa wax kastoo Diinta lagu soo daro, Bidco kastaana waa Baadi ".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu wacdiyey asaxaabtiisa wacdi xeel dheer, taasoy quluubta cabsi gelisay, indhuhuna la ilmeeyeen. Waxay dheheen -Asaxaabtu-Rasuulka Ilaahayow, waxay u eg tahay waano sagootin ah, waa markay arkeen siduu ugu xeel dheeraaday Nabigu- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- waanada, waxay weydiisteen dardaaran ay qabasdaan gadaashiisa. Wuxuu ku yiri: waxaan idiin dardaarmayaa Ilaahay cabsidi, idinkoo la imaanaya waajibaadka , kana tegaya wixii la xarimay. iyo inaad maqashaan oo adeecdaan Madaxda, xataa haduu Madax idiin noqdo Adoon ama uu xoog idinku qabsado, yacni, haduu Madax idiin noqdo dadka kan ugu liita ha nicina ee adeeca, iyadoo laga baqayo fitan, Qofkii idinka mida ee noolaada wuxuu arki doonaa khilaaf badan. Ka dib wuxuu u sheegay sida looga bixi karo khilaafkaas, taaso ah in la qabsado Sunada Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo Sunada khulafad Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee isaga ka dambeeya, kuwaasoo ah: Abii Bakar Asidiiq, Cumar Binu Khaddaab, Cusmaan Binu Cafaan, Cali Binu Abii Daalib,-Allah ka raali ahaado dhamaantoode-, hadalka Rasuulka ee ah: "caduu calayhaa bina-waajidi" waa gawsaha danbe, oo uu uga jeedo in Sunada la qabsado oo lagu taagnaado. Wuxuu uga digay wax kastoo Diinta lagu soodaro oo Bidca ah, waayo Bidco walba waa baadi.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan ahmiyada ay leedahay in Sunada la qabsado oo la raaco.
- Xadiiska waxaa ku sugan in la ilaaliyo wacdiga iyo qalbi jiclcinta.
- Xadiiska waxaa ku sugan in la is amray in la raaco khulafada Raashidiinta ah ee Mahdiyiinta ah ee afarta ah ee Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka danbeeyey, kuwaasoo ah: Abuu Bakar, Cumar, Cusmaan, Cali -Allaha ka raali ahaadee-.
- Xadiiska waxaa ku sugan in la diiday in Diinta Bidco lagu soo daro, Bidco kastana lumid tahay.
- Waa in la maqlo oo la adeeco cida Muuminiinta Mdax u noqota, iyadoon Macsi lagu raacayn.
- Xadiiska waxaa ku sugan in ahmiyad ay leedahay in Ilaahay casa wajala laga baqao waqti walba iyo xaalad walba.
- khilaafku wuu ka dhacayaa ummaddaan, hadii uu dhacana waa waajib in loo laabto Sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo tii Khulafada Raashidiinta ah.
Tixraac
الأربعون النووية (ص: 89) (ح28)، سنن أبي داود (7/ 16) (4607)، سنن الترمذي (4/ 408) (2676)، سنن ابن ماجه (1/ 28) (42)، مسند أحمد (28/ 367) (17142)، تحفة الأحوذي (7/ 366)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (12/ 235)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 278).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com