Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila
عن عرفجة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ أَتَاكُمْ وَأَمْرُكُمْ جَمِيعٌ عَلَى رَجُلٍ وَاحِدٍ، يُرِيدُ أَنْ يَشُقَّ عَصَاكُمْ، أَوْ يُفَرِّقَ جَمَاعَتَكُمْ، فَاقْتُلُوهُ».
Carfaja Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee waxaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Qofka idiin yimaada idinkoo ku midaysan nin kaliya, qofkaasoo doonaya inuu idin kala geeyo, ama midnimadiina dhaawaco, dila".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey muslimiinta oo ku midaysan hal nin oo xukuma, iyo aragti kaliya, ka dibna uu u yimaado mid doonaya inuu xukunka kula diriro, ama raba inuu muslimiinta u kala jabiyo kooxo badan, waxaa waajib ku ah muslimiintu inay u diidaan oo la diriraan , iyadoo laga hortagaayo sharkiisa iyo musliniinta dhiigooda oo la ilaalinayo.
Faa’iidooyin
Waxaa waajib ah in la maqalo oo lagu adeeco ninka muslimiinta xukuma wixii aan macsi ahayn. waana xaaraan in lala dagaalamo.
Cida la dagaalanta ninka muslimiinta xukuma iyo bulshada la jirtya waxaa waajib ah la la dagaalo,siduu doono ha u sareeyo maqaamkiisu iyo qabiilkiisuye.
Waxaa dadka lagu boorinayaa inay midoobaan oo aanay kala tagin oo is khilaafin.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1480) (1852).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (8/ 349).
توضيح الأحكام شرح بلوغ المرام، للبسام (6/ 329).
فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (5/ 302).
المفاتيح في شرح المصابيح، الحسين المُظْهِري (4/ 295).