Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu cadeeyey in Qofka Madaxda adeeci waaya oo ka baxa Muslimiinta ku midaysan baycada Imaamka, ee sidaa ku dhinta isagoo Jamaacada Musliiinta ka baxay Madaxdiina khilaafay, wuxuu ku dhintay dhimasho Jaahili ah, kuwaasoo Madaxna aan maqlayn, Bulshodana aan ku xirnayn, balse ahaa Firqooyin iyo Kooxo qolaba qolo la dagaasho. Rasuulku nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka u dagaalama calan aysan u cadayn inuu xaq yahay iyo inuu baadil yahay, oo uu u caroonayo hadii qoladiisu ama qabiilkiisu caroodo, oo uusan u caroon isagoo diinta u gargaaraya ama xaqa u gargaaraya, oo ku dagaalamo qabyaalad indho la`aan iyo cilmi la`aan ah, hadii xaaladaas lagu dilo waxay la mid tahay dhimasho jaahili ah. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii la dirira ummaddisa ee garaaca qofka fiican iyo kan xunba, ee wuxuu samaynaayo aan dan ka gelin, ee aan ka baqin ciqaabta dilka mu'uminiinta, ee aan ilaalinay balanta dadka lagula jiro sida gaalada balanta ku jooga iyo madaxda balanta lala galay, balse burinaaya balamada, arinkaasi wuxuu ka mid yahay dunuubta waaweyn, Qofkii sameeyana wuxuu xaq u yeelan goodigaas adag.
- Xadiiska waxaa ku sugan in Madaxda lagu adeeco wixii aan Macsida Ilaahay casa wajala ahayn waxay ka mid tahay arimaha waajibka ah .
- Xadiiskan waxaa ku jira digniin weyn oo ku socota cida adeeciwayda Madaxda, ee ka baxa midnimada Muslimiinta, haduu sidaa ku dhinto, wuxuu ku dhintay dariiqii dadka Jaahiliga.
- Adiiskan waxaa ku jira reebid la reebayo in loo dagaalamo qabyaalad.
- Xadiiska waxaa ku sugan iay waajib tahay in la oofiyo Balamada.
- Madaxda in la adeeco oo midnimda Musliniita lagu jiro waxaa ku jira khayr badan, nabad iyo deganaansho, iyo in xaaladu hagaagto.
- Xadiiska waxaa ku sugan in la iska reebay in la isku ekaysiiyo axwaasha dadka Jaahiliga ah.
- Xadiiska waxa ku sugan in la is farayaa ku dhex jirka midnimada Ummadda Mslimiinta.
صحيح مسلم. شرح النووي على مسلم (12/ 238). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (6/ 179). سبل السلام، لمحمد الصنعاني (2/ 374). منحة العلام شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (8/ 338). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (6/ 2395).