Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inay ina maamuli doonaan Madax sameyndoona shaqo aanu naqaan waafaqsana Sharciga aanu naqaan, waxay kaloo sameyn doonaan shaqo aan ku diidayno waayo waxay khilaafsan tahay Sharciga. Qofkii qalbigiisa ka diida Munkarka ee aan awoodin inuu ka hadlo diidana, Danbiga iyo Nifaaqa beri ayuu ka noqday. Qofka awooda inuu Madaxda ku diido Gacan ahaan ama Carab ahaan ee Madaxda ku diida Xumaha wuu ka badbaaday Macsida iyo inuu ka qaybqaato Xumaha. Laakiin Qofka ka raali noqda ee ku raaca Xumaha wuu halaagsamin siday u halaagsameen. Ka dib waxay waydiiyeen Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay la dagaalamaan Madaxda xaalkuudu sidaa yahay?, wuuna u diiday Rasuulku arinkaa, wuxuuna ku yiri: maya, intay Salaada idinla oogayaan.
- Xadiiska waxaa ku sugan wax yaabo tusinaaya nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waayo wuxuu sheegay waxa dhicidoona ee qaybka ah waxayna u dheceen sidii uu u sheegay.
- Ma banaana in laga raali ahaado Munkarka iyo in laga qayb qaato, waana waajib in la diido.
- Hadii Madaxdu sameeyaan wax Shareecada khilaafsan ma banaana in lagu raaco arinkaas.
- Madaxda Muslimiinta in lala dagaalo ma banaana, waayo waxaa ka dhalanaya fasaad, dhiig la daadiyo iyo amniga oo la waayo, in loo adkaysto Munkarka Madaxda caasiga ah oo lagu sabro dhibkooda ayaa ka sahlan in lala dagaalo.
- Salaada arinkeedu waa mid aad u weyn, iyadaana kala saarta Kufriga iyo Islaamka.
صحيح مسلم (3/ 1480) (1854). المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (4/ 64). البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (32/ 206). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 279). تطريز رياض الصالحين، لفيصل بن عبد العزيز المبارك (ص150). الشرح الممتع على زاد المستقنع، لابن عثيمين (11/ 323). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 435). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 211).