U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Camalka Qalbiga

7 xadiis

Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لاَ عَدْوَى وَلاَ طِيَرَةَ، وَلاَ هَامَةَ وَلاَ صَفَرَ، وَفِرَّ مِنَ المَجْذُومِ كَمَا تَفِرُّ مِنَ الأَسَدِ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey falalkii jaahiliyada qaar ka mid ah isagoo ka digaya, wuxuu kaloo cadeeyey in wax walba gacanta Ilaahay ku jiraan, oo wax walba Ilaahay amarkiisa iyo qadarkiisa ku ahaanayaan, waana: Mida 1aad: waxay aamin sanaayeen inuu cudurku iskii u gudbo, Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuu ka reebay dadku inay rumeeyaan in jiradu qofka jiran iskeed uga gudubto oo qof kale aado, balse Ilaahay ayaa maamula aduunkaan, isaga ayaana soo dajiya cudurka isaga ayaana qaada, arinkaasi ma dhici karo inuu Ilaahay iraadadiisa iyo amarkiisa ku ahaado mooyee. mida 2aad: dadkii jaahiligu waxay ahaayeen hadii ay safar ama ganacsi u baxayaan, waxay duulin jireen shimbir, haduu midigta u duulo way bishaaraysan jireen, haduuse xaga bidix u duulo way baasaysan jireen oo ka laaban jireen, Nabigu scw wuu ka reebay baasaysigaa shimbiraha, wuxuuna u cadeeyey inay caqiido baadila tahay. Mida 3aad: dadkii jaahiligu waxay oran jireen: hadii shimbirka guumaystu soo fuusho guri musiibo ayaa ku dhacaysa reerka guriga leh, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu ka reebay baaseysigaas. Mida 4aad: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay in la baasaysto bisha Safar, waana bisha labaad ee bilaha qamariga ah, waxaa kaloo la yiri: safar waa abeeso gasha caloosha, oo ku dhacda xoolaha iyo dadkaba, waxay sheegi jireen inay ka faafi og tahay cudurka cadhada, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuu ka reebay caqiidadaas. Mida 5aad: Nabigu scw wuxu amray in laga fogaado qofka qaba cudurka Juudaanka sida looga fogaado libaaxa, taasina waa in nafta loo dadaalo oo la dalbo bad qabkeeda oo la sameeyo ficilka Ilaahay amray, juudaanku waa cudur xubnaha dadku ay is cunaan.

Faa’iidooyin
  1. waa waajib in Ilaahay la talo saarato iyo in isaga la cuskado, oo la sameeyo asbaabta sharciga ah.
  2. Waa waajib in la rumeeyo Ilaahay qadahiisa iyo qadarkiisa, iyo in asbaabtu Ilaahay gacantiisa ku jirto oo isagu socodsiiyo ama u diida inay saamayn yeelato.
  3. waa in la buriyo waxay samaynayaan dadka qaarki oo ah inay baasaystaan midabada, sida madowga iyo gaduudka ama lambarada, magacyada, dadka qaarki iyo dadka naafada ah.
  4. Reebida la reebay in loo dhawaado qofka qaba cudurka juudaanka, waxaa la mida dadka qaba cudurada faafa: taasina waxay ka mid tahay asbaabta Ilaahay ku socodsiiyo inay si caadi ah uga timaado asbaabteeda: oo asbaabtu iskeed uma madax banaana, balse Ilaahay haduu doono wuu ka qaadayaa awoodeeda oo wax saamayn ah ma yeelanayno, haduu doonana waa daynayaa oo saamayn ayey yeelanaysaa.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 126) (5707). صحيح مسلم (4/ 1742) (2220). فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص307). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 565). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص228). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص253). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص77).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan

عن أبي بَكرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «إِذَا الْتَقَى الْمُسْلِمَانِ بِسَيْفَيْهِمَا فَالْقَاتِلُ وَالْمَقْتُولُ فِي النَّارِ»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ هَذَا الْقَاتِلُ، فَمَا بَالُ الْمَقْتُولِ؟ قَالَ: «إِنَّهُ كَانَ حَرِيصًا عَلَى قَتْلِ صَاحِبِهِ».
Abii bakrata Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan ", waxaan ku iri: Rasuulka Ilaahayow, kani waaba kii wax dilaye, kan la dilay maxay tahay arintiisu? wuxuu yiri: " wuxuu ku dadaalayey inuu dilo kan kale ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay hadii labo Qof oo Muslimiin ahi Seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila Naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu Naarta u galayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay in isaguna uu Naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.

Faa’iidooyin
  1. Qofkii Qalbigiisa ka go`aansada inuu macsi sameeyo oo asbaabteedii ku dhaqaaqa wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
  2. Waxaa si adag looga diyagaa in Muslimiintu is diriraan, arinkaas waxaa ku soo arooray goodi Naar lagu gelayo.
  3. Dagaalka dhex mara Muslimiinta ee xaq lagu dagaalamayo masoo galayo goodigaa, sida dagaalka Buqaada iyo Mufsidiinta.
  4. Qofka dambiga Kabiirada ah gala laguma gaalaysiinayo kaliya inuu dambigaa galay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku magacaabay labada diriray muslimiin.
  5. Hadii labo Muslim ahi ay isu qaataana Shay la isku dili karo, midkoodna kii kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba Naartay gelayaan, Seefta lagu xusay Xadiiska waa tusaale uun.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 15) (31). صحيح مسلم (4/ 2213) (2888). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (1/ 26). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين شرح رياض الصالحين لابن عثيمين (1/ 71). المعجم الوسيط، (1/ 166).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَا يَنْظُرُ إِلَى صُوَرِكُمْ وَأَمْوَالِكُمْ، وَلَكِنْ يَنْظُرُ إِلَى قُلُوبِكُمْ وَأَعْمَالِكُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay ma eegayo Sawiradiina iyo Xoolahiina, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtiina iyo Camalkiina ".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uusan eegayn Sawirada dadka iyo Jirkoodu, inay Quruxsan yahay ama Fool xun yahay ama wayn yahay ama yar yahay ama caafimaad qabo ama jiran yahay. Ilaahay ma fiirinaayo Hantidoodu, ma badan tahay mise way yar tahay? Ilaahay casa wajala uma qabanaayo oo ku xisaabin maayo arimahaas sida ay ugu kala duwan yihiin, laakiin wuxuu eegayaa Quluubtooda iyo waxa ku jira ee Taqwo, Yaqiin, Run, iyo Ikhlaas ah, ama inuu u sameeyey is tustus iyo halagaa sheego, Ilaahay wuxuu eegayaa camalkoodu inuu fiican yahay iyo inuu xun yahay, taasuuna ku ajar siin kuna abaal marin.

Faa’iidooyin
  1. Waa in Qalbiga la ilaaliyo oo la islaaxiyo, oo laga sifeeyo sifo walba oo xun.
  2. Qalbiga waxaa lagu islaaxiyaa Ikhlaaska, camalkana waxaa lagu islaaxiyaa raacida Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, labadaas ayaa Ilaahay eegayaa oo lagu qiimaynayaa.
  3. Qofku yaanu ku kadsoomin Xoolahiisa, Quruxdiisa, Jirkiisa iyo Shay walba oo ka mida Quruxda Aduunka.
  4. Waa laga digayaa in lagu gaabsado waxa oogada ka muuqda iyadoo aan la islaaxin wixii uurka jira".
Tixraac

صحيح مسلم (2564) (4/ 1986). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 40). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص14). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 25).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

acmaashu waa niyada uun, Qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay

عن عمر بن الخطاب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّةِ، وَإِنَّمَا لِامْرِئٍ مَا نَوَى، فَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ إِلَى اللهِ وَرَسُولِهِ، فَهِجْرَتُهُ إِلَى اللهِ وَرَسُولِهِ، وَمَنْ كَانَتْ هِجْرَتُهُ لِدُنْيَا يُصِيبُهَا أَوِ امْرَأَةٍ يَتَزَوَّجُهَا، فَهِجْرَتُهُ إِلَى مَا هَاجَرَ إِلَيْهِ». وفي لفظ للبخاري: «إِنَّمَا الْأَعْمَالُ بِالنِّيَّاتِ، وَإِنَّمَا لِكُلِّ امْرِئٍ مَا نَوَى».
Cumar Binu Khadaab Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Camalku wuxuu ku ansaxayaa niyada, qof walbana wuxuu niyoodo ayuu leeyahay, qofka u soo Hijrooday Ilaahay iyo Rasuulki dartood, Hijradiisu Ilaahay iyo Rasuulkiisa dartood ayey ahaatay, Qofkase Hijiradiisu ahayd inuu Aduunyo helo ama haweeney uu guursado darteed, Hijradiisu waa wuxuu u soo Hijrooday uun ". Ruwaayada Bukhaarina waxay ahad: " acmaashu waa niyada uun, Qof kastana wuxuu niyeystay uun buu leeyahay. "
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, Qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo, ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, Qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allah siiyee, tusaale ayuu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey Qofka u niyeysta Hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, Hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, Qofka Hijradiisa u niyeysta inuu nafac Aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo Dumar uu guursado Hijradiisa ka ma helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la isku booriyey ikhlaaska, waayo Ilaahay ma aqbalo camal aan isaga darti loo samayn.
  2. Acmaasha Ilaahay loogu dhawaado hadii Qofku u sameeyo si caado ahaana ajar kama helaayo, ilaa uu u niyeysto inuu Ilaahay ugu dhawaado.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 22) (6953)، (1/ 6) (1). صحيح مسلم (3/ 1515) (1907). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص5). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص5). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص8). شرح النووي على مسلم (13/ 54). تاج العروس من جواهر القاموس، للزبيدي (7/ 196).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay,

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «الْمُؤْمِنُ الْقَوِيُّ، خَيْرٌ وَأَحَبُّ إِلَى اللهِ مِنَ الْمُؤْمِنِ الضَّعِيفِ، وَفِي كُلٍّ خَيْرٌ، احْرِصْ عَلَى مَا يَنْفَعُكَ، وَاسْتَعِنْ بِاللهِ وَلَا تَعْجَزْ، وَإِنْ أَصَابَكَ شَيْءٌ، فَلَا تَقُلْ لَوْ أَنِّي فَعَلْتُ كَانَ كَذَا وَكَذَا، وَلَكِنْ قُلْ قَدَرُ اللهِ وَمَا شَاءَ فَعَلَ، فَإِنَّ (لَوْ) تَفْتَحُ عَمَلَ الشَّيْطَانِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri "Mu'uminka xoogga weyn, ayaa ka khayr badan lagana jecel yahay xaga Ilaahay Mu'uminka Daciifka ah, mid walbana khayr buu leeyahay, ku dadaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaasho, hana caajisin, haddii wax kugu dhacana ha dhihin haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa, waxaadse tiraahdaa: Ilaahay wuxuu doonuu qadaraa wuxuu doonana wuu falaa, Ereyga "LOW" camalka Shaydaanka ayuu furaa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka Mu'uminku sidiisaba khayr badan yahay, hase ahaatee Mu'uminka xooga weyn xaga Iimaanka, go'aan qaadashada, maalka iyo waxa la midka ah ee wanaaga ah ayaa ka khayr badan Ilaahayna ka jecel yahay Mu'uminka Daciifka ka ah. Intaa ka dib wuxuu u dar-daarmay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mu'uminka inuu qaato sababaha wax yaabaha anfacaya Aduun iyo Aakhiraba, isagoo Ilaahay tala saaranaya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka reebay dadka Caajiska, Wahsiga iyo inuu ka Cuslaysto ficilka isaga anfacaya Ifka iyo Aakhiroba. Markuu Mu'uminku ku dadaalo camalka, sababihiisana qaato, isagoo Ilaahay kaashanaya, kheyrna ka dalbaya, Qofkaa waxaa la gudboon inuu arinkiisa Ilaahay u ban dhigo, wuxuu Ilaahay u doorana kheyr u yahay, Haddii intaa ka dib musiibo ku dhacado yaanu dhihin: "Haddaan sidaa iyo sidaa yeeli lahaa", ''waayo Ereyga "Low - haddan" camalka Shaydaanka ayey furtaa'' waana qadarkii oo la diidayo iyo ka qoomamayn wax tegay, laakiin waa inuu dhoho isagoo Ilaahay isku dhiibaya, kuna raali ah Qaddarkiisa'' Ilaahay ayaa qadaray wuxuu doonana ayuu falaa'', waxa dhacay waa wax Ilaahay horay u xukumay rabitaankiisana ku dhacay, Ilaahay isagaa wuxuu doono sameeya, Qaddarkiisana cidi isma hor taagi karto, loogamana dambeyn karo xugun kiisa.

Faa’iidooyin
  1. Dadku way ku kala duwan yihiin Iimaanka.
  2. Waa Sunne in xoog loo yeesho camalka aan qabanayno, waayo xooga waxaa ku yimaada faa'iido aan ku iman karin Daciifnimada.
  3. Waxaa la gudboon Aadoonku inuu ku dadaalo wixii faa'iido u leh, kana fogaado wixii aan wax tar u lahayn.
  4. Waxaa Mu'uminka waajib ku ah inuu Ilaahay gar-gaar waydiisto dhamaan umuurihiisa oo dhan, oo uusan Naftiisa isku halayn.
  5. Waxa Ilaahay xukumo iyo Qadarkiisuba waa run oo waa wax cad oo sugan, kamana hor imanaayo in Qofku sababaha iyo dadaalka sameeyo, kheyrkana u dadaalo.
  6. Waxaa la reebey Ereyga ''hadaan saa yeeli lahaa'' oo si caro ku jirto loo dhaho marka musiibo Qofka ku dhacdo, waana xaraan in la diido Qadaaga iyo Qaddarka Ilaahay.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2052) (2664). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، لعبد الله البسام (7/ 492). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 338). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 430).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan

عن أنس رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «لَا يُؤْمِنُ أَحَدُكُمْ حَتَّى أَكُونَ أَحَبَّ إِلَيْهِ مِنْ وَالِدِهِ وَوَلَدِهِ وَالنَّاسِ أَجْمَعِينَ».
Anas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " Axad idinka midihi ma rumayn ilaa uu iga jeclaado waaridki, caruurtiisa iyo dadka oo dhan".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu inoo sheegay in Qofka Muslimku iimaankiisu kaamil noqon karin ilaa uu ka hor mariyo jacaylka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jacaylka hooyadii, Aabbihi, Wiilkiisa, Gabadhiisa, iyo dadkoo dhan, jacaylkaasina wuxuu keenayaa in la adeeco, loo gargaaro iyo inaan la caasiyin.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib jacaylka Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waana in laga hor mariyo jaceylka cidkasta oo Ilaahay abuuray
  2. Calaamada jacaylka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee kaamilnimadeedu: waa in sunada Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo hiiliyo oo naf iyo maalba lagu bixiyo.
  3. Jacaylka Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu keenayaa in lagu adeeco wuxuu faro, in la rumaysto wuxuu sheegay, lagana fogaado wuxuu reebay oo la joojiyey, iyo in la raaco lagana tago bidcada.
  4. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee xaqiisu waa ka wayn yahay kana adag yahay dadka oo dhan, waayo isagaa sabab u ahaa inaan ka soo hanuuno baadi, inagana celiyey naarta, kuna liibaano janada.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 12) (15). صحيح مسلم (1/ 67) (44). فتح الباري لابن رجب (1/ 48). الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص281). الملخص في شرح كتاب التوحيد، للفوزان (ص252). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 50).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

(Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan

عَنْ النَّوَّاسِ بْنِ سَمْعَانَ الْأَنْصَارِيِّ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «ضَرَبَ اللهُ مَثَلًا صِرَاطًا مُسْتَقِيمًا، وَعَلَى جَنْبَتَيْ الصِّرَاطِ سُورَانِ، فِيهِمَا أَبْوَابٌ مُفَتَّحَةٌ، وَعَلَى الْأَبْوَابِ سُتُورٌ مُرْخَاةٌ، وَعَلَى بَابِ الصِّرَاطِ دَاعٍ يَقُولُ: أَيُّهَا النَّاسُ، ادْخُلُوا الصِّرَاطَ جَمِيعًا، وَلَا تَتَعَرَّجُوا، وَدَاعٍ يَدْعُو مِنْ فَوْقِ الصِّرَاطِ، فَإِذَا أَرَادَ يَفْتَحُ شَيْئًا مِنْ تِلْكَ الْأَبْوَابِ، قَالَ: وَيْحَكَ لَا تَفْتَحْهُ، فَإِنَّكَ إِنْ تَفْتَحْهُ تَلِجْهُ، وَالصِّرَاطُ الْإِسْلَامُ، وَالسُّورَانِ: حُدُودُ اللهِ، وَالْأَبْوَابُ الْمُفَتَّحَةُ: مَحَارِمُ اللهِ، وَذَلِكَ الدَّاعِي عَلَى رَأْسِ الصِّرَاطِ: كِتَابُ اللهِ، وَالدَّاعِي مِنِ فَوْقَ الصِّرَاطِ: وَاعِظُ اللهِ فِي قَلْبِ كُلِّ مُسْلِمٍ».
Nawaas Binu Samcaan Alansaari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: (Ilaahay wuxuu tusaale u keenay jid toosan, labada dhinac ee jidkana ay ka xigaan labo darbi oo ay ku yaalaan albaabo furan oo daahyo ka lushaan, albaabka jidkana waxaa taagan mid dhawaaqaya oo leh: dadow soo gala dhamaantiin jidka, hana ka leexanina, iyo mid kale oo ka dhawaaqaya jidka korkiisa markii uu damco inuu furo mid ka mida albaabadaa, wuxuu oronayaa: waar hooge ha furin, hadaad furto waad galin, jidkaasi waa Islaamka, labada darbina: waa xuduuda Ilaahay, albaabadan furana waa wixii Ilaahay xarimay, kan jidka madaxiisa ka dhawaaqaya waa kitaabka Ilaahay, kan jidka dushiisa ka dhawaaqayana waa waanada Ilaahay ee qofkasta oo muslima qalbigiisa ku jirta).
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay Islaamka tusaale ugu keenay dariiq toosan, ee fidsan oo wax qalqalooca aan lahayn, dariiqaa labadiisa dhinac labo darbi ayaa ah, kuwaasoo xuduudii Ilaahay dhigay ah, waxaa labadaa darbi dhexdooda ah albaabbo furan oo ah xaaraantii uu Ilaahay xarimay, albaabadaasi waxay leeyihiin daahyo qofka jidka marayaa uusan arkayn waxa ku jira, dariiqa bilawgiisa waxaa fadhiya mid u yeeraya dadka oo tilmaamaya oo farayana inay dariiqa ku socdaan oo aysan u leexan dhinacyada, kaasoo ah kitaabka Qur'aanka ah, waxaa jira mid kale oo ka dhawaaqin jidka korkiisa, midka dadka u yeeraya markastoo qofka jidka maraya uu damco inuu inyar ka furo daahyada wuu u diidayaa, wuxuuna oronayaa: war hooge ha furin! hadaad furto waad galin naftaadana kama hayn kartid galidee, kaasina waa waanada Ilaahay ku abuuray qalbiga qof kasta oo muslima.

Faa’iidooyin
  1. Islaamku waa diinta xaqa ah, waana dariiq toosan ee ina gaarsiinaya janada.
  2. Waa waajib in loo hogaansamo xuduuda Ilaahay, iyo wuxuu xalaaleeyey iyo wuxuu xarimayba, hadii la sahlado arinkaasna wuxuu dhaxalsiinayaa halaag.
  3. fadliga Qur'aanka ee wayn iyo isku boorinta ku camal falkiisa, waayo waxaa ku jira hanuun, nuur, iyo liibaan.
  4. Ilaahay oo adoomadiisa u naxariistay iyo wuxuu galiyey quluubta muuminiinta ee ka reebaya oo u waynaynaya ku dhicida wax lagu halaagsamo.
  5. Ilaahay raxmadiisa wuxuu u yeelay adoomada gaashaan ka celiya ku dhicida macaasida.
  6. Qaababka loo adeegsado wax barida waxaa ka mida in tusaale la keeno si macnaha loo soo dhaweeyo oo loo cadeeyo.
Tixraac

سنن الترمذي (4/ 539) (2859)، مسند أحمد (29/ 181، 183) (17634)، جامع العلوم والحكم (2/161)، فيض القدير (4/253)، التنوير شرح الجامع الصغير (7/100)، الفتح الرباني لترتيب مسند الإمام أحمد بن حنبل الشيباني (1/ 83).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com