Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalka dhamaanti niyada loo eegayo, xugunkaasina waa dhamaan camal walba sida cibaadada iyo mucaamalaadka oo dhan, Qofka camalkiisa u niyeysta inuu nafac helo, ma helaayo wax aan nafacaas ahayn mana helaayo ajar, Qofkiise niyeysta inuu Ilaahay ugu dhawaado camalkiisa wuxuu ka helyaa sawaab iyo ajar hadii xataa uu yahay camal caadi ah sida cunida iyo cabida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allah siiyee, tusaale ayuu u soo qaatay si uu u cadeeyo saamaynta ay niyadu ku leedahay camalka, iyadoo acmaashu siman tahay muuqaalkooda guud, Nabigu wuxuu cadeeyey Qofka u niyeysta Hijradiisa ee dalkiisa uga safra Ilaahay raali galinti, Hijradiisu waa mid sharci ah oo Ilaahay aqbalayo, kana ajar siinayo niyadiisoo runa awgeed, Qofka Hijradiisa u niyeysta inuu nafac Aduun helo sida xoolo, jago, ganacsi iyo Dumar uu guursado Hijradiisa ka ma helaayo nafacaa uu niyeystay mooyee mana helaayo ajar iyo sawaab.
- Waxaa la isku booriyey ikhlaaska, waayo Ilaahay ma aqbalo camal aan isaga darti loo samayn.
- Acmaasha Ilaahay loogu dhawaado hadii Qofku u sameeyo si caado ahaana ajar kama helaayo, ilaa uu u niyeysto inuu Ilaahay ugu dhawaado.
صحيح البخاري (9/ 22) (6953)، (1/ 6) (1). صحيح مسلم (3/ 1515) (1907). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص5). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص5). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص8). شرح النووي على مسلم (13/ 54). تاج العروس من جواهر القاموس، للزبيدي (7/ 196).