U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan

عن أبي بَكرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «إِذَا الْتَقَى الْمُسْلِمَانِ بِسَيْفَيْهِمَا فَالْقَاتِلُ وَالْمَقْتُولُ فِي النَّارِ»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ هَذَا الْقَاتِلُ، فَمَا بَالُ الْمَقْتُولِ؟ قَالَ: «إِنَّهُ كَانَ حَرِيصًا عَلَى قَتْلِ صَاحِبِهِ».
Abii bakrata Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan ", waxaan ku iri: Rasuulka Ilaahayow, kani waaba kii wax dilaye, kan la dilay maxay tahay arintiisu? wuxuu yiri: " wuxuu ku dadaalayey inuu dilo kan kale ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay hadii labo Qof oo Muslimiin ahi Seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila Naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu Naarta u galayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay in isaguna uu Naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.

Faa’iidooyin
  1. Qofkii Qalbigiisa ka go`aansada inuu macsi sameeyo oo asbaabteedii ku dhaqaaqa wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
  2. Waxaa si adag looga diyagaa in Muslimiintu is diriraan, arinkaas waxaa ku soo arooray goodi Naar lagu gelayo.
  3. Dagaalka dhex mara Muslimiinta ee xaq lagu dagaalamayo masoo galayo goodigaa, sida dagaalka Buqaada iyo Mufsidiinta.
  4. Qofka dambiga Kabiirada ah gala laguma gaalaysiinayo kaliya inuu dambigaa galay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku magacaabay labada diriray muslimiin.
  5. Hadii labo Muslim ahi ay isu qaataana Shay la isku dili karo, midkoodna kii kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba Naartay gelayaan, Seefta lagu xusay Xadiiska waa tusaale uun.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 15) (31). صحيح مسلم (4/ 2213) (2888). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (1/ 26). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين شرح رياض الصالحين لابن عثيمين (1/ 71). المعجم الوسيط، (1/ 166).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Camalka Qalbiga

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com