Nabigu scw wuxuu cadeeyey inuu Ilaahay Islaamka tusaale ugu keenay dariiq toosan, ee fidsan oo wax qalqalooca aan lahayn, dariiqaa labadiisa dhinac labo darbi ayaa ah, kuwaasoo xuduudii Ilaahay dhigay ah, waxaa labadaa darbi dhexdooda ah albaabbo furan oo ah xaaraantii uu Ilaahay xarimay, albaabadaasi waxay leeyihiin daahyo qofka jidka marayaa uusan arkayn waxa ku jira, dariiqa bilawgiisa waxaa fadhiya mid u yeeraya dadka oo tilmaamaya oo farayana inay dariiqa ku socdaan oo aysan u leexan dhinacyada, kaasoo ah kitaabka Qur'aanka ah, waxaa jira mid kale oo ka dhawaaqin jidka korkiisa, midka dadka u yeeraya markastoo qofka jidka maraya uu damco inuu inyar ka furo daahyada wuu u diidayaa, wuxuuna oronayaa: war hooge ha furin! hadaad furto waad galin naftaadana kama hayn kartid galidee, kaasina waa waanada Ilaahay ku abuuray qalbiga qof kasta oo muslima.
- Islaamku waa diinta xaqa ah, waana dariiq toosan ee ina gaarsiinaya janada.
- Waa waajib in loo hogaansamo xuduuda Ilaahay, iyo wuxuu xalaaleeyey iyo wuxuu xarimayba, hadii la sahlado arinkaasna wuxuu dhaxalsiinayaa halaag.
- fadliga Qur'aanka ee wayn iyo isku boorinta ku camal falkiisa, waayo waxaa ku jira hanuun, nuur, iyo liibaan.
- Ilaahay oo adoomadiisa u naxariistay iyo wuxuu galiyey quluubta muuminiinta ee ka reebaya oo u waynaynaya ku dhicida wax lagu halaagsamo.
- Ilaahay raxmadiisa wuxuu u yeelay adoomada gaashaan ka celiya ku dhicida macaasida.
- Qaababka loo adeegsado wax barida waxaa ka mida in tusaale la keeno si macnaha loo soo dhaweeyo oo loo cadeeyo.
سنن الترمذي (4/ 539) (2859)، مسند أحمد (29/ 181، 183) (17634)، جامع العلوم والحكم (2/161)، فيض القدير (4/253)، التنوير شرح الجامع الصغير (7/100)، الفتح الرباني لترتيب مسند الإمام أحمد بن حنبل الشيباني (1/ 83).