U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ قَرَأَ حَرْفًا مِنْ كِتَابِ اللهِ فَلَهُ بِهِ حَسَنَةٌ، وَالْحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا، لَا أَقُولُ {الم} حَرْفٌ، وَلَكِنْ {أَلِفٌ} حَرْفٌ، وَ{لَامٌ} حَرْفٌ، وَ{مِيمٌ} حَرْفٌ».
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed, ma oranaayo {Alif Laam Miim} waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, oo laamku waa Xaraf, oo Miimku waa Xaraf".
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qof kastoo Muslim ah oo akhriya Xaraf kitaabka Ilaahay ka mid ah, inuu ka helaayo hal xasano, kaasoo ajarka loo laalaabayo toban laabkeed. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku cadeeyey hadalkiisaa isagoo dhahay: (ma dhahayo Alif Laam Miim) waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, Laamku waa Xaraf, Miimkuna waa Xaraf): waxay ahaanaysaa sdddex Xaraf oo soddon xasano laga helayo.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa laysku boorinayaa in la badiyo akhrinta Qur'aanka.
  2. Qofka akhrinaya Quraanka wuxuu ka helayaa Xaraf kastoo ee ku jira kalimad walba ee uu akhriyo hal xasano taasoo loo laalaabayo toban laabkeed.
  3. Waa Ilaahay Raxmadiisa waasac nimadeeda iyo deeqdiisa, waayo wuxuu u laban laabay Adoomadiisa ajarka, waana fadligiisa, iyo deeqsinimadiisa.
  4. Qur'aanku wuu ka fadli badan yahay wixii qayrkiisa ee hadal ah, akhrintiisaana Ilaahay ayaa lagu caabudaa, waayo waa hadalkii Ilaahay sareeye.
Tixraac

سنن الترمذي (5/ 33) (2910). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 229). سلسلة الأحاديث الصحيحة، للألباني (7/ 970). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 655). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 742).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Quraanka oo la ilaaliyo

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com