عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «تَعَاهَدُوا هَذَا الْقُرْآنَ، فَوَالَّذِي نَفْسُ مُحَمَّدٍ بِيَدِهِ لَهُوَ أَشَدُّ تَفَلُّتًا مِنَ الْإِبِلِ فِي عُقُلِهَا».
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey, in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Joogteeya akhrinta Qur'aanka, Allaha nafta Maxamed Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye wuxuu ka siibasho badan yahay Qur'aanku Geel dabaran".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in la joogteeyo akhrinta Qur'aanka iyo in si xiriira loo akhriyo, si aan Qofka laabta ku xifdisani u ilaawin, wuxuuna Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku adkeeyey inuu ku dhaartay in Qur'aanku laabta kaga baxsan og yahay si ka daran geel la dabray oo xarig dhudhunka looga xiray, hadii Qofku ilaaliyo wuu soo qaban hadiise uu iska daayo wuu tagin oo lumin.
Faa’iidooyin
- Haduu Qofka Qur'aanka xifdisani uu joogteeyo akhrintiisa marba marka ka danbeeya qalbiga ayuu ku xafidisanaan, hadii kale wuu illaawin.
- Faa'iidooyinka joogtaynta akhrinta Qur'aanka waxaa ka mida: Ajar, xasanaat, iyo darajada oo kor loo qaado Maalinta Qiyaame.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 545) (791).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، تأليف سليم الهلالي (2/ 231).
رياض الصالحين من كلام سيد المرسلين (ص299) (1002).
شرح رياض الصالحين، للشيخ محمد بن صالح العثيمين (4/ 657).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (13/ 5).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عثمان رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ».
Cusmaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa idiinku khayr badan kan Qur'aanka bartay ee bara Quraanka".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Muslimiinta ugu fadliga badan uguna darajada sareeya Ilaahay agtiisa uu yahay Qofka Qur'aanka bartay, akhrintiisa, xafiday, tartiilkiisa iyo tafsiirkiisa, oo qayrki baray wuxuu ka yaqaan Culuunta Quraanka kuna camal fala Quraanka.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku soo arooray cadayn Sharafta Qur'aanka iyo inuu yahay hadal kan ugu khayr badan, waayo waa hadalkii Ilaahay.
- Kuwa wax bartay waxaa ugu khayr badan kuwa qayrkood sii bara, kan Naftiisa ku gaabsada maaha.
- Barashda Qur'aanka iyo baridiisu waxaa ka mida akhrintiisa, Macnihiisa, iyo Axkaantiisa.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 192) (5027).
فتح الباري شرح صحيح البخاري، لابن حجر العسقلاني (1/ 374).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 226).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (1/ 740).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 638).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَن أَبي مُوْسى الأَشْعريِّ رضي الله عنه قال: قال رسولُ اللهِ صلى اللهُ عليه وسلم: «مَثَلُ الْمُؤْمِنِ الَّذِي يَقْرَأُ الْقُرْآنَ كَمَثَلِ الْأُتْرُجَّةِ، رِيحُهَا طَيِّبٌ وَطَعْمُهَا طَيِّبٌ، وَمَثَلُ الْمُؤْمِنِ الَّذِي لَا يَقْرَأُ الْقُرْآنَ كَمَثَلِ التَّمْرَةِ، لَا رِيحَ لَهَا وَطَعْمُهَا حُلْوٌ، وَمَثَلُ الْمُنَافِقِ الَّذِي يَقْرَأُ الْقُرْآنَ مَثَلُ الرَّيْحَانَةِ، رِيحُهَا طَيِّبٌ وَطَعْمُهَا مُرٌّ، وَمَثَلُ الْمُنَافِقِ الَّذِي لَا يَقْرَأُ الْقُرْآنَ كَمَثَلِ الْحَنْظَلَةِ، لَيْسَ لَهَا رِيحٌ وَطَعْمُهَا مُرٌّ».
Abii Muuse Al-ashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: " Mu'uminka Qur'aanka akhriya wuxuu la mid yahay miraha ''Utrujada'', carafteedu waa udgoon dhadhankeeduna waa fiican yahay, Mu'uminka aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay timirta, caraf malaha dhadhankeeduna waa macaan, munaafiqa Qur'aanka akhrinayana wuxuu la mid yahay geedka reexaanta, caraftiisu waa udgoon dhadhankiisuna waa qaraar, munaafiqa aan Qur'aanka akhriyeyna wuxuu la mid yahay geedka xandalada, caraf maleh dhadhankiisuna waa qaraar."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey nuucyada dadku ugu kala qaybsamaan akhrinta Qur'aanka iyo siday ugu intifaacayaan:
qaybta 1aad: waa mu'umin Qur'aanka akhriya oo ku intifaacaya wuxuu la mid yahay miraha Utrujada la dhoho, waa geed dhadhan fiican oo udgoon oo midab qurxoon, wax tarkiisuna badan yahay, oo qofkaasi wuu ku camal falaa wuxuu akhrinaayo, adoomada Ilaahayna wax buu taraa.
Qaybta 2aad: waa mu'umin aan qur'aanka akhrin, wuxuu la mid yahay timirta dhadhankeedu waa macaan urna maleh, qalbigiisa waxaa ku sugan iimaan sida timirta dhadhankeeda iyo gudaheedaba ugu sugan yahay macaanku, ee aanay u lahayn wax ur ah oo kasoo baxaya oo dadku soo uriyo; waayo malaha qofkaasi wax akhris ah oo dadku ku raaxaystaan dhagaysigiisa.
Qaybta 3aad: waa munaafiq Qur'aanka akhriya, waa sida geedka reexaanta, caraf udgoon buu leeyahay dhadhankiisuna waa qaraar, waayo qalbigiisu uma suuban iimaanka, Qur'aankana kuma uusan camal falin, dadka hortiisana wuxuu isku ekaysiiyey mu'umin, carafta geedkaasi wuxuu uga eg yahay akhrintiisa Qur'aanka, dhadhankiisa qaraarna wuxuu shabahaa gaalnimadiisa.
qaybta 4aad: waa munaafiqa aan Qur'aanka akhrin, isna waa sida geedka xandalada, malaha caraf, dhadhankiisuna waa qaraar, caraf la'aanta wuxuu ka shabahaa akhris la'aantiisa, qaraarkana wuxuu ka shabahaa qaraarka gaalnimadiisa, waayo uurkiisa iimaanku waa ka maran yahay, oogadiisana nafac u malaha, balse wuu dhibayaa.
Faa’iidooyin
- xaddiiska waxaa ku jira cadayn fadliga uu leeyahay qofka Qur'aanka xafidsan ee ku camal fala.
- Qaabka dadka wax lagu baro waxaa ka mid ah tusaalaha, si loogu soo dhaweeyo fahanka.
- waxaa ku haboon muslimku inuu leeyahay wardi Qur'aan ah oo uu joogteeyo.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 77) (5427).
صحيح مسلم (1/ 549) (797).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 227).
نزهة المتقين، لجمعٌ من المشايخ (1/ 741).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (12/ 568).
شرح رياض الصالحين، للعثيمين (4/ 642).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ قَرَأَ حَرْفًا مِنْ كِتَابِ اللهِ فَلَهُ بِهِ حَسَنَةٌ، وَالْحَسَنَةُ بِعَشْرِ أَمْثَالِهَا، لَا أَقُولُ {الم} حَرْفٌ، وَلَكِنْ {أَلِفٌ} حَرْفٌ، وَ{لَامٌ} حَرْفٌ، وَ{مِيمٌ} حَرْفٌ».
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya Xaraf ka mid ah Kitaabka Ilaahay wuxuu ka halayaa hal xasano, halka xasano waxay u dhigantaa toban laabkeed, ma oranaayo {Alif Laam Miim} waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, oo laamku waa Xaraf, oo Miimku waa Xaraf".
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qof kastoo Muslim ah oo akhriya Xaraf kitaabka Ilaahay ka mid ah, inuu ka helaayo hal xasano, kaasoo ajarka loo laalaabayo toban laabkeed.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku cadeeyey hadalkiisaa isagoo dhahay: (ma dhahayo Alif Laam Miim) waa Xaraf, laakiin Alifku waa Xaraf, Laamku waa
Xaraf, Miimkuna waa Xaraf): waxay ahaanaysaa sdddex Xaraf oo soddon xasano laga helayo.
Faa’iidooyin
- Waxaa laysku boorinayaa in la badiyo akhrinta Qur'aanka.
- Qofka akhrinaya Quraanka wuxuu ka helayaa Xaraf kastoo ee ku jira kalimad walba ee uu akhriyo hal xasano taasoo loo laalaabayo toban laabkeed.
- Waa Ilaahay Raxmadiisa waasac nimadeeda iyo deeqdiisa, waayo wuxuu u laban laabay Adoomadiisa ajarka, waana fadligiisa, iyo deeqsinimadiisa.
- Qur'aanku wuu ka fadli badan yahay wixii qayrkiisa ee hadal ah, akhrintiisaana Ilaahay ayaa lagu caabudaa, waayo waa hadalkii Ilaahay sareeye.
Tixraac
سنن الترمذي (5/ 33) (2910).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 229).
سلسلة الأحاديث الصحيحة، للألباني (7/ 970).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 655).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 742).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عبد الله بن عمرو رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «يقالُ لصاحبِ القرآن: اقرَأ وارتَقِ، ورتِّل كما كُنْتَ ترتِّل في الدُنيا، فإن منزِلَكَ عندَ آخرِ آية تقرؤها».
Cabdullaahi Binu Camar Binu caas Allaha ka raali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka Ahlu Qur'aanka ah waxaa lagu oran: akhri oo kor u soco, oo ku Luuqee sidaad ugu Luuqayn jirtey Aduunka, Gurigaagu waa halka Aayada ugu dambaysa aad ku akhrido).
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,nasaa.i oo kawayn kuwariyey iyo AxmadDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in lagu oran doono Qofka Qur'aanka akhriya, kuna camal fala, ee laasima akhrintiisa iyo xifdintiisa markuu Janada gelayo: Qur'aanka akhri oo kor ugu soco darajooyinka Janada, kuna Luuqee sidaad ugu Luuqayn Jirtay akhrintiisa Aduunka, u akhri si dagan oo xasilooni leh, Gurigaagu waa halka ay kaaga dhamaato Aayada ugu dambaysa akhriskeedu.
Faa’iidooyin
- Abaal marintu waxay waafaqsan tahay camalka la qabto tiro ahaan iyo tayo ahaanba.
- Waxaa la isku booriyey Qur'aanka akhrintiisa, itqaanintiisa, xifdintiisa, tadaburkiisa, iyo ku camal falkiisa.
- Janadu waa heerar iyo darajooyin badan, dadka Ahlu Qur'aanka ahi darajooyinka ugu sareeya ayey dagayaan.
Tixraac
سنن أبي داود (2/ 592) (1464)، سنن الترمذي (5/ 35) (2914)، مسند أحمد (11/ 403) (6799)، السنن الكبرى للنسائي (7/ 272) (8002)، معالم السنن (1/290)، تحفة الأحوذي (8/187)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (4/ 237).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com