Waxaa idiinku khayr badan kan Qur'aanka bartay ee bara Quraanka
عن عثمان رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «خَيْرُكُمْ مَنْ تَعَلَّمَ الْقُرْآنَ وَعَلَّمَهُ».
Cusmaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaa idiinku khayr badan kan Qur'aanka bartay ee bara Quraanka".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Muslimiinta ugu fadliga badan uguna darajada sareeya Ilaahay agtiisa uu yahay Qofka Qur'aanka bartay, akhrintiisa, xafiday, tartiilkiisa iyo tafsiirkiisa, oo qayrki baray wuxuu ka yaqaan Culuunta Quraanka kuna camal fala Quraanka.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku soo arooray cadayn Sharafta Qur'aanka iyo inuu yahay hadal kan ugu khayr badan, waayo waa hadalkii Ilaahay.
Kuwa wax bartay waxaa ugu khayr badan kuwa qayrkood sii bara, kan Naftiisa ku gaabsada maaha.
Barashda Qur'aanka iyo baridiisu waxaa ka mida akhrintiisa, Macnihiisa, iyo Axkaantiisa.
Tixraac
صحيح البخاري (6/ 192) (5027).
فتح الباري شرح صحيح البخاري، لابن حجر العسقلاني (1/ 374).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 226).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (1/ 740).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (4/ 638).