عَنْ أَبِي قَتَادَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا يُمْسِكَنَّ أَحَدُكُمْ ذَكَرَهُ بِيَمِينِهِ وَهُوَ يَبُولُ، وَلَا يَتَمَسَّحْ مِنَ الْخَلَاءِ بِيَمِينِهِ، وَلَا يَتَنَفَّسْ فِي الْإِنَاءِ».
Abii Qataada-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Yaanu midkiin ku qaban midigtiisa guskiisa isagoo kaadinaaya, oo yaanu midigtiisa isaga tirin najaasada, oo yaanu ku neefsan weelka uu ku cabayo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey qaar ka mida aadaabta, isagoo reebay in ninku midigtiisa ku qabto guskiisa markuu kaadinaayo wuxuu kaloo reebay inuu gacantiisa midig uu kaga tiro najaasada guska ama dabada, waayo midigtu waxay u diyaarsan tahay waxyaabaha fiican. Sidaasoo kale wuxuu reebay inuu qofku ku neefsado weelka uu wax ku cabaayo.
Faa’iidooyin
- Waxaa cad in Islaamku ugu horeeyey aadaabta iyo nadaafada.
- Waa in laga fogaado waxyaabaha qurunka ah, hadayse daruuri noqoto waa in gacanta bidix loo adeegsado.
- Waxaa la cadeeyey sharafta ay leedahay midigtu iyo inay wax dheer tahay bidixda.
- Shareecada Islaamku waa mid kaamil ah, cilmiga shareecaduna waa mid wax walba ku dhan yihiin.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 42) (154).
صحيح مسلم (1/ 225) (267).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص41).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 45).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ سَلَمَةَ بْنِ الْأَكْوَعِ رضي الله عنه: أَنَّ رَجُلًا أَكَلَ عِنْدَ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِشِمَالِهِ، فَقَالَ: «كُلْ بِيَمِينِكَ»، قَالَ: لَا أَسْتَطِيعُ، قَالَ: «لَا اسْتَطَعْتَ»، مَا مَنَعَهُ إِلَّا الْكِبْرُ، قَالَ: فَمَا رَفَعَهَا إِلَى فِيهِ.
Salama Binu Alakwac Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Nin ayaa Bidixda ku cunay isagoo la jooga Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: "midigtaada ku cun", wuxuuse yiri: ma awoodo, Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " ha awoodin ", kibir baa u diiday, wuxuu yiri: mar danbe Gacantiisii Afkiisa uma qaadin, .
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa arkay nin Bidixda wax ku cunaaya, wuxuuna amray inuu Midigtiisa ku cuno, Wuxuu ku jawaabay inuusan awoodin isagoo ay kibir iyo been ka tahay! Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray inuu kari waayo Midigta inuu wax ku cuno. Ilaahayna wuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo waa qalashay Midigtiisii, mana awoodin inuu Afkiisa gaarsiiyo intaa ka dib cunto iyo cabitaanba.
Faa’iidooyin
- Waxaa waajib ah in Midigta wax lagu cuno, waana xaaraan in Bidixda wax lagu cuno.
- Qofka iska waynaysiiya ku dhaqanka Axkaanta Shareecada Islaamka wuxuu mudan yahay in la ciqaabo.
- Ilaahay wuxuu ku karaameeyey Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu habaarkiisa aqbalay.
- Farida wanaaga iyo reebida xumaha waa waajib shareecadu fartay, xaalad kastoo lagu jiro, xataa waqtiga cuntada.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1599) (2021).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 239).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 183).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (3/ 396).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَيَرْضَى عَنِ الْعَبْدِ أَنْ يَأْكُلَ الْأَكْلَةَ فَيَحْمَدَهُ عَلَيْهَا، أَوْ يَشْرَبَ الشَّرْبَةَ فَيَحْمَدَهُ عَلَيْهَا».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay wuu kaga raali noqdaa Qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in marka Adoonku Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa uu ku mahadiyo ay ka mid tahay arimaha lagu gaaro Ilaahay raali ahaantiisa, markuu cuntada cuno wuxuu oran: Alxamdu lilaah, haduu cabana wuxuu oran: Alxamdu lilaah.
Faa’iidooyin
- Deeqsinimada Ilaahay casa wajala, wuxuu fadligiisa ku siiyey irsaaqad hadii lagu xamdiyona wuu ku raalinoqdaa.
- Raali ahaanta Ilaahay waxaa lagu gaaraa asbaabta ugu fudud, sida mahadnaqa marka wax la cuno ama wax la cabo.
- Aadaabta cuntada iyo cabitaanka waxaa ka mida: Ilaahay oo loo mahadiyo cunida iyo cabida ka dib.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2095) (2734).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (1/ 164).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 215).
شرح رياض الصالحين من كلام سيد المرسلين، لابن عثيمين (2/ 203).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين.
تطرز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص764).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن عُمر بن أبي سلمة رضي الله عنه قال: كُنْتُ غُلَامًا فِي حَجْرِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَكَانَتْ يَدِي تَطِيشُ فِي الصَّحْفَةِ، فَقَالَ لِي رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يَا غُلَامُ، سَمِّ اللهَ، وَكُلْ بِيَمِينِكَ، وَكُلْ مِمَّا يَلِيكَ» فَمَا زَالَتْ تِلْكَ طِعْمَتِي بَعْدُ.
Cumar Binu Abii Salama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Anoo ah Wiil yar oo ku nool Guriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayey Gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa Wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana Gacanta ku hayey oo tarbiyeynaayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu baray seddexdan aadaabta cuntada ku saabsan.
Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada.
Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno.
Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.
Faa’iidooyin
- Aadaabta cunida iyo cabida waxaa ka mida Bisinka oo lagu bilaabo.
- Waa muhiim in caruurta la baro aadaabta, gaar ahaana kuwa Qofku masuulka ka yahay.
- Xadiiska waxaa ku sugan in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee naxariistiisa iyo dulqaadkiisu ay waasac yihiin markuu caruurta wax barayo oo uu tarbiyeynaayo.
- Waxaa ka mid ah aadaabta cuntada in Qofku ka cuno dhinaca isaga soo xiga hadayna ahayn cuntadu noocyo kala duwan, markaa waxaa u banaan tahaty inuu ka qaato shay walba halkuu yaallo.
- Asaxaabtu waxay qaadan jireen aadaabta uu baray Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee arinkaana waxaa laga fahmayaa hadalka Cumar Binu Abii Salama: intii ka danbaysay sidaas ayaan cuntada u cuni jiray.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 68) (5376)، (3/ 61) (2092).
صحيح مسلم (3/ 1599) (2022).
شرح النووي على مسلم (13/ 193).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (5/ 440).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (4/ 616).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (7/ 439).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 169).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن ابن عمر رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «إِذَا أَكَلَ أَحَدُكُمْ فَلْيَأْكُلْ بِيَمِينِهِ، وَإِذَا شَرِبَ فَلْيَشْرَبْ بِيَمِينِهِ، فَإِنَّ الشَّيْطَانَ يَأْكُلُ بِشِمَالِهِ، وَيَشْرَبُ بِشِمَالِهِ».
Ibnu Cumar Allaha ka wada raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno Midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo Midigtiisa, waayo Shaydaanku wuxuu ku cunaa Bidixdiisa wuxuuna ku cabaa Bidixdiisa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu faray inuu Qofka Muslimka ahi wax ku cuno kuna cabo Gacantiisa Midig, wuuna reebay in wax lagu cuno laguna cabo Gacanta Bidix, waayo Shaydaankaa kuna cuna kuna caba Bidixda.
Faa’iidooyin
- Waxaa la reebay in Shaydaanka looga ekaado ku cunida iyo ku cabida Bidixda.
Tixraac
صحيح مسلم (3/ 1598) (2020).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (5/ 445).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 270).
سبل السلام شرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 625).
عون المعبود شرح سنن أبي داود (10/ 179).
فتاوى اللجنة الدائمة - المجموعة الأولى- (26/ 387).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com