U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga

عن عُمر بن أبي سلمة رضي الله عنه قال: كُنْتُ غُلَامًا فِي حَجْرِ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، وَكَانَتْ يَدِي تَطِيشُ فِي الصَّحْفَةِ، فَقَالَ لِي رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «يَا غُلَامُ، سَمِّ اللهَ، وَكُلْ بِيَمِينِكَ، وَكُلْ مِمَّا يَلِيكَ» فَمَا زَالَتْ تِلْكَ طِعْمَتِي بَعْدُ.
Cumar Binu Abii Salama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Anoo ah Wiil yar oo ku nool Guriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayey Gacantaydu xeerada ku dhex wareegtay markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee igu yiri: yarow Bismi Allah dheh oo Midigta ku cun, oo ka cun dhinaca ku soo xiga, intii ka danbaysay sidaas ayaan u cuni jiray cuntada.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Cumar Binu Abii Salama-Allaha ka raali ahaade wuxuu sheegay inuu ahaa Wiilkii yar oo ay dhashay xaaskii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ee Umu Salama Allaha ka raali ahaadee- waxaana Gacanta ku hayey oo tarbiyeynaayey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo Nabiga wax la cunaya ayuu weelkii cuntada dhinacyada cunto ka qaatay, markaasuu Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu baray seddexdan aadaabta cuntada ku saabsan. Tan 1aad: waa erayga "Bismillaah" bilawga cuntada. Tan 2aad: Midigta oo lagu cuno. Tan 3aad: waa inuu cuntaa ka cuno dhinaca u dhaw isaga.

Faa’iidooyin
  1. Aadaabta cunida iyo cabida waxaa ka mida Bisinka oo lagu bilaabo.
  2. Waa muhiim in caruurta la baro aadaabta, gaar ahaana kuwa Qofku masuulka ka yahay.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee naxariistiisa iyo dulqaadkiisu ay waasac yihiin markuu caruurta wax barayo oo uu tarbiyeynaayo.
  4. Waxaa ka mid ah aadaabta cuntada in Qofku ka cuno dhinaca isaga soo xiga hadayna ahayn cuntadu noocyo kala duwan, markaa waxaa u banaan tahaty inuu ka qaato shay walba halkuu yaallo.
  5. Asaxaabtu waxay qaadan jireen aadaabta uu baray Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee arinkaana waxaa laga fahmayaa hadalka Cumar Binu Abii Salama: intii ka danbaysay sidaas ayaan cuntada u cuni jiray.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 68) (5376)، (3/ 61) (2092). صحيح مسلم (3/ 1599) (2022). شرح النووي على مسلم (13/ 193). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (5/ 440). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (4/ 616). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (7/ 439). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 169).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Aadaabta Cunida iyo Cabida

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com