U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Hadii Qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno Midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo Midigtiisa, waayo Shaydaanku wuxuu ku cunaa Bidixdiisa wuxuuna ku cabaa Bidixdiisa

عن ابن عمر رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «إِذَا أَكَلَ أَحَدُكُمْ فَلْيَأْكُلْ بِيَمِينِهِ، وَإِذَا شَرِبَ فَلْيَشْرَبْ بِيَمِينِهِ، فَإِنَّ الشَّيْطَانَ يَأْكُلُ بِشِمَالِهِ، وَيَشْرَبُ بِشِمَالِهِ».
Ibnu Cumar Allaha ka wada raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu yiri: "Hadii Qof idinka mida uu wax cunayo ha ku cuno Midigtiisa, haduu wax cabaayana ha ku cabo Midigtiisa, waayo Shaydaanku wuxuu ku cunaa Bidixdiisa wuxuuna ku cabaa Bidixdiisa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu faray inuu Qofka Muslimka ahi wax ku cuno kuna cabo Gacantiisa Midig, wuuna reebay in wax lagu cuno laguna cabo Gacanta Bidix, waayo Shaydaankaa kuna cuna kuna caba Bidixda.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la reebay in Shaydaanka looga ekaado ku cunida iyo ku cabida Bidixda.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1598) (2020). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (5/ 445). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 270). سبل السلام شرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 625). عون المعبود شرح سنن أبي داود (10/ 179). فتاوى اللجنة الدائمة - المجموعة الأولى- (26/ 387).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Aadaabta Cunida iyo Cabida

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com