U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ilaahay wuu kaga raali noqdaa Qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo

عن أنس بن مالك رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَيَرْضَى عَنِ الْعَبْدِ أَنْ يَأْكُلَ الْأَكْلَةَ فَيَحْمَدَهُ عَلَيْهَا، أَوْ يَشْرَبَ الشَّرْبَةَ فَيَحْمَدَهُ عَلَيْهَا».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay wuu kaga raali noqdaa Qofka markuu wax cuno oo Ilaahay ku mahadiyo iyo markuu wax cabo oo uu Ilaahay ku mahadiyo".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in marka Adoonku Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa uu ku mahadiyo ay ka mid tahay arimaha lagu gaaro Ilaahay raali ahaantiisa, markuu cuntada cuno wuxuu oran: Alxamdu lilaah, haduu cabana wuxuu oran: Alxamdu lilaah.

Faa’iidooyin
  1. Deeqsinimada Ilaahay casa wajala, wuxuu fadligiisa ku siiyey irsaaqad hadii lagu xamdiyona wuu ku raalinoqdaa.
  2. Raali ahaanta Ilaahay waxaa lagu gaaraa asbaabta ugu fudud, sida mahadnaqa marka wax la cuno ama wax la cabo.
  3. Aadaabta cuntada iyo cabitaanka waxaa ka mida: Ilaahay oo loo mahadiyo cunida iyo cabida ka dib.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2095) (2734). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخن وغيره (1/ 164). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 215). شرح رياض الصالحين من كلام سيد المرسلين، لابن عثيمين (2/ 203). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين. تطرز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص764).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Aadaabta Cunida iyo Cabida

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com