Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa arkay nin Bidixda wax ku cunaaya, wuxuuna amray inuu Midigtiisa ku cuno, Wuxuu ku jawaabay inuusan awoodin isagoo ay kibir iyo been ka tahay! Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku habaaray inuu kari waayo Midigta inuu wax ku cuno. Ilaahayna wuu aqbalay habaarkii Nabigiisa oo waa qalashay Midigtiisii, mana awoodin inuu Afkiisa gaarsiiyo intaa ka dib cunto iyo cabitaanba.
- Waxaa waajib ah in Midigta wax lagu cuno, waana xaaraan in Bidixda wax lagu cuno.
- Qofka iska waynaysiiya ku dhaqanka Axkaanta Shareecada Islaamka wuxuu mudan yahay in la ciqaabo.
- Ilaahay wuxuu ku karaameeyey Nabigiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu habaarkiisa aqbalay.
- Farida wanaaga iyo reebida xumaha waa waajib shareecadu fartay, xaalad kastoo lagu jiro, xataa waqtiga cuntada.
صحيح مسلم (3/ 1599) (2021). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 239). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 183). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (3/ 396).