U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Akhlaaqda xun

12 xadiis

Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?

عن أبي بكرة رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «‌أَلَا ‌أُنَبِّئُكُمْ بِأَكْبَرِ الْكَبَائِرِ؟» ثَلَاثًا، قَالُوا: بَلَى يَا رَسُولَ اللهِ، قَالَ: «الْإِشْرَاكُ بِاللهِ، وَعُقُوقُ الْوَالِدَيْنِ» وَجَلَسَ وَكَانَ مُتَّكِئًا، فَقَالَ: «أَلَا وَقَوْلُ الزُّورِ»، قَالَ: فَمَا زَالَ يُكَرِّرُهَا حَتَّى قُلْنَا: لَيْتَهُ سَكَتَ.
Abii bakrata Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?" seddex jeer, waxay dheheen: haa Rasuul Ilaahayow, wuxuu yiri: "waa: Ilaahay oo loo shariig yeelo iyo waalid caasiga" wuuna soo fariistay isagoo xusulku u mudan yahay, wuxuu yiri: "waar hooy iyo markhaati Beenaalaha), wuxuu yiri: kama uuna daalin inuu ku celceliyo ereygaa, ilaa aan iri: muu iska aamuso.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Asaxaabtiisa dambiyada ugu waawayn, seddexdan buuna sheegay: 1aad. Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana nooc walba oo cibaadada ka mida oo loo leexiyo cidaan Ilaahay ahayn, iyo Ilaahay Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa oo cid kale lala simo. 2aad. Waalid caasiga: waana dayac iyo hagardaamo kasta oo labada waalid loogaysto, hadal iyo ficilba kuu doono ha ahaadee, iyo samafalkooda oo lala imaan waayo. 3aad. Been abuurka oo markhaati Beenaaluhuna soo galayo: waana hadal kasta oo Been abuura loogana jeedo in lagu duudsiiyo Qof, kaasoo lagu banaysanayo Maalkiisa, laguna xad gudbo Cirdigiisa iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celceliyey ka digida hadalka Been abuurka ah, isagoo ku baraarujinaya dadka xumaantiisa iyo saamayntiisa xun ee Bulshada uu u leeyahay, ilaa ay dheheen Asaxaabtu: muu iska aamuso, iyagoo u naxariisanaya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo nacaya wixii isaga dhibaya.

Faa’iidooyin
  1. Dambiga ugu wayn waa in Ilaahay loo shariig yeelo, waayo Ilaahay wuxuu ka dhigay kan ugu horeeya uguna wayn dambiyada, waxaana cadaynaya sidaa, hadalka Ilaahay ee {Ilaahay uma dambi dhaafo in loo shirki yeelo, wixii ka hooseeyase Qofkuu doono ayuu u dhaafaa}.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan weynida Xuquuqda labada Waalid, waayo xaqooda Ilaahay ayaa ku xiriiriyey xaqiisa.
  3. Dambiyadu waxay u qaybsamaan waawayn iyo yaryar, dambiyada waawayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab aduunka ah, sida Xuduuda iyo Lacnada, ama goodi Aakhiro, sida goodiga inuu Naar galidoono, dambiyada waawayn way kala sareeyaan oo qaar ayaa xarimaada kaga sii adag qaarka kale, dambiyada yaryari waa wixii kuwa waawayn ka soo hara.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 172) (2654)، (8/ 4) (5976)، (8/ 62) (6273-6274). صحيح مسلم (1/ 91) (87). عمدة الأحكام من كلام خير الأنام صلى الله عليه وسلم (ص257) (380). شرح النووي على مسلم (2/ 81). الإلمام بشرح عمدة الأحكام لإسماعيل الأنصاري (2/ 149). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام للبسام (ص703). أعلام السنة المنشورة لاعتقاد الطائفة الناجية المنصورة، لحافظ بن أحمد الحكمي (ص111).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: مَرَّ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِقَبْرَيْنِ، فَقَالَ: «إِنَّهُمَا لَيُعَذَّبَانِ، وَمَا يُعَذَّبَانِ فِي كَبِيرٍ، أَمَّا أَحَدُهُمَا فَكَانَ لاَ يَسْتَتِرُ مِنَ البَوْلِ، وَأَمَّا الآخَرُ فَكَانَ يَمْشِي بِالنَّمِيمَةِ» ثُمَّ أَخَذَ جَرِيدَةً رَطْبَةً، فَشَقَّهَا نِصْفَيْنِ، فَغَرَزَ فِي كُلِّ قَبْرٍ وَاحِدَةً، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ، لِمَ فَعَلْتَ هَذَا؟ قَالَ: «لَعَلَّهُ يُخَفِّفُ عَنْهُمَا مَا لَمْ يَيْبَسَا».
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray" wuxuuna soo qaatay laan Timireed qoyan wuuna u kala dilaaciyey labo qaybood, qabri walbana qaybuu ku talaalay, waxay dheheen-Asaxaabtii-: Rasuulka Ilaahayow maxaad sidaa u samaysaa? wuxuu yiri: "waxaa laga yaaba inay ka khafiifiyaan intaysan qalalin.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada Qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax weyn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa Kaadida markuu xaajo gudanaayo. Kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.

Faa’iidooyin
  1. Namiimada iyo Kaadida oo aan la ka dhawrin waxay ka mid yihiin dambiyada waaweyn iyo asbaabta cadaabta qabriga.
  2. Wax yaabaha qaybka ah qaarkood oo Ilaahay muujiyey -sida cadaabta qabriga- waxay cadayn u tahay calaamada Nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  3. Ficilka uu Nabigu sameeyey ee ah kala jeexida laanta Timirta ah ee uu ka taagay qabriga waxay khaas u tahay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo Ilaahay ayaa tusay xaalka labadaa qof ee qabriga ku jira, loogana qiyaas qaadan maayo cid kale, waayo Qofna ma oga xaalka dadka qabriga ku jira.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 53) (218). صحيح مسلم (1/ 240) (292). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص43). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص22). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 29).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

ka fogaada toddobada lagu halaagsamo

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ»، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ وَمَا هُنَّ؟ قَالَ: «الشِّرْكُ بِاللهِ، وَالسِّحْرُ، وَقَتْلُ النَّفْسِ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلَّا بِالْحَقِّ، وَأَكْلُ الرِّبَا، وَأَكْلُ مَالِ الْيَتِيمِ، وَالتَّوَلِّي يَوْمَ الزَّحْفِ، وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ الْغَافِلَاتِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "ka fogaada toddobada lagu halaagsamo ", waxay yiraahdeen: Rasuulkii Ilaahayow maxay yihiin? wuxuu yiri: "waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, Sixirka, dilka Nafta Ilaahay xarimay in xaq lagu dilo mooyee, cunida Ribada, cunida Maalka Agoonta, cararida Maalinta Jihaadka iyo in la qadfo Gabdhaha Muxsinaatka ah ee Muuminiinta ah ee aan warba hayn".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yiri waa kuwee? wuxuu ku sheegay inay yihiin: Tan koobaad: waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, iyadoo la samaysto wax Ilaahay loo ekaysiiyo oo lalasimo nooc walba oo uu yahay, isagaa nusqaan oo dhan ka hufane, iyo cibaado cibaadooyinka ka mida oo Ilaahay qayrkii loo leexiyo, shirkiga ayuu ku bilaabay, waayo isagaa danbiyada u wayn. Tan labaad: waa Sixirka- waana guntimo wax lagu tufay iyo dawooyin iyo Qiiq-, kaasoo jirka ku saamaynaaya dhimasho ama bugto ama kala gayn labada is qabta, waana shaqo shaydaan, in badan oo Sixirka ka mida lama samayn karo ilaa Ilaahay loo shariig yeelo iyo in loogu dhawaado arwaaxda xun in loo sameeyo waxay jeceshahay maahee. Tan seddexaad: waa dilka Nafta Ilaahay reebay dilkeeda in lagu dilo wax sharci ah ee Xaakimku fuliyo maahee. Tan afraad: waa Ribada in loo isticmaalo cunid ama qaab kale oo nafac leh. Tan shanaad: waa ku xad gudubka maalka Agoonta uu Aabohood dhintay iyagoon qaan gaarin. Tan lixaad: waa in laga cararo dagaalka gaalada la gula jiro. Tan todobaad: waa in lagu tuhmo Sino Gabdhaha Xorta ah ee dhawrsan, waxaa la mida in Raga lagu tuhmo.

Faa’iidooyin
  1. Dambiyada waa wayni kuma koobna todoba, waxaase loo gaar yeelay todobadan waynidooda iyo khatarta ay leeyihiin.
  2. Way banaan tahay in Nafta xaq lagu dilo sida Qisaasta, Ridada, Sinada Qofka Guur soo maray, fulinta xukunka dilka waxaa fulinaya xaakimka.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 10) (2766). صحيح مسلم (1/ 92) (89). شرح صحيح البخارى لابن بطال (8/ 489). الملخص في شرح كتاب التوحيد، للشيخ صالح الفوزان (ص201).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «إِيَّاكُمْ وَالظَّنَّ؛ فَإِنَّ الظَّنَّ أَكْذَبُ الْحَدِيثِ، وَلَا تَحَسَّسُوا، وَلَا تَجَسَّسُوا، وَلَا تَحَاسَدُوا، وَلَا تَدَابَرُوا، وَلَا تَبَاغَضُوا، وَكُونُوا عِبَادَ اللهِ إِخْوَانًا».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka ugu beenta badan, dadka ha baar baarina, ha basaasina, oo ha is xasdina, hana kala jeensanina, hana isku caroonina, Adoomada Ilaahay oo Walaalaa ahaada".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebey kana digay wax yaabaha u keena Muslimiinta kala fogaanta iyo cadaawada. Waxaana ka mid ah: (Malaha), waana tuhun ku dhaca Qalbiga daliilna aan lahayn, wuxuuna cadeeyey, inuu yahay war kan ugu beenta badan. (Ceebo raadintu): waa Qofka oo ku raadiya isha ama dhagta ceebaha dadka. Iyo (basaasida): waa baarida umuuraha dadka u qarsoon, inta badana waxaa laga sheegaa waa sharka. Iyo (Xasadka): waa Qofka oo uurka ka naca dadka kale inay nicmo helaan. Iyo (isu daba jeedin): waa dadka oo is naca oo midba mid ka jeensado, oo uusan salaamin oo siyaaran Walaalkiisa Muslimka ah. Iyo (isku carood): waa in la is karho oo la kala dido, sida in dad kale la dhibo iyo in si xun loo qaabilo. Ka dib wuxuu yiri hadal guud ee xaalka wadajirka Muslimiintu ku hagaagayo, wuxuu yiri: (ahaada Adoomo Ilaahay oo Walaalo ah). Walaaltinimadu waxay isku xidhaa xiriirka dadka ka dhexeeya, waxayna kordhisaa is jacaylka iyo isku duubnaanta dadka.

Faa’iidooyin
  1. Dhib malaha hadii male xun laga maleeyo Qofka calaamadihiisu ka muuqdaan, Muuminkuna waa inuu ahaado Qof caqlilow ah oo wax fahmi kara oo aan ku sirmin dadka xun iyo Faasiqiinta.
  2. Ujeedadu waa in laga digo malaha iyo tuhunka Nafta ku jira oo lugu sii adkaysto, laakiin waxa Nafta kusoo dhacaya ee aan ku sii harayn kaasi dhib malaha.
  3. Waa la xarimay asbaabta keenta in Bulshada Muslimku kala tagto isna goyso, sida is basaasida, xasadka, iyo wixii la mida.
  4. Waxaa la isu dardaarmay in Muslimka lagula dhaqmo dhaqan Walaaltinimo iyo naseexo iyo is jacayl leh.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 19) (6064). صحيح مسلم (4/ 1985) (2563). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 219). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 414). فتح ذي الجلال والإكرام بشرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 363).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Janada magalo fitnoole

عن حذيفة رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ قَتَّاتٌ».
Xudeyfa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Janada magalo fitnoole."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka Xanta ee hadalka u kala qaada dadka si uu isugu diro uu mutaysanayo ciqaab ah inuusan Janada gelin .

Faa’iidooyin
  1. Isku dirku wuxuu ka mid yahay dambiyada waa wayn.
  2. Isku dirka waa la reebay, waayo wuxuu dhex dhigayaa dadka Qof ahaan iyo Busho ahaanba dhib iyo fasaad.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 17) (6056). صحيح مسلم (1/ 101) (105). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 145). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 401). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 452). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 273).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan

عن عائشة رضي الله عنها عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «إِنَّ أَبْغَضَ الرِّجَالِ إِلَى اللهِ الْأَلَدُّ الْخَصِمُ».
Caa'isha Allaha ka raali Ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay Isagaa sareeya oo nusqaan ka hufane uu u caroodo midka muranka iyo dooda badan, ee Gar maqaataha ah, ee xaqa inuu muran ku difaaco doonaya, ama xaqa ugu dooda si ka baxsan aadaabta iyo xadkii loo baneeyey oo cilmi daro ku dooda.

Faa’iidooyin
  1. Muranka xun ee la nacay masoo galayo oo kuma jiro dhibanaha xaqiisa u doodaya si sharciga waafaqsan.
  2. Muranka iyo dooddu waxay ka mid yihiin aafada carabka ee sababata kala taga iyo kala jeensiga Muslimiinta dhexdooda.
  3. Muranka iyo doodu waa wax wanaagsan hadii xaq lagu doodayo qaab wanaagsana loo doodayo, waana wax xun hadii xaq la isku hor taagayo baadilna lagu difaacayo, ama ay tahay mid xaq iyo cadayn aan lahayn
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 131) (2457). صحيح مسلم (4/ 2054) (2668). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 476). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 308). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 416). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 685).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey,

عَنْ جَابِرِ بْنِ عَبْدِ اللهِ رضي الله عنهما أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «اتَّقُوا الظُّلْمَ، فَإِنَّ الظُّلْمَ ظُلُمَاتٌ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، وَاتَّقُوا الشُّحَّ، فَإِنَّ الشُّحَّ أَهْلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ، حَمَلَهُمْ عَلَى أَنْ سَفَكُوا دِمَاءَهُمْ وَاسْتَحَلُّوا مَحَارِمَهُمْ».
Jaabir Binu Cabullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey, wuxuuna gaarsiisay inay dhiigooda daadiyaan oo wixii Ilaahay ka xarimay xalaashadaan."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay dulmiga, dulmiga waxaa ka mida: dadka oo la dulmiyo, nafta oo la dulmiyo, Ilaahay xaqiisa oo la dulmiyo, Dulmigu waa in laga tago in la siiyo mid walba oo xaq leh xaqiisa, dulmigu waa mugdiyo ay galayaan dadka sameeya dulmiga maalinta qiyaame, iyagoo la kulmidoona dhibaato adag iyo halaag. Waxa kale oo uu reebey Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- bukhliga oo ah bakhaylnimada teeda ugu xun iyo ku dadaalideeda, waxaana ka mida ka gaabinta xuquuqda maalka saaran oo qofku ku bakhaylo iyo inuu aad ugu dadaalo aduunyo raadin. Dulmiga nuucaas ahi wuxuu halaagay ummaddihii inaga horeeyey, wuxuuna gaarsiiyey inay is laayaan oo ay xalaashadaan wixii Ilaahay ka xarimayn.

Faa’iidooyin
  1. Maalka oo la huro iyo walaalaha oo la wanaajiyo waa sababaha dadka is jacaylsiiya xiriirkana wanaajiya.
  2. Xoolo jacaylka iyo bukhligu waxay qofka u soo jiidaan macsida, fuxshiga, iyo dambiga.
  3. Waa in lagu cibro qaato xaalka ummaddihii hore.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 1996) (2578). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 484). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 614).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo

عن أبي موسى رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ اللهَ لَيُمْلِي لِلظَّالِمِ، حَتَّى إِذَا أَخَذَهُ لَمْ يُفْلِتْهُ» قَالَ: ثُمَّ قَرَأَ: «{وَكَذَلِكَ أَخْذُ رَبِّكَ إِذَا أَخَذَ الْقُرَى وَهِيَ ظَالِمَةٌ إِنَّ أَخْذَهُ أَلِيمٌ شَدِيدٌ}[هود: 102]»
Abii Muusa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo", wuxuu yiri: ka dibna wuxuu akhriyey: "waa sidaa uun markuu Rabigaa qabto Magaalooyin dulmi falay, Rabigaa qabashadiisu waa mid aad u daran" [huud:102]).
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in lagu dhegenaado oo lagu socdo Dulmiga sida Macsida iyo Shirkiga, oo laga Dulmiyo dadka xaqooda, Ilaahay Koreeyee, wuu u kaadiyaa Qofka Daalimka ah cimrigana wuu u dheereeyaa, Maalkiisana wuu u daayaa oo ciqaabta kuma dedejiyo, haduu towbo keeni waayose wuu qabtaa oo masiidaayo umana dhaafo Dulmigiisii badan awgeed. Ka dibna wuxuu akhriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Waa sidaa qabashada Rabigaa markuu qabto Magaalooyin Dulmi falay, Ilaahay qabashadiisu waa mid oo aad u daran" [huud:102].

Faa’iidooyin
  1. Qofka caqliga lehi waa inuu u degdego towbada, oo Ilaahay Makrigiisa uusan aamin ka ahaan haduu yahay mid Dulmi ku socda.
  2. Ilaahay casa wajala waa u kaadiyaa Daalimiinta kumana soo dadajiyo cuquubada iyago loo seeto dheeraynaayo cadaabkana loo laalaabo hadaysan towbad keenin.
  3. Dulmigu waa asbaabta Ummadduhu umutaan ciqaabta Ilaahay.
  4. Hadii Ilaahay halaago Magaalo waxaa dhici kara in dad Saalixiina ku jiraan, kuwaa waxaa lagu soo saarayaa Qiyaamaha waxay ku dhinteen ee wanaag ahaa, dhibna kuma haynayso inay ciqaabta kula jireen kuwa Daalimiinta ah.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 74) (4686). صحيح مسلم (4/ 1997) (2583). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 496). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 303). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 231). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص165). مرقاة المفاتيح، علي القاري (8/ 3200).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 12
12 xadiis
  1. Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?
  2. labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
  3. ka fogaada toddobada lagu halaagsamo
  4. Waxaan idiinka digayaa malaha, waayo maluhu waa warka
  5. Janada magalo fitnoole
  6. Ilaahay Ragga wuxuu ugu neceb yahay Gar maqaataha dooda badan
  7. Ka cabsada dulmiga, waayo dulmigu wuxuu qofka galinayaa mugdiyada maalinta qiyaame, ka cabsada bukhliga, waayo bukhligu wuxuu halaagay kuwii idinka horeeyey,
  8. Ilaahay waa u kaadiyaa Daalimka markuu qabtase ma siidaayo
  9. Yaanu eegin ninku cawrada nin kale, Haweenayduna yaanay eegin cawrada naag kale
  10. Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay qasciga oo ah in Timaha qaar la xiiro qaarna la daayo
  11. Waxaan la joognay Cumar, wuxuuna yiri: (waa naloo diiday kalifaada )
  12. Qofka si ula kac ah been iiga sheega, ha u diyaar garoobo booskiisii uu naarta ka fariisan lahaa

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com