U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?

عن أبي بكرة رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «‌أَلَا ‌أُنَبِّئُكُمْ بِأَكْبَرِ الْكَبَائِرِ؟» ثَلَاثًا، قَالُوا: بَلَى يَا رَسُولَ اللهِ، قَالَ: «الْإِشْرَاكُ بِاللهِ، وَعُقُوقُ الْوَالِدَيْنِ» وَجَلَسَ وَكَانَ مُتَّكِئًا، فَقَالَ: «أَلَا وَقَوْلُ الزُّورِ»، قَالَ: فَمَا زَالَ يُكَرِّرُهَا حَتَّى قُلْنَا: لَيْتَهُ سَكَتَ.
Abii bakrata Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?" seddex jeer, waxay dheheen: haa Rasuul Ilaahayow, wuxuu yiri: "waa: Ilaahay oo loo shariig yeelo iyo waalid caasiga" wuuna soo fariistay isagoo xusulku u mudan yahay, wuxuu yiri: "waar hooy iyo markhaati Beenaalaha), wuxuu yiri: kama uuna daalin inuu ku celceliyo ereygaa, ilaa aan iri: muu iska aamuso.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Asaxaabtiisa dambiyada ugu waawayn, seddexdan buuna sheegay: 1aad. Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana nooc walba oo cibaadada ka mida oo loo leexiyo cidaan Ilaahay ahayn, iyo Ilaahay Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa oo cid kale lala simo. 2aad. Waalid caasiga: waana dayac iyo hagardaamo kasta oo labada waalid loogaysto, hadal iyo ficilba kuu doono ha ahaadee, iyo samafalkooda oo lala imaan waayo. 3aad. Been abuurka oo markhaati Beenaaluhuna soo galayo: waana hadal kasta oo Been abuura loogana jeedo in lagu duudsiiyo Qof, kaasoo lagu banaysanayo Maalkiisa, laguna xad gudbo Cirdigiisa iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celceliyey ka digida hadalka Been abuurka ah, isagoo ku baraarujinaya dadka xumaantiisa iyo saamayntiisa xun ee Bulshada uu u leeyahay, ilaa ay dheheen Asaxaabtu: muu iska aamuso, iyagoo u naxariisanaya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo nacaya wixii isaga dhibaya.

Faa’iidooyin
  1. Dambiga ugu wayn waa in Ilaahay loo shariig yeelo, waayo Ilaahay wuxuu ka dhigay kan ugu horeeya uguna wayn dambiyada, waxaana cadaynaya sidaa, hadalka Ilaahay ee {Ilaahay uma dambi dhaafo in loo shirki yeelo, wixii ka hooseeyase Qofkuu doono ayuu u dhaafaa}.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan weynida Xuquuqda labada Waalid, waayo xaqooda Ilaahay ayaa ku xiriiriyey xaqiisa.
  3. Dambiyadu waxay u qaybsamaan waawayn iyo yaryar, dambiyada waawayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab aduunka ah, sida Xuduuda iyo Lacnada, ama goodi Aakhiro, sida goodiga inuu Naar galidoono, dambiyada waawayn way kala sareeyaan oo qaar ayaa xarimaada kaga sii adag qaarka kale, dambiyada yaryari waa wixii kuwa waawayn ka soo hara.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 172) (2654)، (8/ 4) (5976)، (8/ 62) (6273-6274). صحيح مسلم (1/ 91) (87). عمدة الأحكام من كلام خير الأنام صلى الله عليه وسلم (ص257) (380). شرح النووي على مسلم (2/ 81). الإلمام بشرح عمدة الأحكام لإسماعيل الأنصاري (2/ 149). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام للبسام (ص703). أعلام السنة المنشورة لاعتقاد الطائفة الناجية المنصورة، لحافظ بن أحمد الحكمي (ص111).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Akhlaaqda xun

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com