عن حذيفة رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «لَا يَدْخُلُ الْجَنَّةَ قَتَّاتٌ».
Xudeyfa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Janada magalo fitnoole."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka dadka Xanta ee hadalka u kala qaada dadka si uu isugu diro uu mutaysanayo ciqaab ah inuusan Janada gelin .
Faa’iidooyin
Isku dirku wuxuu ka mid yahay dambiyada waa wayn.
Isku dirka waa la reebay, waayo wuxuu dhex dhigayaa dadka Qof ahaan iyo Busho ahaanba dhib iyo fasaad.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 17) (6056).
صحيح مسلم (1/ 101) (105).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 145).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 401).
توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 452).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 273).