Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay qasciga oo ah in Timaha qaar la xiiro qaarna la daayo
عن ابن عمر رضي الله عنهما: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ نَهَى عَنِ الْقَزَعِ.
Ibnu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay qasciga oo ah in Timaha qaar la xiiro qaarna la daayo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Wuxuu reebay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in timaha madaxa qaybna laxiiro qaybna la daayo.
Reebiduna waa guud ahaan ragga yaryar iyo kuwa wawaynba, Dumarkase uma banaana inay timaha Madaxooda xiiraan.
Faa’iidooyin
Shareecada Islaamku way ilaalisay muuqaalka dadka.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 163) (5921).
صحيح مسلم (3/ 1675) (2120).
نزهة المتقين (2/ 1126).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (19/ 380).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 381).