عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «مَا يُصِيبُ الْمُسْلِمَ مِنْ نَصَبٍ وَلَا وَصَبٍ وَلَا هَمٍّ وَلَا حُزْنٍ وَلَا أَذًى وَلَا غَمٍّ حَتَّى الشَّوْكَةِ يُشَاكُهَا إِلَّا كَفَّرَ اللهُ بِهَا مِنْ خَطَايَاهُ».
Abii Saciid Alkhudriyi iyo Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: " Wixii ku dhaca Muslimka ee ah Rafaad ,Daal, Hami, Murug, Uur ku taalo iyo Dhibaato, xataa Qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee cadeeyey waxa soo gaaraya Muslimka ee Jiro, Murugo, Walba haar iyo Dhibaatooyin kale ah sida: Cabsida, Gaajada, xataa Qodaxda mudaysa ee xanuujisa, waxaasoo dhan kafaara gud ayey u noqonayaan, Ilaahayna dambiyadiisuu kaga dhaafayaa.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta fadliga Ilaahay siiyey Adoomadiisa Muuminiinta ah iyo siduu ugu naxariistay uguna danbi dhaafay dhibka ugu yar ee soo gaaray.
- Waxaa ku haboon Muuminku inuu Ilaahay kaga ajar dalbo wixii dhib ah ee ku dhaca kuna sabro wixii yar ama weyn ee ku dhaca si ay ugu noqoto mid darajadiisa kor u qaada danbigana looga dhaafo.
Tixraac
صحيح البخاري (7/ 114) (5641).
صحيح مسلم (4/ 1992) (2572).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 489).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 242).
شرح النووي على مسلم (16/ 126).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص44).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 96).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 70).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أنس بن مالك رضي الله عنه: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ وَمُعَاذٌ رَدِيفُهُ عَلَى الرَّحْلِ قَالَ: «يَا مُعَاذُ بْنَ جَبَلٍ»، قَالَ: لَبَّيْكَ يَا رَسُولَ اللهِ وَسَعْدَيْكَ، قَالَ: «يَا مُعَاذُ»، قَالَ: لَبَّيْكَ يَا رَسُولَ اللهِ وَسَعْدَيْكَ، ثَلَاثًا، قَالَ: «مَا مِنْ أَحَدٍ يَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ صِدْقًا مِنْ قَلْبِهِ إِلَّا حَرَّمَهُ اللهُ عَلَى النَّارِ»، قَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَفَلَا أُخْبِرُ بِهِ النَّاسَ فَيَسْتَبْشِرُوا؟ قَالَ: «إِذًا يَتَّكِلُوا». وَأَخْبَرَ بِهَا مُعَاذٌ عِنْدَ مَوْتِهِ تَأَثُّمًا.
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyee Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: "Mucaad Binu Jabalow" isna wuxuu ku yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, wuxuu ku yiri: "Mucaadow", wuxuu yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, seddeax jeer, wuxuu yiri:
"majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta", wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma u sheegaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: "way is dhiganayaan", Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka qabey inuu ku dambaabo qarinta Cilmiga.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Mucaad Binu Jabal-Allaha ka raali ahaadee wuxuu ahaa mid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa la fangashan Neefkiisii uu fuushanaa, wuu u yeeray: Mucaadow? wuuna ku cel-celiyey dhawaqaa seddex jeer, isago ku adkaynaaya ahmiyada wuxuu ku oron doono.
Intaasoo dhana wuu u jawaabayey Mucaad oo kama aamuseyn Rasuulka, isagoo dhahayey: (waa ku ajiibay hadan waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow, farxad ayey ii tahay ajiibidaaduye).
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Qofkii qira inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo Ilaahay mooyee, Maxamadna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, beenna ka ahayn, hadduu sidaa ku dhinto Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta.
Mucaad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxarii Allaha siiyee inuu dadka u sheego, si ay ugu farxaan oo khayr ugu bishaaraystaan.
Rasuulku nabdgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baqay inay is dhigtaan oo camalkoodu yaraado.
Intuusan dhiman ka hor Mucaad warkaa qofna uma sheegin, ilaa uu Nabigu geeriyooday ka dib, isagoo ka baqay dambi inay ku noqoto qarinta cilmigu.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku cad in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Fangalinta uu Neefkiisii Mucaad Fangeliyey uu ku Tawaaducay.
- Xadiiska waxaa ku cad Dariiqada Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee dadka wax u barayey isagoo Mucaad ugu celcelinaayey u yeerida si uu ugu soo jeediyo wuxuu oron doono.
- Shuruuda shahaadada waxaa ka mida: laa ilaaha ilaa Allaah wa Ana Maxamedan Rasuulu Allaah waa inay Qofka oronaya ay run ka tahay oo uu yaqiinsan yahay, beena ka ahayn shakina jirin.
- Xadiiska waxaa ku sugan in Dadka Ahlu Towxiidka ah aysan ku waarayn Naarta Jahanama, hadii xataa ay sababta dambigooda ku galaan, waa laga soo saarin marka dambiga laga nadiifiyo ka dib.
- Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga labada Shahaado u leeyihiin Qofkii run ahaan u yiraahda.
- Waa banaan tahay inaan dadka loo sheegin Xadiiska hadii Fasaad ka dhalanaayo sheegidiisa.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 37) (128).
صحيح مسلم (1/ 61) (32).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 377).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 487).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 496).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ: جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا تَرَكْتُ حَاجَّةً وَلَا دَاجَّةً إِلَّا قَدْ أَتَيْتُ، قَالَ: «أَلَيْسَ تَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ؟» ثَلَاثَ مَرَّاتٍ. قَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَإِنَّ ذَلِكَ يَأْتِي عَلَى ذَلِكَ».
Anas allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin wuxuuna ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay? seddex jeer ayuu ku celiyey. wuxuu yiri: haa, wuxuu yiri: dambiyadaas shahaadateynka ayaa lagu dhaafay.
waxaa wariyey Abuu yaclaa,dabraani,diyaa.ul madasiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf ma leehay? Wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee miyaadan qirsanayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay? wuxuu ugu cel-celiyey seddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna ay masaxdo wixii ka horeeyey ee dambi ahaa.
Faa’iidooyin
- Aad ayey u wayn yihiin labado shahaado wayna ka culus yihiin dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qalbigiisa.
- Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeeyey.
- Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee danbi ah.
- Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
- Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.
Tixraac
مسند أبي يعلى الموصلي (6/ 155) (3433)، المعجم الصغير للطبراني (2/ 201) (1025)، شعب الإيمان (5/404) (7086)، الأحاديث المختارة للضياء المقدسي (5/ 151) (1773)، غريب الحديث للخطابي (1/255)، الترغيب والترهيب (4/55)، النهاية في غريب الحديث والأثر (1/341)، الزواجر لابن حجر الهيتمي (2/961)، جامع العلوم والحكم (1/305).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ مُعَاذٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ: كُنْتُ رِدْفَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَلَى حِمَارٍ يُقَالُ لَهُ عُفَيْرٌ، فَقَالَ: «يَا مُعَاذُ، هَلْ تَدْرِي حَقَّ اللَّهِ عَلَى عِبَادِهِ، وَمَا حَقُّ العِبَادِ عَلَى اللَّهِ؟»، قُلْتُ: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «فَإِنَّ حَقَّ اللَّهِ عَلَى العِبَادِ أَنْ يَعْبُدُوهُ وَلا يُشْرِكُوا بِهِ شَيْئًا، وَحَقَّ العِبَادِ عَلَى اللَّهِ أَنْ لا يُعَذِّبَ مَنْ لا يُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللَّهِ أَفَلاَ أُبَشِّرُ بِهِ النَّاسَ؟ قَالَ: «لا تُبَشِّرْهُمْ، فَيَتَّكِلُوا».
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan la fuushanaa Dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada, iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomada waa inay caabudaan kaligi oo aanay cidna la wadaajin cibaadadiisa. Xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waa inuusan cadaabin kuwa Muwaxidiinta ah ee aan cibaadadiisa cidna la wadaajin Mucaad ka dib wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow, ma ugu bishaareeyaa dadka si ay ugu farxaan oo ay ugu bishaaraystaan fadligaas? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Mucaad wuu u diiday isago ka baqaya in dadku isku haleeyaan warkaas.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sug cadaynta xaqa Ilaahay kuwaajibiyey Adoomadiisa, kaaso ah inay caabudaan oo aanay cidna ugu shariig yeelin.
- Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin, kaaso Ilaahay fadligiisa iyo nicmadiisa isugu waajibiyey, kaaso ah inuu Janada geliyo oo aanu cadaabin.
- Xadiiskaan waxaa ku jira bishaaro weyn oo ay leeyihiin Muwaxidiinta aan Ilaahay cibaadadiisa cidna la wadaajin, bishaaradaas oo ah inay Janada gelayaan.
- Mucaad wuxuu Xadiiskaan sheegay intuusan dhiman, isago ka cabsi qabey inuu ku dhoco danbiga qarinta Cilmiga.
- Xadiiska waxaa ku sugan baraarujin inaan dadka qaarki lagu dhex faafin Axaadiista qaarkeed, iyadoo laga baqayo in Qof macnahooda fahmi waayo, waana Axaadiista aanay ku sugnayn wax camal fal ah ama aysan ku sugnayn Xad Xuduuda Shareecada ka mida.
- Dadka Muwaxidiinta ah kuwooda caasiyada ah waxay hoos joogaan Ilaahay mashii`adiisa, haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 29) (2856)، صحيح مسلم (1/ 58) (30)، المحكم لابن سيده (10/26)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 203)، فتح الباري (11/340، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (1/ 623)، (1/ 627)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (14/ 148).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ جَابِرٍ رضي الله عنه قَالَ: أَتَى النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ رَجُلٌ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا الْمُوجِبَتَانِ؟ فَقَالَ: «مَنْ مَاتَ لَا يُشْرِكُ بِاللهِ شَيْئًا دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ مَاتَ يُشْرِكُ بِاللهِ شَيْئًا دَخَلَ النَّارَ»
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa weydiiyey labada sifo ee midi waajibinayso galida Janada, midna waajibinayso galida Naarta? Nabigu nabad iyo naxariis Allah siiyee wuxuu ugu jawaabay: in sifada waajibinaysa galida janada ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay kaligi caabudaya oo aan u shariig yeelin. Sifada waajibinaysa galida naartana ay tahay in qofku dhinto isagoo Ilaahay u shariig yeelaya, oo u yeela Ilaahay wax la mida ama u dhigma xaga Ilaahnimadiisa, rabinimadiisa, magacyadiisa iyo sifooyinkiisa.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga Tawxiidku leeyahay iyo in Qofkii dhinta isagoo Muumina oo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin uu Janada gelayo.
- Xadiiska waxaa ku sugan khatarta shirkigu leeyahay, iyo in Qofkii dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya uu Naarta gelayo.
- Muwaxidiinta intooda caasiga ah waxay hoos joogaan mashii`ada Ilaahay , haduu doono wuu cadaabin haduu doonana wuu u dambi dhaafin, ka dibna waxay ku danbaynayaan Janada.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 94) (93)، إكمال المعلم بفوائد مسلم (1/ 363)، شرح النووي على مسلم (2/96) المفهم للقرطبي (1/290)، تطريز رياض الصالحين (ص 281)، الكوكب الوهاج شرح صحيح مسلم بن الحجاج (3/63).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ العَاصِ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنَّ اللهَ سَيُخَلِّصُ رَجُلًا مِنْ أُمَّتِي عَلَى رُءُوسِ الْخَلَائِقِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ، فَيَنْشُرُ عَلَيْهِ تِسْعَةً وَتِسْعِينَ سِجِلًّا، كُلُّ سِجِلٍّ مِثْلُ مَدِّ الْبَصَرِ، ثُمَّ يَقُولُ: أَتُنْكِرُ مِنْ هَذَا شَيْئًا؟ أَظَلَمَكَ كَتَبَتِي الْحَافِظُونَ؟ فَيَقُولُ: لَا يَا رَبِّ، فَيَقُولُ: أَفَلَكَ عُذْرٌ؟ فَيَقُولُ: لَا يَا رَبِّ، فَيَقُولُ: بَلَى إِنَّ لَكَ عِنْدَنَا حَسَنَةً، فَإِنَّهُ لَا ظُلْمَ عَلَيْكَ الْيَوْمَ، فَتُخْرَجُ بِطَاقَةٌ فِيهَا: أَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَشْهَدُ أَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، فَيَقُولُ: احْضُرْ وَزْنَكَ، فَيَقُولُ: يَا رَبِّ مَا هَذِهِ الْبِطَاقَةُ مَعَ هَذِهِ السِّجِلَّاتِ؟ فَقَالَ: إِنَّكَ لَا تُظْلَمُ، قَالَ: فَتُوضَعُ السِّجِلَّاتُ فِي كِفَّةٍ، وَالْبِطَاقَةُ فِي كِفَّةٍ، فَطَاشَتِ السِّجِلَّاتُ، وَثَقُلَتِ الْبِطَاقَةُ، فَلَا يَثْقُلُ مَعَ اسْمِ اللهِ شَيْءٌ».
Cabdillaahi Binu Camar Binu caas-Allaha ka raali noqdo isaga iyo ِAabihiye ee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Nin Ummaddayda ka mida ayaa ilaahay ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame, waxaana loo furin sagaal iyo sagaashan diiwaan oo mid walba le'eg yahay halka aragu gaaro, ka dib wuxuu dhihin ma wax aad inkirsan tahay oo malaa'igtayda wax qora ee xafadada ahi kugu dulmiyeen ayaa jira wuxuu dhihin: Rabiyow maya, waxaa lagu dhihin: cudur daar aad ku badbaaddo mahelin, wuxuu dhihin: Rabiyow maya, wuxuu Alle ku dhihin: bale waxaan kuu haynaa xasano, Maanta lagu dulminmaayo, waxaa loo soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaahu wa Ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluhu, wuxuu dhihin Ilaahay: keen miisaankaaga: ninkii wuxuu dhihin: Rabiyow muxuu ka tarin miisaanka kaarkani waxa ku qoran diiwaanadaan illahay ayaa ku dhihin: lagu dulminmaayo, wuxuu yidhi: kafad ayaa la saarin diiwanadii, kaarkiina kafada kale, waxaa bidaya diiwaanadii, kaarkiina culays ayuu noqonayaa, shayna magaca Ilaahay kama cuslaado.
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in nin Ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan Maalinta Qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey Aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaaro. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diidan tahay? Miyey ku dulmiyeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yiri: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an laa Ilaaha Ilaa Allaah, wa ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluhu. Ilaahay wuxuu ku dhihin ninkii: imow miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaaban: Rabiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yiri: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafadii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.
Faa’iidooyin
- Waa erayga tawxiidka waynidiisa: Ash'hadu an laa Ilaaha ilaa Allaah, iyo inay culaysinayso miisaanka.
- Kuma filna in carabka oo qura laga yiraahdo: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee waa in qofku cilmi u leeyahay macnaheeda kuna camal falaa waxay farayso.
- Ikhlaaska iyo tawxiidka xooga leh waxay sabab u yihiin in qofka loo danbi dhaafo.
- Iimaanku wuxuu ku kala fadilan yahay hadba inta qofka qalbigiisa ku jirta ee ikhlaas ah, dadka qaar ayaa oran Erayga tawxiidka laakiin waxaa laga yaabaa in lagu cadaabo inta danbigiisu le`eg yahay.
Tixraac
سنن الترمذي (4/ 379) (2639)، سنن ابن ماجه (5/ 356) (4300)، شرح المصابيح (6/49)، مرقاة المفاتيح (8/3531)، تحفة الأحوذي (7/ 330).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِعَمِّهِ: «قُلْ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، أَشْهَدُ لَكَ بِهَا يَوْمَ الْقِيَامَةِ»، قَالَ: لَوْلَا أَنْ تُعَيِّرَنِي قُرَيْشٌ، يَقُولُونَ: إِنَّمَا حَمَلَهُ عَلَى ذَلِكَ الْجَزَعُ لَأَقْرَرْتُ بِهَا عَيْنَكَ. فَأَنْزَلَ اللهُ: {إِنَّكَ لا تَهْدِي مَنْ أَحْبَبْتَ وَلَكِنَّ اللهَ يَهْدِي مَنْ يَشَاءُ } [القصص: 56].
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Adeerki: " dheh: laa Ilaaha Ilaa Allaah, aan kuu marag furo Maalinta Qiyaamee", wuxuu yir: Adeerki hadayna qurayshi igu ceebayn lahayn oo aysan oranayn: waxaa ka keenay cabsi waan oron laha oo kaaga farxin lahaa, Ilaahay ayaa soo dajiyey: {Adigu ma hanuunin kartid qofkaad jeceshahay, laakiin Ilaahay ayaa hanuuniya Qofkuu doono}: [Alqasas: 56].
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka codsaday adeerki Abii Daalib isagoo sakaraadkii geerida ku jira, inuu ku dhawaaqo shahaadada, si uu ugu shafeeco Maalinta Qiyaamaha, oo uga markhaati koco inuu Islaamay, wuu diiday inuu ku dhawaaqo Shahaadada, isago ka baqaya in Qurayshi ku caydo, oo ku tiraahdo wuxuu u Islaamay ka baqid dhimasho iyo taagdaro! wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: hadayna taasi jirin qalbigaaga waa uga farxin lahaa Shahaadada, waxaanan ku tusi lahaa waxaad jeceshahay ilaa aad raali noqoto!, Ilaahaybaa soo dajiyey Aayada sheegaysa in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uusan lahayn hidaayada towfiiqda Islaamka, balse Ilaahay casa wajala kaligi ayaa waafajiya cidii uu doono. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Ummadda wuxuu ku hanuuniyaa hidaayada dalaalada, Cadynta, hanuuninta iyo inuu jidka toosan dadka ugu yeero.
Faa’iidooyin
- Xaqa loogama tago cabsi laga qabo dadka hadlkooda.
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu leeyahay hidaayada dalaalada iyo tan hanuuntinta ee malaha hidaayada towfiiqda.
- Way banaan tahay booqashada Gaalka buka si loogu yeero Diinta Islaamka.
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dadaalay inuu dadka diinta ugu yeero xaalad walba.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 55) (25)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (1/ 539)، النهاية في غريب الحديث والأثر (ص 742).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com