U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay?

عَنْ أَنَسٍ رضي الله عنه قَالَ: جَاءَ رَجُلٌ إِلَى النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ: يَا رَسُولَ اللهِ، مَا تَرَكْتُ حَاجَّةً وَلَا دَاجَّةً إِلَّا قَدْ أَتَيْتُ، قَالَ: «أَلَيْسَ تَشْهَدُ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللهِ؟» ثَلَاثَ مَرَّاتٍ. قَالَ: نَعَمْ، قَالَ: «فَإِنَّ ذَلِكَ يَأْتِي عَلَى ذَلِكَ».
Anas allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa u yimid nin wuxuuna ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, kama aanan tegin dambi wayn iyo dambi yar oo waan wada sameeyey, wuxuu Nabiga ku yiri : .miyaadan qirayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamadna Rasuulka Ilaahay yahay? seddex jeer ayuu ku celiyey. wuxuu yiri: haa, wuxuu yiri: dambiyadaas shahaadateynka ayaa lagu dhaafay.
waxaa wariyey Abuu yaclaa,dabraani,diyaa.ul madasiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, anigu dambi walba waan sameeyey, mid yar iyo mid weynba midna maanan dhaafine dambi dhaaf ma leehay? Wuxuu ku yiri Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee miyaadan qirsanayn inuu Ilaahay maahee Ilaah kale jirin Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay? wuxuu ugu cel-celiyey seddex jeer. Wuxuu ugu jawaabay: haa waan qirayaa. Wuxuu u sheegay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee fadliga labada shahaado iyo in lagu dhaafo dambiyada, towbaduna ay masaxdo wixii ka horeeyey ee dambi ahaa.

Faa’iidooyin
  1. Aad ayey u wayn yihiin labado shahaado wayna ka culus yihiin dunuubta qofkii si run ah uga yiraahda qalbigiisa.
  2. Islaamku wuu baabi`yaa wixii danbi ah ee ka horeeyey.
  3. Tawbada runta ahi waxay masaxdaa wixii ka horeeyey ee danbi ah.
  4. Qofka wax barida in loogu cel-celiyo waa dhaqankii Nabiga lagu yaqaanay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  5. Fadliga labada shahaado, iyo inay sabab u noqonayaan in qofku kaga bad-baado ku waarida naarta.
Tixraac

مسند أبي يعلى الموصلي (6/ 155) (3433)، المعجم الصغير للطبراني (2/ 201) (1025)، شعب الإيمان (5/404) (7086)، الأحاديث المختارة للضياء المقدسي (5/ 151) (1773)، غريب الحديث للخطابي (1/255)، الترغيب والترهيب (4/55)، النهاية في غريب الحديث والأثر (1/341)، الزواجر لابن حجر الهيتمي (2/961)، جامع العلوم والحكم (1/305).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Towxiidka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com