U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Wixii ku dhaca Muslimka ee ah Rafaad ,Daal, Hami, Murug, Uur ku taalo iyo Dhibaato, xataa Qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa

عَنْ أَبِي سَعِيدٍ الْخُدْرِيِّ وَعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنهما عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «مَا يُصِيبُ الْمُسْلِمَ مِنْ نَصَبٍ وَلَا وَصَبٍ وَلَا هَمٍّ وَلَا حُزْنٍ وَلَا أَذًى وَلَا غَمٍّ حَتَّى الشَّوْكَةِ يُشَاكُهَا إِلَّا كَفَّرَ اللهُ بِهَا مِنْ خَطَايَاهُ».
Abii Saciid Alkhudriyi iyo Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: " Wixii ku dhaca Muslimka ee ah Rafaad ,Daal, Hami, Murug, Uur ku taalo iyo Dhibaato, xataa Qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Wuxuu Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee cadeeyey waxa soo gaaraya Muslimka ee Jiro, Murugo, Walba haar iyo Dhibaatooyin kale ah sida: Cabsida, Gaajada, xataa Qodaxda mudaysa ee xanuujisa, waxaasoo dhan kafaara gud ayey u noqonayaan, Ilaahayna dambiyadiisuu kaga dhaafayaa.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta fadliga Ilaahay siiyey Adoomadiisa Muuminiinta ah iyo siduu ugu naxariistay uguna danbi dhaafay dhibka ugu yar ee soo gaaray.
  2. Waxaa ku haboon Muuminku inuu Ilaahay kaga ajar dalbo wixii dhib ah ee ku dhaca kuna sabro wixii yar ama weyn ee ku dhaca si ay ugu noqoto mid darajadiisa kor u qaada danbigana looga dhaafo.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 114) (5641). صحيح مسلم (4/ 1992) (2572). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 489). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 242). شرح النووي على مسلم (16/ 126). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص44). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 96). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 70).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Towxiidka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com