U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Waysaysiga

11 xadiis

Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا تَوَضَّأَ أَحَدُكُمْ فَلْيَجْعَلْ فِي أَنْفِهِ ثُمَّ لِيَنْثُرْ، وَمَنِ اسْتَجْمَرَ فَلْيُوتِرْ، وَإِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلْيَغْسِلْ يَدَهُ قَبْلَ أَنْ يُدْخِلَهَا فِي وَضُوئِهِ، فَإِنَّ أَحَدَكُمْ لاَ يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ». ولفظ مسلم: «إِذَا اسْتَيْقَظَ أَحَدُكُمْ مِنْ نَوْمِهِ فَلَا يَغْمِسْ يَدَهُ فِي الْإِنَاءِ حَتَّى يَغْسِلَهَا ثَلَاثًا، فَإِنَّهُ لَا يَدْرِي أَيْنَ بَاتَتْ يَدُهُ».
Abii Hurayra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Markuu wayso qaadanayo midkiin Biyaha Sankiisa ha geliyo hadana ha soo firdhiyo, Qofka dhagax ku istinjoodana dhagxaanta witir ha ka dhigo, markuu midkiin hurdada ka tooso ha dhaqo Gacmihiisa intaanu Biyaha waysada gelin, waayo ma oga midkiin halka ay Gacantiisu bariday", imaam Muslim ayaa isna sidan u wariyey: "markuu midkiin tooso yaanu gelin Gacantiisa weelka ilaa uu seddex jeer uu dhaqo, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey qaar ka mida axkaanta dahaarada, waxaana ka mida: Mida 1aad: Qofki wayso qaadanaya waa inuu Biyaha Sanka geliyo, hadana neefta soo raaciyo oo soo firdhiyo. Mida 2aad: Qofkii doonaya inuu isaga nadiifiyo najaasada ka soo baxaysa isaga waxaan Biyo ahayn sida dhagxaanta iyo wixii la mida, wuxuu isku nadiifinayaa tirsi kinsi ah oo ugu yaraan ah seddex ugu badnaan wixii tirtiraya najaasada meeshana nadiifinaya. Mida 3aad: Qofka ka toosa hurdada habeenka Gacantiisa galinmaayo weelka markuu wayso qaadanayo ilaa uu Gacantiisa ku dhaqdo weelka dibadiisa, waayo ma oga halkay Gacantiisu bariday, kama aamin aha in Gacantiisu najaaso taabatay, waxaana dhici kara inuu shaydaan ku ciyaaray, oo uu saaray waxyaabo dadka dhibaya ama Biyaha xumaynaya.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib San daarsigu marka la wayso qaadanayo, waana Biyaha oo inta neefta Sanka lagu jiido hadana neefta la soo raaciyo oo la soo firdhiyo.
  2. Waa Suno in Dhagaxa lagu istijoodo laga dhigo tira kinsi ah oo is dheer.
  3. Waa Sharci in la dhaqo Gacmaha seddex jeer marka hurdada Habeennimo laga soo tooso.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 43) (162). صحيح مسلم (1/ 233) (278). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص19). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 11).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «لَا يَقْبَلُ اللهُ صَلَاةَ أَحَدِكُمْ إِذَا أَحْدَثَ حَتَّى يَتَوَضَّأَ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey shuruuda Salaadu ku ansaxayso, taasoo ay ka mid tahay Dahaaradu, sidaa darteedna ay waajib ku tahay Qofka doonaya inuu Salaad tukado inuu wayso qaato, hadii shay waysada buriya ka dhacay, sida Saxarada, Kaadida, Hurdada, iyo qayrkeed.

Faa’iidooyin
  1. Qofka Xadaska weyn qaba la aqbalimaayo salaadiisa ilaa uu qubays ku dahaaro qaato, xadaska yarna uu ka wayso qaato.
  2. Weysadu waa Biyaha oo Afka lagu shubto laguna wareejiyo lana tufo, Biyahana Sanka gudihiisa loogu shubo ka dibna laga soo firdhiyo oo wajiga la dhaqo seddex jeer, ka dibna Gacmaha la dhaqo ilaa Suxulada seddex jeer, ka dibna Mdaxa oo dhan hal mar la masaxo, ka dibna Lugaha la dhaqo ilaa Anqawyada seddex jeer.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 23) (6954). صحيح مسلم (1/ 204) (225). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص17). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 11).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com