عَنْ حُمْرَانَ مَوْلَى عُثْمَانَ بْنِ عَفَّانَ رضي الله عنه: أَنَّهُ رَأَى عُثْمَانَ بْنَ عَفَّانَ دَعَا بِوَضُوءٍ، فَأَفْرَغَ عَلَى يَدَيْهِ مِنْ إِنَائِهِ، فَغَسَلَهُمَا ثَلَاثَ مَرَّاتٍ، ثُمَّ أَدْخَلَ يَمِينَهُ فِي الْوَضُوءِ، ثُمَّ تَمَضْمَضَ وَاسْتَنْشَقَ وَاسْتَنْثَرَ، ثُمَّ غَسَلَ وَجْهَهُ ثَلَاثًا، وَيَدَيْهِ إِلَى الْمِرْفَقَيْنِ ثَلَاثًا، ثُمَّ مَسَحَ بِرَأْسِهِ، ثُمَّ غَسَلَ كُلَّ رِجْلٍ ثَلَاثًا، ثُمَّ قَالَ: رَأَيْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَتَوَضَّأُ نَحْوَ وُضُوئِي هَذَا، وَقَالَ: «مَنْ تَوَضَّأَ نَحْوَ وُضُوئِي هَذَا ثُمَّ صَلَّى رَكْعَتَيْنِ لَا يُحَدِّثُ فِيهِمَا نَفْسَهُ غَفَرَ اللهُ لَهُ مَا تَقَدَّمَ مِنْ ذَنْبِهِ».
Xumraan oo ahaa Adoonkii Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Cusmaan ayaa weel lagu weyso qaato dalbaday, Gacmihiisa ayuu dhaqay seddex jeer, ka dibna Gacantiisa Midig ayuu galiyey weysadii, waanu luqluqday, oo San daarsaday, oo ka soo firdhiyey Sanka Biyihii, ka dibna Wajigiisuu seddex jeer dhaqay, iyo Gacmihiisa ilaa Suxullada seddex jeer, ka dibna Madaxuu masaxay, hadana Luguhuu dhaqay mid walba seddex jeer, intaa ka dib wuxuu yiri Cusmaan-: Nabigaan nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan arkay isagoo qaabkaa aan u weyso qaatey oo kale u weyso qaadanaya, oo dhahay:"qofka u weyso qaata sidaa aan u weyso qaatay ee tukada labo Rakcadood oo aanu naftiisa la sheekaysan Salaada dhexdeeda, Ilaahay wuxuu ka dhaafaa dambiyadiisii hore".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Cusmaan Binu Cafaan Allaha ka raali ahaadee wuxuu baray qaabkii waysaysiga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waliba qaab tusaalaysan, oo uu tusayo hortooda dadka siday tahay waysadu, wuxuuna dalbaday biyo weel ku jira, seddex jeer ayuu ku shubay Gacmihiisa wuuna mayray, intaa ka dibna Gacantiisa Midig buu weelka galiyey biyuhuuna sooqaatay, Afkiisuna galiyey wuuna soo tufay, hadana biyihii buu sanka ku qaaday ilaa gudaha sanka, wuuna soo firdhiyey, hadana wajigiisuu saddex jeer dhaqay, Gacmuhuu ku xijiyey ilaa labada Xusul seddex jeer, hadana hal marbuu Madaxa mariyey Gacantiisoo qoyan, intaa ka dibna Luguhuu dhaqay ilaa Anqawyada seddex jeer.
Markuu dhameeyey Allaha ka raali ahaadee ayuu ka sheegay inuu arkay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo sidiisaa oo kale u weyso qaatay, oo waliba ugu bishaareeyey Qofka sidiisa oo kale u weysa qaata labo rakcadoodna tukada, isagoo khushuucsan qalbigiisana soo xaadiriyey llaahay hortiisa, Ilaahay inuu kaga abaal marin doono weysadiisaa uu wanaajiyey iyo Salaada khaaliska ah inuu ka dhaafo dambiyadiisii hore.
Faa’iidooyin
- Waxaa Suna ah in Gacmaha la dhoqo intaan weelka la galin weysada ka hor, yaanu hurdaba ka soo toosine, haduu ka soo tooso hurdada habeenka waxaa waajib ah inuu faraha dhaqdo.
- Waxaa haboon in Macallinku raaco qaabka ugu dhow ee uu wax ku fahmi karo aqoontuna ugu xasilayso kan wax baranaya, waxaana ka mida in Qofka wax lagu baro ficil,.
- Waxaa la gudboon Qofka tukanaaya inuu niyadiisa ka saaro fikirka Aduun ee ka mashquulinaya khushuucda Salaada, waayo Salaada kaamilka ahi waxay ku xiran tahay qalbiga oo jooga oo ku xiran Salaada, waayo fikirka maskaxda ku soo dhacaya lagama aamin helo, sidaa darteed waa inuu Qofku iskala jihaado waxaas oo aanu isku sii dayn.
- Waa Sune in la midigaysto weyso qaadka.
- Waa Sharci tartiibta kala horaysiinta luq-luqashada iyo San daarsiga iyo firdhinta.
- Waxaa Suno ah in la seddexeeyo mayrida Wajiga, Gacmaha, Lugaha, Waajibkuse xubintiiba waa hal mar.
- Dambi dhaafka Ilaahay ee dambiyadaa la soo samayey waxay ku xiran tahay labo qodob oo lala yimaado: weyso qaadka iyo labo Rakcadood oo lala yimaado sida Xadiiska lagu soo xusay.
- Xubin kastoo xubnaha waysaysiga ka mid ah waxay leedahay xad: wajiga xadkiisu waa: halka ay timaha madaxa ka baxaan ilaa lafta garka dherer ahaan, hadana dhagta ilaa dhagta kale balac ahaan, gacanta xadkeedu waa: faraha laga bilaabo ilaa suxulka, waana halka gacantu ka laabato ee cududa iyo dhudhunka u dhaxaysa, madaxa xadkiisu waa: timaha fooda laga bilaabo ilaa halka qoorta iyo madaxu iska galaan, masixitaanka dhaguhuna madaxay raacsan yihiin, luguha xadkoodu waa: anqawga oo kaamila iyo kala goyska dhudhunka.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 44) (164).
صحيح مسلم (1/ 204) (226).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 16).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص26).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 24).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ يحيى بنِ عُمَارةَ المَازِنِيِّ قَالَ: شَهِدْتُ عَمْرَو بْنَ أَبِي حَسَنٍ سَأَلَ عَبْدَ اللَّهِ بْنَ زَيْدٍ، عَنْ وُضُوءِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَدَعَا بِتَوْرٍ مِنْ مَاءٍ، فَتَوَضَّأَ لَهُمْ وُضُوءَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَأَكْفَأَ عَلَى يَدِهِ مِنَ التَّوْرِ، فَغَسَلَ يَدَيْهِ ثَلاَثًا، ثُمَّ أَدْخَلَ يَدَهُ فِي التَّوْرِ، فَمَضْمَضَ وَاسْتَنْشَقَ وَاسْتَنْثَرَ، ثَلاَثَ غَرَفَاتٍ، ثُمَّ أَدْخَلَ يَدَهُ فَغَسَلَ وَجْهَهُ ثَلاَثًا، ثُمَّ غَسَلَ يَدَيْهِ مَرَّتَيْنِ إِلَى المِرْفَقَيْنِ، ثُمَّ أَدْخَلَ يَدَهُ فَمَسَحَ رَأْسَهُ، فَأَقْبَلَ بِهِمَا وَأَدْبَرَ مَرَّةً وَاحِدَةً، ثُمَّ غَسَلَ رِجْلَيْهِ إِلَى الكَعْبَيْنِ.
Yaxye Binu Cumaara Almaasini wuxuu yiri: Waxaan u joogay Camru Binu Abii Xasan oo waydiinaya Cabdullaahi Binu Zayd, waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu u yeertay weel ay biyo ku jiraan, wuxuuna ugu wayso qaatay waysadii Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, weelkii ayuu gacanta biyo uga shubtay, gacmihiisuu sadex jeer dhaqaay, ka dibna weelkii ayuu gacanta galiyey, wuuna luq-luqday oo sandaarsaday oo iska firdhiyey sadex darsasho, ka dibna gacantuu galiyey oo wejigiisuu saddex jeer dhaqay, ka dib gacmihiisuu laba jeer dhaqay ilaa suxulada, ka dibna gacantiisuu galiyey oo madaxiisuu ku masaxay, isagoo horay iyo gadaal u mariyey gacmaha madaxiisa hal mar, ka dibna wuxuu dhaqay labadiisa lugood ilaa anqawyada.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Cabdullaahi Binu Zayd-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu cadeeyey qaabkii waysadii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisadii- qaab ficil ahaan ah, wuxuuna waydiistay in weel yar oo biyo ku jiraan loo keeno, wuxuuna ku bilaabay inuu horta faraha dhaqdo, ka dibna weelka ayuu soo qaloociyey oo biyaha ka shubtay oo gacmaha sadex jeer ku dhaqay weelka dibadiisa. Ka dibna weelkii buu gacantiisa galiyey, oo saddex jeer darsaday oo ku luq-luqday oo mar walba oo uu darsado wuu sandaarsaday oo iska firdhiyey. Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday wuuuna dhaqay wajigiisa sadex jeer, Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday oo dhaqay gacmihiisa labalaba jeer ilaa xusulada, Ka dibna gacmihiisuu weelkii galiyey, madaxiisuuna labadiisa gacmood ku masaxay, isagoo ka bilaabay foodiisa ilaa qadaadka qoorta ka sareeya, ka dibna wuu ku sooceliyey ilaa uu soo gaaray meeshuu ka bilaabay, Ka dibna lugihiisuu dhaqay ilaa anqawyada.
Faa’iidooyin
- Waa in macallinku oo raaca qaabka ugu dhaw ee loo fahmi karo cilmiga oo si fiican loogu barikaro, taas waxaa ka mida in si camali ah wax loo baro.
- way banaan tahay in sadex jeer la dhaqo xubnaha laga wayso qaato qaarkood, qaar kalena labo jeer la dhaqo, waajibkuse waa hal mar.
- waa waajib kala horaysiinta xubnaha laga wayso qaato sida xadiiska ku xusan.
- xadka wajigu waa halka timuhu ka bilawdaan ee caadiga ah, ilaa garka iyo lafta gadhka dherer ahaan, iyo dhegta ilaa dhegta kale balac ahaan.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 48) (186).
صحيح مسلم (1/ 210) (235).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 18).
الإفهام في شرح عمدة الأحكام، لابن باز (ص72).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص29).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 27).
شرح العمدة للسعدي (ص 50).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: تَوَضَّأَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ مَرَّةً مَرَّةً.
Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu weyso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa waqtiyada qaar markuu weyso qaadanayo, xubinaha weysada wuxuu dhaqi jiray hal mar, wuxuu dhaqi jiray Wajiga, luqluqushada, San daarsiga, Gacmaha iyo Lugaha hal mar, waana intaas qadarka waajibka ahi.
Faa’iidooyin
- Xubnaha weysada inta waajibka ah in la dhaqo waa hal mar, wixii intaa ka badani waa Sune.
- Waa Sharci weysada hal mar la dhaqayo waqtiyada qaarkood.
- Waa Sharci in Madaxa hal mar la masaxo.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 43) (157)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (1/ 244).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ زَيْدٍ رضي الله عنه: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ تَوَضَّأَ مَرَّتَيْنِ مَرَّتَيْنِ.
Cabdullaahi Binu Seyd Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu weysadiisa dhaqay xubnaha labo mar labo mar.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa xiliyadiisa qaar haduu weyso qaadanayo xubnaha weysada wuxuu dhaqi jiray labo mar, wuxuu dhaqi jiray wajiga-oo uu ku jiro luqluqushada iyo san daarsigu, gacmaha iyo lugaha labo mar.
Faa’iidooyin
- Waajibka dhaqida xubnaha weysada waa hal mar, wixii ka badani waa Suno.
- Waa Sharci in weysada la dhaqo xubnaha labo mar labo mar waqtiyada qaarkood.
- Waa sharci in Madaxa la masaxo hal mar.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 43) (158)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (1/ 244).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com