Cabdullaahi Binu Zayd-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu cadeeyey qaabkii waysadii Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisadii- qaab ficil ahaan ah, wuxuuna waydiistay in weel yar oo biyo ku jiraan loo keeno, wuxuuna ku bilaabay inuu horta faraha dhaqdo, ka dibna weelka ayuu soo qaloociyey oo biyaha ka shubtay oo gacmaha sadex jeer ku dhaqay weelka dibadiisa. Ka dibna weelkii buu gacantiisa galiyey, oo saddex jeer darsaday oo ku luq-luqday oo mar walba oo uu darsado wuu sandaarsaday oo iska firdhiyey. Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday wuuuna dhaqay wajigiisa sadex jeer, Ka dibna weelkii ayuu ka darsaday oo dhaqay gacmihiisa labalaba jeer ilaa xusulada, Ka dibna gacmihiisuu weelkii galiyey, madaxiisuuna labadiisa gacmood ku masaxay, isagoo ka bilaabay foodiisa ilaa qadaadka qoorta ka sareeya, ka dibna wuu ku sooceliyey ilaa uu soo gaaray meeshuu ka bilaabay, Ka dibna lugihiisuu dhaqay ilaa anqawyada.
- Waa in macallinku oo raaca qaabka ugu dhaw ee loo fahmi karo cilmiga oo si fiican loogu barikaro, taas waxaa ka mida in si camali ah wax loo baro.
- way banaan tahay in sadex jeer la dhaqo xubnaha laga wayso qaato qaarkood, qaar kalena labo jeer la dhaqo, waajibkuse waa hal mar.
- waa waajib kala horaysiinta xubnaha laga wayso qaato sida xadiiska ku xusan.
- xadka wajigu waa halka timuhu ka bilawdaan ee caadiga ah, ilaa garka iyo lafta gadhka dherer ahaan, iyo dhegta ilaa dhegta kale balac ahaan.
صحيح البخاري (1/ 48) (186). صحيح مسلم (1/ 210) (235). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 18). الإفهام في شرح عمدة الأحكام، لابن باز (ص72). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص29). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 27). شرح العمدة للسعدي (ص 50).