U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Wixii waysada Buriya

1 xadiis

Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo

عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِذَا وَجَدَ أَحَدُكُمْ فِي بَطْنِهِ شَيْئًا، فَأَشْكَلَ عَلَيْهِ أَخَرَجَ مِنْهُ شَيْءٌ أَمْ لَا، فَلَا يَخْرُجَنَّ مِنَ الْمَسْجِدِ حَتَّى يَسْمَعَ صَوْتًا، أَوْ يَجِدَ رِيحًا».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii Qofkiin Calooshiisa shay ka dareemo, oo uu ka shakiyo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu ka bixin Majidka ilaa uu maqlo cod ama uu ur dareemo.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey hadii Qofka tukanaaya calooshiisa ka dareemo dhaqdhaqaaq oo uu kala garan waayo in wax ka yimaadeen iyo in kale, yaanu Salaada ka bixin oo jarin si uu u soo weyso qaato, ilaa uu hubsado inuu jiro shay weysadiisii ka buriyey, taaso ah inuu maqlo Neef codkeed ama uu uriyo Neef, maxaa yeelay Qofka huba weysada shaki kama buriyo, Qofkuna wuu hubaa weysadiisii, shayga dhaqaajiyey ayaa shaki ah.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskani waa asal ka mida asalada Islaamka iyo qaacido ka mida qaacidooyinka fiqiga, waana: yaqiin shaki laguma suuliyo, asalkuna wuxuu baaqi ku ahaanayaa sidiisa ilaa la hubsado wax sidiisa ka duwan.
  2. Shakigu ma saameeyo dahaarada, Qofka tukanayaana dahaaradiisii ayuu qabaa ilaa uu hubsado inay burtay.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 276) (362)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (8/ 374)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 608).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com