Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu weyso qaadanayo wuxuu dhaqi jiray mar mar kaliya.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa waqtiyada qaar markuu weyso qaadanayo, xubinaha weysada wuxuu dhaqi jiray hal mar, wuxuu dhaqi jiray Wajiga, luqluqushada, San daarsiga, Gacmaha iyo Lugaha hal mar, waana intaas qadarka waajibka ahi.
Faa’iidooyin
Xubnaha weysada inta waajibka ah in la dhaqo waa hal mar, wixii intaa ka badani waa Sune.
Waa Sharci weysada hal mar la dhaqayo waqtiyada qaarkood.
Waa Sharci in Madaxa hal mar la masaxo.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 43) (157)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (1/ 244).
Cabdullaahi Binu Seyd Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu weysadiisa dhaqay xubnaha labo mar labo mar.
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa xiliyadiisa qaar haduu weyso qaadanayo xubnaha weysada wuxuu dhaqi jiray labo mar, wuxuu dhaqi jiray wajiga-oo uu ku jiro luqluqushada iyo san daarsigu, gacmaha iyo lugaha labo mar.
Faa’iidooyin
Waajibka dhaqida xubnaha weysada waa hal mar, wixii ka badani waa Suno.
Waa Sharci in weysada la dhaqo xubnaha labo mar labo mar waqtiyada qaarkood.
Waa sharci in Madaxa la masaxo hal mar.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 43) (158)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (1/ 244).