Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato
عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «لَا يَقْبَلُ اللهُ صَلَاةَ أَحَدِكُمْ إِذَا أَحْدَثَ حَتَّى يَتَوَضَّأَ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Ilaahay ma aqbalo Salaada midkiin hadii waysadu ka jabto ilaa uu weyso qaato.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey shuruuda Salaadu ku ansaxayso, taasoo ay ka mid tahay Dahaaradu, sidaa darteedna ay waajib ku tahay Qofka doonaya inuu Salaad tukado inuu wayso qaato, hadii shay waysada buriya ka dhacay, sida Saxarada, Kaadida, Hurdada, iyo qayrkeed.
Faa’iidooyin
Qofka Xadaska weyn qaba la aqbalimaayo salaadiisa ilaa uu qubays ku dahaaro qaato, xadaska yarna uu ka wayso qaato.
Weysadu waa Biyaha oo Afka lagu shubto laguna wareejiyo lana tufo, Biyahana Sanka gudihiisa loogu shubo ka dibna laga soo firdhiyo oo wajiga la dhaqo seddex jeer, ka dibna Gacmaha la dhaqo ilaa Suxulada seddex jeer, ka dibna Mdaxa oo dhan hal mar la masaxo, ka dibna Lugaha la dhaqo ilaa Anqawyada seddex jeer.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 23) (6954).
صحيح مسلم (1/ 204) (225).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص17).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 11).