U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Xumaanta Macaasida

6 xadiis

Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?

عن أبي بكرة رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «‌أَلَا ‌أُنَبِّئُكُمْ بِأَكْبَرِ الْكَبَائِرِ؟» ثَلَاثًا، قَالُوا: بَلَى يَا رَسُولَ اللهِ، قَالَ: «الْإِشْرَاكُ بِاللهِ، وَعُقُوقُ الْوَالِدَيْنِ» وَجَلَسَ وَكَانَ مُتَّكِئًا، فَقَالَ: «أَلَا وَقَوْلُ الزُّورِ»، قَالَ: فَمَا زَالَ يُكَرِّرُهَا حَتَّى قُلْنَا: لَيْتَهُ سَكَتَ.
Abii bakrata Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waar hooy ma idiin sheegaa dambiyada kuwa ugu waaway?" seddex jeer, waxay dheheen: haa Rasuul Ilaahayow, wuxuu yiri: "waa: Ilaahay oo loo shariig yeelo iyo waalid caasiga" wuuna soo fariistay isagoo xusulku u mudan yahay, wuxuu yiri: "waar hooy iyo markhaati Beenaalaha), wuxuu yiri: kama uuna daalin inuu ku celceliyo ereygaa, ilaa aan iri: muu iska aamuso.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay Asaxaabtiisa dambiyada ugu waawayn, seddexdan buuna sheegay: 1aad. Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana nooc walba oo cibaadada ka mida oo loo leexiyo cidaan Ilaahay ahayn, iyo Ilaahay Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, Magacyadiisa iyo Sifaadkiisa oo cid kale lala simo. 2aad. Waalid caasiga: waana dayac iyo hagardaamo kasta oo labada waalid loogaysto, hadal iyo ficilba kuu doono ha ahaadee, iyo samafalkooda oo lala imaan waayo. 3aad. Been abuurka oo markhaati Beenaaluhuna soo galayo: waana hadal kasta oo Been abuura loogana jeedo in lagu duudsiiyo Qof, kaasoo lagu banaysanayo Maalkiisa, laguna xad gudbo Cirdigiisa iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuu ku celceliyey ka digida hadalka Been abuurka ah, isagoo ku baraarujinaya dadka xumaantiisa iyo saamayntiisa xun ee Bulshada uu u leeyahay, ilaa ay dheheen Asaxaabtu: muu iska aamuso, iyagoo u naxariisanaya Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo nacaya wixii isaga dhibaya.

Faa’iidooyin
  1. Dambiga ugu wayn waa in Ilaahay loo shariig yeelo, waayo Ilaahay wuxuu ka dhigay kan ugu horeeya uguna wayn dambiyada, waxaana cadaynaya sidaa, hadalka Ilaahay ee {Ilaahay uma dambi dhaafo in loo shirki yeelo, wixii ka hooseeyase Qofkuu doono ayuu u dhaafaa}.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan weynida Xuquuqda labada Waalid, waayo xaqooda Ilaahay ayaa ku xiriiriyey xaqiisa.
  3. Dambiyadu waxay u qaybsamaan waawayn iyo yaryar, dambiyada waawayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab aduunka ah, sida Xuduuda iyo Lacnada, ama goodi Aakhiro, sida goodiga inuu Naar galidoono, dambiyada waawayn way kala sareeyaan oo qaar ayaa xarimaada kaga sii adag qaarka kale, dambiyada yaryari waa wixii kuwa waawayn ka soo hara.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 172) (2654)، (8/ 4) (5976)، (8/ 62) (6273-6274). صحيح مسلم (1/ 91) (87). عمدة الأحكام من كلام خير الأنام صلى الله عليه وسلم (ص257) (380). شرح النووي على مسلم (2/ 81). الإلمام بشرح عمدة الأحكام لإسماعيل الأنصاري (2/ 149). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام للبسام (ص703). أعلام السنة المنشورة لاعتقاد الطائفة الناجية المنصورة، لحافظ بن أحمد الحكمي (ص111).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Dambiyad waawayni waa: Ilaahay oo loo shariik yeelo, Waalid caasiga, Naf la dilo iyo dhaar badanaha

عن عبد الله بن عمرو بن العاص رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «الْكَبَائِرُ: الْإِشْرَاكُ بِاللهِ، وَعُقُوقُ الْوَالِدَيْنِ، وَقَتْلُ النَّفْسِ، وَالْيَمِينُ الْغَمُوسُ».
Cabdullaahi Camar Binu Caas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Dambiyad waawayni waa: Ilaahay oo loo shariik yeelo, Waalid caasiga, Naf la dilo iyo dhaar badanaha".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey dambiyada waawayn, waana kuwa loo balan qaaday cida samaysa ciqaab adag oo Aduunyada iyo Aakhiraba ah. Tan koowaad: Ilaahay oo loo shariig yeelo: waana cibaadada noocay doontaba ha ahaate oo loo leexiyo cid aan Ilaahay ahayn, iyo Isaga oo lala simo wax aan Isaga ahayn wax yaabaha uu keligii xaq u leeyahay sida Ilaahnimadiisa, Rabinimadiisa, magacyadiisa iyo tilmaamihiisa wanaagsan. Tan labaad: waa Waalid caasiga: waana wax kasta oo labada Waalid dhib ku ah, oo ah hadal ama ficil, iyo u samafalkooda oo laga tago. Tan seddexaad waa Naf la dilo: taasoo ah xaq daro, sida dilka dulmiga iyo cadaawada ah. Tan afraad, waa dhaar badanaha: waa mida lagu dhaaranayo Beenta loo bareerayo, waxaana sidaa loogu magacaabay, waxay dhaar badanaha quusinaysaa dambi ama Naar.

Faa’iidooyin
  1. Dhaarta qamuusku malahan kafaara gud, khatarta ay leedahay iyo dambi waynideeda darteed, waxayse leedahay towbadkeen.
  2. Afartaan dambi ee sheegidooda lagu koobay Xadiiskaan waa waynida dambigooda, ee maha inay dambiyada waawayn intaa ku eg yihiin.
  3. Dambiyadu waxay u qayb samaan waawayn iyo yar yar, dambiyada waa wayni waa: dambi kasta oo ay ku soo aroortay ciqaab Aduunka ah, sida danbiyada xuduuda leh ama lacnada, ama goodi kale, sida goodiga inuu Naar gelidoono, dambiyada waa waynina waa sida jaranjaro, qaarba qaar kaga sii adag yihiin xaaraanimada, dambiyada yar-yari waa wixii kuwaa waa-wayn ka soo hara.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 137) (6675). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 408). رياض الصالحين للنووي (ص125) (337). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 610). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص964).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya

عَنْ أَبِي مُوسَى رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّمَا مَثَلُ الْجَلِيسِ الصَّالِحِ وَالْجَلِيسِ السَّوْءِ كَحَامِلِ الْمِسْكِ وَنَافِخِ الْكِيرِ، فَحَامِلُ الْمِسْكِ: إِمَّا أَنْ يُحْذِيَكَ، وَإِمَّا أَنْ تَبْتَاعَ مِنْهُ، وَإِمَّا أَنْ تَجِدَ مِنْهُ رِيحًا طَيِّبَةً، وَنَافِخُ الْكِيرِ: إِمَّا أَنْ يُحْرِقَ ثِيَابَكَ، وَإِمَّا أَنْ تَجِدَ رِيحًا خَبِيثَةً».
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raalli ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: " Waxay la mid yihiin kan la fadhiya nin Saalix ah iyo kan la fadhiya nin Xun sida kan sitaCcatarka Miskiga iyo kan Dabka afuufaya, kan Catarka Miskiga sita: waa inuu kuu mariyo ama aad ka iibsatid, ama aad ka heshid Caraf udgoon, kan Dabka afuufayana: waa inuu Dharka kaa gubo ama ay kaa soo gaarto Ur qarmuun".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu tusaale u keenay labo nooc oo dadka ka mid ah: nooca 1aad: waa Qofka la fadhiya Saaxiibka wanaagsan oo tusaaya Ilaahay iyo wuxuu raaliga ka yahay, oo ugu kaalmaynaaya cibaadada Ilaahay. kaasi wuxuu la mid yahay kan iibinaaya Miskiga waa inuu ku siiyo ama aad ka iibsatid, ama aad Caraf udgoon ka heshid. nooca 2aad: waa kan la fadhiya Saaxiibka Xun, ee jidka Ilaahay ka hor istaaga dadka, oo ugu kaalmaynaaya in macsi la sameeyo, oo aad ka arkaysid ficil xun, hadii kaasoo kale la la Saaxiibo oo lala fariisto dhib ayaa kaa soo gaaraya. Kaasi wuxuu la mid yahay Bir tumaha afuufa Dabkiisa, waa inay kaa gubaan Dharkaaga Dhinbilaha ka soo duulaya ama ay kaasoo gaarto Ur qarmuun.

Faa’iidooyin
  1. Way banaan tahay in tusaale la soo qaato si loogu soo dhaweeyo macnaha cida hadalka dhagaysanaysa.
  2. Waxaa la isku boorinayaa oo la is jeclaysiinayaa in la la fariisto dadka Ahlu daacada iyo wanaaga ah, oo laga fogaado dadka Ahlu fasaadka ah iyo kuwa akhlaaqda xun.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 96) (5534). صحيح مسلم (4/ 2026) (2628). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 431). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 339). شرح النووي على مسلم (16/ 178).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

ka fogaada toddobada lagu halaagsamo

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «اجْتَنِبُوا السَّبْعَ الْمُوبِقَاتِ»، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ وَمَا هُنَّ؟ قَالَ: «الشِّرْكُ بِاللهِ، وَالسِّحْرُ، وَقَتْلُ النَّفْسِ الَّتِي حَرَّمَ اللهُ إِلَّا بِالْحَقِّ، وَأَكْلُ الرِّبَا، وَأَكْلُ مَالِ الْيَتِيمِ، وَالتَّوَلِّي يَوْمَ الزَّحْفِ، وَقَذْفُ الْمُحْصَنَاتِ الْمُؤْمِنَاتِ الْغَافِلَاتِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "ka fogaada toddobada lagu halaagsamo ", waxay yiraahdeen: Rasuulkii Ilaahayow maxay yihiin? wuxuu yiri: "waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, Sixirka, dilka Nafta Ilaahay xarimay in xaq lagu dilo mooyee, cunida Ribada, cunida Maalka Agoonta, cararida Maalinta Jihaadka iyo in la qadfo Gabdhaha Muxsinaatka ah ee Muuminiinta ah ee aan warba hayn".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay wuxuu Ummaddiisa faray inay ka fogaadaan todoba dambi oo ah macaasi lagu halaagsamo, markii la waydiiyey ee la yiri waa kuwee? wuxuu ku sheegay inay yihiin: Tan koobaad: waa Ilaahay oo loo shariig yeelo, iyadoo la samaysto wax Ilaahay loo ekaysiiyo oo lalasimo nooc walba oo uu yahay, isagaa nusqaan oo dhan ka hufane, iyo cibaado cibaadooyinka ka mida oo Ilaahay qayrkii loo leexiyo, shirkiga ayuu ku bilaabay, waayo isagaa danbiyada u wayn. Tan labaad: waa Sixirka- waana guntimo wax lagu tufay iyo dawooyin iyo Qiiq-, kaasoo jirka ku saamaynaaya dhimasho ama bugto ama kala gayn labada is qabta, waana shaqo shaydaan, in badan oo Sixirka ka mida lama samayn karo ilaa Ilaahay loo shariig yeelo iyo in loogu dhawaado arwaaxda xun in loo sameeyo waxay jeceshahay maahee. Tan seddexaad: waa dilka Nafta Ilaahay reebay dilkeeda in lagu dilo wax sharci ah ee Xaakimku fuliyo maahee. Tan afraad: waa Ribada in loo isticmaalo cunid ama qaab kale oo nafac leh. Tan shanaad: waa ku xad gudubka maalka Agoonta uu Aabohood dhintay iyagoon qaan gaarin. Tan lixaad: waa in laga cararo dagaalka gaalada la gula jiro. Tan todobaad: waa in lagu tuhmo Sino Gabdhaha Xorta ah ee dhawrsan, waxaa la mida in Raga lagu tuhmo.

Faa’iidooyin
  1. Dambiyada waa wayni kuma koobna todoba, waxaase loo gaar yeelay todobadan waynidooda iyo khatarta ay leeyihiin.
  2. Way banaan tahay in Nafta xaq lagu dilo sida Qisaasta, Ridada, Sinada Qofka Guur soo maray, fulinta xukunka dilka waxaa fulinaya xaakimka.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 10) (2766). صحيح مسلم (1/ 92) (89). شرح صحيح البخارى لابن بطال (8/ 489). الملخص في شرح كتاب التوحيد، للشيخ صالح الفوزان (ص201).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «كُلُّ أُمَّتِي مُعَافًى إِلَّا المُجَاهِرِينَ، وَإِنَّ مِنَ المُجَاهَرَةِ أَنْ يَعْمَلَ الرَّجُلُ بِاللَّيْلِ عَمَلًا، ثُمَّ يُصْبِحَ وَقَدْ سَتَرَهُ اللَّهُ عَلَيْهِ، فَيَقُولَ: يَا فُلاَنُ، عَمِلْتُ البَارِحَةَ كَذَا وَكَذَا، وَقَدْ بَاتَ يَسْتُرُهُ رَبُّهُ، وَيُصْبِحُ يَكْشِفُ سِتْرَ اللَّهِ عَنْهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee, Qofku inuu danbi muujisto waxaa ka mida in ninku habeenkii danbi sameeyo oo waagu markuu u beryo isagoo Ilaahay asturay oranaaya waar hebelow shalay waxaan suubiyey caykaas iyo caankaas Xalayna wuxuu baryey isagoo Rabigi asturay, wuxuuna waabariistay isagoo asturkii Ilaahay iska faydeya.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey Qofka Muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, Ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku cad xumaanta ay leedahay macsida oo la muujisto markuu Ilaahay asturay ka dib.
  2. Macsida oo la cadaysto waxaa ku sugan faaxishada oo ku faafta Muminiinta dhexdooda.
  3. Qofka Ilaahay Aduunka ku asturay Aakhirana wuu ku asturayaa, taasina waa naxariista Ilaahay ee balaaran ee uu Adoomadiisa siiyey.
  4. Qofka lagu ibtileeyo macsi waa inuu naftiisa asturo, Ilaahayna u towbo keeno.
  5. Dambi wayn bay leeyihiin kuwa muujista macsida ee u qasda inay macsida cadaystaan, waxay is dhaafinayaan dambi dhaafka Ilaahay.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 20) (6069). صحيح مسلم (4/ 2291) (2990). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 15). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، لحمزة قاسم (5/ 251). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 329). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 255).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan

عن أبي بَكرة رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «إِذَا الْتَقَى الْمُسْلِمَانِ بِسَيْفَيْهِمَا فَالْقَاتِلُ وَالْمَقْتُولُ فِي النَّارِ»، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ هَذَا الْقَاتِلُ، فَمَا بَالُ الْمَقْتُولِ؟ قَالَ: «إِنَّهُ كَانَ حَرِيصًا عَلَى قَتْلِ صَاحِبِهِ».
Abii bakrata Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: " Labo Qof oo Muslima hadii ay seefohooda isu qaataan, kii wax dila iyo kan la dilaba Naartay galayaan ", waxaan ku iri: Rasuulka Ilaahayow, kani waaba kii wax dilaye, kan la dilay maxay tahay arintiisu? wuxuu yiri: " wuxuu ku dadaalayey inuu dilo kan kale ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay hadii labo Qof oo Muslimiin ahi Seefo isku qaataan oo midba midka kale inuu dilo doonayo, kii wax dila Naartuu galayaa sababtoo ah isagaa si toosa u dilay kii kale. Asaxaabtu waxay fahmi waayeen kan la dilay: sideebuu Naarta u galayaa? Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u sheegay in isaguna uu Naarta galayo, sababtoo ah wuxuu ku dadaalayey inuu kan kale dilo, inuu kan kale dilona waxaa diiday uun in lagala hormaray dilka.

Faa’iidooyin
  1. Qofkii Qalbigiisa ka go`aansada inuu macsi sameeyo oo asbaabteedii ku dhaqaaqa wuxuu mutaysanayaa ciqaab.
  2. Waxaa si adag looga diyagaa in Muslimiintu is diriraan, arinkaas waxaa ku soo arooray goodi Naar lagu gelayo.
  3. Dagaalka dhex mara Muslimiinta ee xaq lagu dagaalamayo masoo galayo goodigaa, sida dagaalka Buqaada iyo Mufsidiinta.
  4. Qofka dambiga Kabiirada ah gala laguma gaalaysiinayo kaliya inuu dambigaa galay, waayo Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku magacaabay labada diriray muslimiin.
  5. Hadii labo Muslim ahi ay isu qaataana Shay la isku dili karo, midkoodna kii kale dilo, kan wax dilay iyo kan la dilayba Naartay gelayaan, Seefta lagu xusay Xadiiska waa tusaale uun.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 15) (31). صحيح مسلم (4/ 2213) (2888). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، (1/ 26). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين شرح رياض الصالحين لابن عثيمين (1/ 71). المعجم الوسيط، (1/ 166).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com