Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey Qofka Muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, Ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!
- Xadiiska waxaa ku cad xumaanta ay leedahay macsida oo la muujisto markuu Ilaahay asturay ka dib.
- Macsida oo la cadaysto waxaa ku sugan faaxishada oo ku faafta Muminiinta dhexdooda.
- Qofka Ilaahay Aduunka ku asturay Aakhirana wuu ku asturayaa, taasina waa naxariista Ilaahay ee balaaran ee uu Adoomadiisa siiyey.
- Qofka lagu ibtileeyo macsi waa inuu naftiisa asturo, Ilaahayna u towbo keeno.
- Dambi wayn bay leeyihiin kuwa muujista macsida ee u qasda inay macsida cadaystaan, waxay is dhaafinayaan dambi dhaafka Ilaahay.
صحيح البخاري (8/ 20) (6069). صحيح مسلم (4/ 2291) (2990). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 15). منار القاري شرح مختصر صحيح البخاري، لحمزة قاسم (5/ 251). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 329). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 255).