U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fadliga Camalka Saalixa ah

8 xadiis

Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan

عَنْ ثَوْبَانَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَفْضَلُ دِينَارٍ يُنْفِقُهُ الرَّجُلُ، دِينَارٌ يُنْفِقُهُ عَلَى عِيَالِهِ، وَدِينَارٌ يُنْفِقُهُ الرَّجُلُ عَلَى دَابَّتِهِ فِي سَبِيلِ اللهِ، وَدِينَارٌ يُنْفِقُهُ عَلَى أَصْحَابِهِ فِي سَبِيلِ اللهِ» قَالَ أَبُو قِلَابَةَ: وَبَدَأَ بِالْعِيَالِ، ثُمَّ قَالَ أَبُو قِلَابَةَ: وَأَيُّ رَجُلٍ أَعْظَمُ أَجْرًا مِنْ رَجُلٍ يُنْفِقُ عَلَى عِيَالٍ صِغَارٍ، يُعِفُّهُمْ أَوْ يَنْفَعُهُمُ اللهُ بِهِ وَيُغْنِيهِمْ.
Thowbaan -Allaha ka raali ahaadee - waxaa laga wariyey, inuu yiri: Rasuulka Ilaahay- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Lacagta ugu fadliga badan ee uu ninku bixiyo waa lacagta uu ku masruufo ciyaalkiisa, iyo lacagta uu ku bixiyo neefkiisa uu jihaadka ugu tala galay, iyo lacagta uu ku bixiyey asxaabtiisa jihaadka ay kuwada jiraan" Abuu Qilaaba ayaa yiri: wuxuu ku bilaabay caruurta, hadana wuxuu yiri abuu Qilaaba: ninkeeba ka fadli badan nin masruufay caruur yar-yar, way ku deeqtoomayaan, ama Ilaahay baa ku anfacaya lacagtaas wayna ku kaaftoomayaan.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaabab ka mid ah wax bixinta, wuxuuna u kala ratibay hadii ay wada kulmaan qaababka wax bixintu u kala waajibsan tahay, wuxuuna ka bilaabay siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu sheegay lacagta ugu ajarka badan inay tahay tan uu ku masruufo muslimku dadka ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa. Ka dibna waxaa ku xiga kharashka lagu bixiyo gaadiidka loo diyaariyey jihaadka Ilaahay. Ka dibna waxaa ku xiga wuxuu ku nafaqeeyo saaxiibadiisa jihaadka Ilaahay kula jira.

Faa’iidooyin
  1. Tartiibinta nafaqadu siday u kala ajar badan tahay waa sida loo sheegay, waa in sidaa loo ilaaliyo markay isu yimaadaan qaababka nafaqadu.
  2. Waxaa xadiiska ku cad mudnaanta iyo fadliga dheeraadka ah ee masruufka caruurtu uu dheer yahay wax bixinta kale.
  3. Xoolaha lagu bixiyo jihaadka Ilaahay waxay ka mid yihiin wax bixinta ugu wayn, sida in loo diyaariyo Jihaadka qalab iyo rag.
  4. Waxaa la yiri: Jidka Ilaahay waxaa laga wadaa cibaado walba sida Xajka matalan.
Tixraac

صحيح مسلم (2/ 691) (994). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 315). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 156). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 291). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 374).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «لَا تَجْعَلُوا بُيُوتَكُمْ قُبُورًا، وَلَا تَجْعَلُوا قَبْرِي عِيدًا، وَصَلُّوا عَلَيَّ؛ فَإِنَّ صَلَاتَكُمْ تَبْلُغُنِي حَيْثُ كُنْتُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan".
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in lagu celceliyo siyaarada Qabrigiisa oo si joogto ah loogu kulmo qabriga oo caado laga dhigto, waayo taasi waxay noqonaysaa dariiq shirki gaarsiiya qofka. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana in lagu noqnoqdo qabrigiisa.

Faa’iidooyin
  1. Waa la reebay inaan guryaha lagu samayn cibaadada Ilaahay sareeye.
  2. Waa la reebay in loo safro qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo wuxuu faray in lagu saliyo wuxuuna sheegay in saligu gaarayo, waxaase loo qasdayo oo loo safrayo waa Masjidka Nabiga iyo in lagu soo tukado.
  3. Waa la xarimay in qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee laga dhigo ciid, taaso ah in si gaara iyo waqti gaara lagu celceliyo siyaarada, waxaa la mida qabri walba in sidaa lagu sameeyo.
  4. Maamuuska Ilaahay siiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa tusaaya in Sharci looga dhigay in lagu saliyo goor walba iyo meel walba.
  5. Qabriga in lagu tukado reebideeda waxaa go'aamiyey asxaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sidaa darteed wuxuu reebay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in guryaha laga dhigo sida qabuurta oo kale oo aan lagu tukan.
Tixraac

سنن أبي داود (3/ 385) (2042). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص202). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص185).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado''

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بِن مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ: سَأَلْتُ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: أَيُّ العَمَلِ أَحَبُّ إِلَى اللَّهِ؟ قَالَ: «الصَّلاَةُ عَلَى وَقْتِهَا»، قَالَ: ثُمَّ أَيٌّ؟ قَالَ: «ثُمَّ بِرُّ الوَالِدَيْنِ» قَالَ: ثُمَّ أَيٌّ؟ قَالَ: «الجِهَادُ فِي سَبِيلِ اللَّهِ» قَالَ: حَدَّثَنِي بِهِنَّ، وَلَوِ اسْتَزَدْتُهُ لَزَادَنِي.
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee, waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado'' wuxuu yiri: intaasuu ii sheegee, hadaan kordhisan lahaa wuu ii kordhin lahaa.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuuna ku jawaabay: Salaada falarka ah in waqtigeeda shareecadu xadeysey lagu tukado. Waxaa ku xiga, labada waalid oo loo baari noqdo loona samafalo, xaqoodan la guto, lagana daayo caasinimada. waxaa ku xiga, Jidka Ilaahay oo lagu jihaado, si kalmada Ilaahay ay u sarayso, iyadoo la difaacaayo Islaamka iyo dadkiisa, loona muujiyo shacaa`irta Islaamka, iyadoo loo hurayo Nafta iyo Maalkaba. Cabdullaahi Binu Mascuud- Ilaahay ha ka raali ahaadee: waxaa laga wariyey inuu yiri: intaasuu ii sheegay-Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-, hadaan ku dhihilahaa: maxaa ku xiga? wuu ii siyaadin lahaa.

Faa’iidooyin
  1. Camalku wuxuu ku kala fadli badan yahay sida uu Ilaahay u kala jecel yahay.
  2. Muslimka waxaa lagu dhiiri gelinayaa inuu ku dadaalo camalba camalka uu kasii fadli badan yahay.
  3. Jawaabaha Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu ka bixiyey camalka ugu fadli badan waxay u kala duwan yihiin waa sida uu dadku axwaashoodu u kala duwan tahay, iyo qof walba sida u roon oo dantu ugu jirto.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 112) (527). صحيح مسلم (1/ 90) (85). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 70). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص84). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 108).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane

عَن أَبِي أُمَامَةَ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَخْطُبُ فِي حَجَّةِ الوَدَاعِ فَقَالَ: «اتَّقُوا اللَّهَ رَبَّكُمْ، وَصَلُّوا خَمْسَكُمْ، وَصُومُوا شَهْرَكُمْ، وَأَدُّوا زَكَاةَ أَمْوَالِكُمْ، وَأَطِيعُوا ذَا أَمْرِكُمْ تَدْخُلُوا جَنَّةَ رَبِّكُمْ».
Abii Umaama-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaan ka maqlay-naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- isagoo khudba akhriyaaya xajkii Alwadaac wuxuuna yiri: "Allaha Rabigiina ah ka baqa, shantiina salaadoodna tukada, bishiinana sooma, sakada maalkiinana bixiya, madaxdiinana adeeca janada Rabigiin baad galaysaane."
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga ayaa khudbeeyey maalintii carafa ee xajkii Alwadaac ee sanadkii tobnaad ee hijrada, waxaana magaca xajatu-Alwadaac loogu bixiyey, Nabigaa -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee dadka sagootiyey xajkaa dhexdiisa, Dadkana dhamaantood wuxuu faray inay Rabigood ka baqaan, una hogaansamaya waxa uu amray, kana fogaanaya waxa uu ka reebay. Salaadaha shanta ah ee Ilaahay habeenkii iyo maalintii ku waajibiyeyna tukadaan. Bisha ramadaana ay soomaan. Sakada xoolohoodana inaysan ku bakhaylin oo ay siiyaan kuwa xaqa u leh. Kuwa Ilaahay madaxda uga dhigay waa inay ku adeecaan wixii aan macsi Ilaahay ahayn Qofka sameeya wax yaabahaa la soo xusay abaal gudkiisu waa janada oo uu galo.

Faa’iidooyin
  1. Acmaashaani waxay sabab u tahay janada galideeda.
Tixraac

سنن الترمذي (1/ 602) (616). مسند أحمد (36/ 486) (22161). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (1/ 534). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 105).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada Qofka kor loogu qaado?

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «أَلَا أَدُلُّكُمْ عَلَى مَا يَمْحُو اللهُ بِهِ الْخَطَايَا، وَيَرْفَعُ بِهِ الدَّرَجَاتِ؟» قَالُوا بَلَى يَا رَسُولَ اللهِ قَالَ: «إِسْبَاغُ الْوُضُوءِ عَلَى الْمَكَارِهِ، وَكَثْرَةُ الْخُطَا إِلَى الْمَسَاجِدِ، وَانْتِظَارُ الصَّلَاةِ بَعْدَ الصَّلَاةِ، فَذَلِكُمُ الرِّبَاطُ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ma idin tusaa waxa Ilaahay dambiyada ku dhaafo oo darajaada Qofka kor loogu qaado?" waxay dheheen haa, Rasuulkii Ilaahayow, wuxuu yiri:"waa Waysada oo lagu xeel dheeraado Waqtiyada Waysada la dhibsado, Talaabada oo loo badiyo xaga Masaajida iyo Salaada ka dib oo la sugo Salaada xigta, taasi waa iyado Jihaad loo darban yahay.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiye wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa inay rabaan inuu tuso camal sabab u noqda in dambiga la dhaafo oo laga masaxo Diiwaanka Malaa`igtu ku qorto, oo laga masaxo Buugta Malaa'igtu ku qorto oo lagu helo darajo sare? Waxay dheheen Asxaabtu: haa waan doonaynaa kaas, wuxuu yiri: Kan 1aad: waa in sifiican loo Wayso qaato Waqtiyada la dhibsanyo Biyaha, sida Qabowga, Biyo yaaranta, Jirka oo xanuunsan iyo Biyaha oo kulul. Kan 2aad: waa in talaabada loo badiyo xaga Masaajidka, Talaabaduna waa masaafada u dhaxaysa labada Lugood oo loo qaado Masaajida ka fog Guriga iyo in Inbadan lagu soo celceliyo Talaabadaas. Kan 3aad: waa Waqtiga Salaada oo la sugo, iyo Qalbiga oo ku xiran Waqtiga Salaada loona diyaargaroobo Salaada iyo Masjidka oo la fariisto oo lagu sugo Jamaacada, oo haduu Salaada tukado uu fadhiyo meeshii uu ku tukaday ilaa Salaada xigta la gaaro. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in camalkaasi yahay Jihaad run ah loo darban yahay, waayo Nafta ayuu ka xirayaa dariiqa Shaydaanka hawadana wuu qasbayaa oo ka joojinayaa inay aqbasho waswaaska, markaas ayey xisbiga Ilaahay ka adkaanayaan Ciidanka Shaydaanka, kaasaana ah Jihaadka weyn, taasina waxay la mid tahay Qof Dhufays ugu jira Cadowga.

Faa’iidooyin
  1. Waa muhiim in la ilaaliyo Salaada Jamaacada ah oo lagu tukado Masaajidka, oo ihtimaam la siiyo Salaadaha oo aan laga mashquulin.
  2. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si fiican ayuu ugu soo bandhigay Asxaabtiisa wuuna jeclaysiiyey isagoo ku bilaabay qaab su`aal ah, waana qaab ka mida qaababka wax loo baro dadka.
  3. Faa'iidada ay leedahay masalada oo loo dhigo qaab su'aal iyo jawaab ah: waa inuu hadalku noqdo mid saamayn ku leh Nafta waayo inta la qariyey ayaa la cadeeyey.
  4. Wuxuu yiri Imaam Nawawi Allaha u naxariistee: kaasi waa Ribaad: waa Ribaad la jecel yahay, Ribaadka asal ahaantiisuna waa in shay loo xabiso cibaadadaas, waxaa kaloo la yiri waa Ribaadka ugu fadliga badan waxaa kaloo la yiri: jihaadka runtaahi waa Jihaadka Nafta, waxaa kaloo la yiri waxaa dhici karta in laga wado Ribaadka qofka u fudud oo u suuragalka ah, yacni: waa Ribaad ka mida noocyada Ribaadka.
  5. Way soo noq-noqotay weedha "Ribaad" waxaana lagu qeexaa "AL" waana tan wax lagu qeexo: si loo wayneeyo xaalka acmaashaas.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 219) (251). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين. شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 183). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 209). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 158).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يقول: «الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ، وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ، وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu oran jiray: "Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.

Faa’iidooyin
  1. Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.
  2. Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waaweyn.
  3. Danbiyada waaweyni waa dambiyada ay ku soo aroortay Xad Aduunka ah ama loogu goodiyey in Aakhiro la cadaabayo, ama Ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 209) (233). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 183). نزهة المتقين بشرح رياض الصالحين، لمصطفى سعيد الخن (1/ 158). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص108). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم بن عيد الهلالي (1/ 209).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Wax kastoo wanaag ahi waa Sadaqo

عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «كُلُّ مَعْرُوفٍ صَدَقَةٌ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Wax kastoo wanaag ahi waa Sadaqo."
waxaa wariyey bukhaari,waana xadiiska jaabir,muslimna waxuu kuwariyey xadiiska xudayfaDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay wanaag kasta iyo wax tar kasta oo loo qabto dadka sida hadalka iyo adeega waa Sadaqo, ajar iyo xasanaad baa ku jira.

Faa’iidooyin
  1. Sadaqadu kuma koobna waxay dadku maalkooda ka bixiyaan, balse waxaa soo gelaya khayrka dadku sameeyo ama ay dhahaan oo ay dadka gaarsiiyaan.
  2. Waxaa ku jira in dadka la jeclaysiiyo wanaaga bixintiisa, iyo wixii nafac ugu jiro dadka kale.
  3. Lama yaraysto shay wanaaga, haba yaraadee.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 11) (6021). صحيح مسلم (2/ 697) (1005). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 117). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 341).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo Qaraabadiisa

عن أنس بن مالك رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ أَحَبَّ أَنْ يُبْسَطَ لَهُ فِي رِزْقِهِ، وَيُنْسَأَ لَهُ فِي أَثَرِهِ، فَلْيَصِلْ رَحِمَهُ».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka jecel in loo waasiciyo irsaaqadiisa oo loo dheereeyo cumrigiisa, ha xiriiriyo Qaraabadiisa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey in Qaraabada lagu xiriiriyo booqasho, in la karaameeyo jir ahaan, Xoolo ahaan iyo wixii la mida, waxayna sabab u tahay irsaaqada oo la waasiciyo iyo cimriga oo la dheereeyo.

Faa’iidooyin
  1. Raximku waa Qaraabada ka soo jeeda xaga Aabe iyo xaga Hooyo, mar kasta oo uu noqdo Qaraabo dhaw isagaa sii awlaysan in la xariiriyo.
  2. Abaal marintu waa nooca camalka, qofkii qaraabadiisa ku xiriiriya wanaag iyo ixsaan, Ilaahay wuxuu u xiriiriyaa cimrigiisa iyo irsaaqadiisa.
  3. Xiriirinta Qaraabadu waxay sabab u tahay in irsaaqada loo waasiciyo waxay kaloo sabab u tahay in cimriga loo dheereeyo inkastoo ajasha iyo risqiguba qoran yihiin, laakiin waxay noqon kartaa in loo barakeeyo risqiga iyo cimriga, oo uu qabto wax ka badan kana nafac badan dadka kale waxay qabtaan, waxaa kale oo lagu sheegay risqiga iyo cimriga si dhab ah in loogu siyaadiyo, Ilaahay ayaa og.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 5) (5986). صحيح مسلم (4/ 1982) (2557). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 320). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 188). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (6/ 275). تطريز رياض الصالحين، لفيصل المبارك (ص224). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 81).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com