Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa aha ahaatee- wuxuu cadeeyey qaabab ka mid ah wax bixinta, wuxuuna u kala ratibay hadii ay wada kulmaan qaababka wax bixintu u kala waajibsan tahay, wuxuuna ka bilaabay siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu sheegay lacagta ugu ajarka badan inay tahay tan uu ku masruufo muslimku dadka ay ku waajibtay nafaqadoodu, sida xaaskiisa iyo caruurtiisa. Ka dibna waxaa ku xiga kharashka lagu bixiyo gaadiidka loo diyaariyey jihaadka Ilaahay. Ka dibna waxaa ku xiga wuxuu ku nafaqeeyo saaxiibadiisa jihaadka Ilaahay kula jira.
- Tartiibinta nafaqadu siday u kala ajar badan tahay waa sida loo sheegay, waa in sidaa loo ilaaliyo markay isu yimaadaan qaababka nafaqadu.
- Waxaa xadiiska ku cad mudnaanta iyo fadliga dheeraadka ah ee masruufka caruurtu uu dheer yahay wax bixinta kale.
- Xoolaha lagu bixiyo jihaadka Ilaahay waxay ka mid yihiin wax bixinta ugu wayn, sida in loo diyaariyo Jihaadka qalab iyo rag.
- Waxaa la yiri: Jidka Ilaahay waxaa laga wadaa cibaado walba sida Xajka matalan.
صحيح مسلم (2/ 691) (994). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (5/ 315). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (3/ 156). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 291). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 374).