U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «لَا تَجْعَلُوا بُيُوتَكُمْ قُبُورًا، وَلَا تَجْعَلُوا قَبْرِي عِيدًا، وَصَلُّوا عَلَيَّ؛ فَإِنَّ صَلَاتَكُمْ تَبْلُغُنِي حَيْثُ كُنْتُمْ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay wuxuu yiri: "Ha ka dhigina guryihiina qubuur, hana ka dhigina qabrigayga ciid, iguna saliya, salintiinu way isoo gaaraysaa meel kastood joogtaan".
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxu reebay in guryaha lugu tukan waayo oo laga dhigo sida qabuurta aan lagu tukan oo kale. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in lagu celceliyo siyaarada Qabrigiisa oo si joogto ah loogu kulmo qabriga oo caado laga dhigto, waayo taasi waxay noqonaysaa dariiq shirki gaarsiiya qofka. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu amray in lagu saliyo meel kastoo dhulka laga joogo, waayo saligu wuu isoo gaarayaa qofka dhaw iyo qofka fogba isku si ayuu ii soo gaarayaa, loomana baahana in lagu noqnoqdo qabrigiisa.

Faa’iidooyin
  1. Waa la reebay inaan guryaha lagu samayn cibaadada Ilaahay sareeye.
  2. Waa la reebay in loo safro qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo wuxuu faray in lagu saliyo wuxuuna sheegay in saligu gaarayo, waxaase loo qasdayo oo loo safrayo waa Masjidka Nabiga iyo in lagu soo tukado.
  3. Waa la xarimay in qabriga Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee laga dhigo ciid, taaso ah in si gaara iyo waqti gaara lagu celceliyo siyaarada, waxaa la mida qabri walba in sidaa lagu sameeyo.
  4. Maamuuska Ilaahay siiyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa tusaaya in Sharci looga dhigay in lagu saliyo goor walba iyo meel walba.
  5. Qabriga in lagu tukado reebideeda waxaa go'aamiyey asxaabta Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, sidaa darteed wuxuu reebay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee in guryaha laga dhigo sida qabuurta oo kale oo aan lagu tukan.
Tixraac

سنن أبي داود (3/ 385) (2042). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص202). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص185).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Camalka Saalixa ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com