عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «سَوُّوا صُفُوفَكُمْ، فَإِنَّ تَسْوِيَةَ الصَّفِّ مِنْ تَمَامِ الصَّلَاةِ».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: wuxuu yiri Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate-: "Sima sufuuftiina, safka oo la simo salaada dhamaystirkeeda ayey ka mid tahay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatree- wuxuu dadka tukanaaya faray inay simaan safka, oo qaarba qaarka kale aanay ka horayn, simada safkuna waxay ka mid tahay salaada dhamaystirkeeda iyo kaamilnimadeeda, safka qaloocintiisuna waa khalad iyo nusqaan salaada lagu sameeyey.
Faa’iidooyin
- Waa sharci in la ilaaliyo wax walba oo ka mida salaada dhamaystirkeeda oo ka fogaynaya wixii nuqsaan ah.
- Xadiiska waxaa ku sugan Xikmadii Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu dadka wax u bari jirey, waayo wuxuu isku xiriiriyey Xugunkii iyo Ciladiisii, si ay u cadaato Xikmada loo Jideeyey iyo dadka oo lagu dhiiri geliyo inay gutaan Xugunka.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 145) (723).
صحيح مسلم (1/ 324) (433).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص127).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 161).
الإفهام في شرح عمدة الأحكام، لابن باز (ص173).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم: «اللهُمَّ لَا تَجْعَلْ قَبْرِي وَثَنًا، لَعَنَ اللهُ قَوْمًا اتَّخَذُوا قُبُورَ أَنْبِيَائِهِمْ مَسَاجِدَ».
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ka wariyey: Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uu cayriyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.
Faa’iidooyin
- Xadka sharciga ah in la dhaafiyo qubuurta Ambiyada iyo Saalixiintu waxay keenaysaa in Ilaahay sokodi la caabudo, waa waajib in laga digtoonaado asbaabta shirkiga keenta.
- Ma banaana in la aado qabuurta iyado la waynaynayo oo agteeda lagu cibaadaysto, sikasta oo uu Ilaahay ugu dhawaa qofka qabriga ku jiraa.
- Waa la xarimay in Qabuurta laga dul dhiso Masaajid.
- Waa la xarimay in Salaad lagu tukado Qabuurta xataa hadaan Masjidka loo dhisin SalaadaJjanaasada mooye taaso aan weli lagu tukan.
Tixraac
مسند أحمد (12/ 314) (7358).
فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (1/ 434).
القول المفيد على كتاب التوحيد، لمحمد بن عثيمين (1/ 434).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص178).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص194).
التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص51).
مشكاة المصابيح، للتبريزي (1/ 234).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَائِشَةَ أُمِّ المؤمنين رضي الله عنها: أَنَّ أُمَّ سَلَمَةَ ذَكَرَتْ لِرَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَنِيسَةً رَأَتْهَا بِأَرْضِ الْحَبَشَةِ، يُقَالُ لَهَا مَارِيَةُ، فَذَكَرَتْ لَهُ مَا رَأَتْ فِيهَا مِنَ الصُّوَرِ، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أُولَئِكَ قَوْمٌ إِذَا مَاتَ فِيهِمُ الْعَبْدُ الصَّالِحُ، أَوِ الرَّجُلُ الصَّالِحُ، بَنَوْا عَلَى قَبْرِهِ مَسْجِدًا، وَصَوَّرُوا فِيهِ تِلْكَ الصُّوَرَ، أُولَئِكَ شِرَارُ الْخَلْقِ عِنْدَ اللهِ».
Caa'isha oo ahayd Muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: Umu Salama waxay u sheegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- Kaniisad ay ku aragtay dhulka Xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto Qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista Masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan Khalqiga Ilaahay
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Muuminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegtay inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - Maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Wuxuu yiri: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawiradaana way ku sawirayeen. Wuxuuna cadeeyey, Qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.
Faa’iidooyin
- Waa la xarimay in qabuuraha masaajid laga dul dhiso ama lagu tukado ama in masaajida maydka lagu aaso, iyadoo looga hortagayo inay dadku shirki ku dhacaan.
- In qubuuraha laga duldhiso masaajid oo sawiro la dhigo, waa camalka ay qabtaan yuhuuda iyo nasaaradu, qofka waxaa soo kale sameeyana iyaguu u ekaanayaa.
- Waa la xarimay in la sawiro wixii ruuxi ku jirto.
- Qofka ka duldhisa qabri Masaajid ee sawiro ku dul sawira, waa kan ugu sharka badan khalqiga Ilaahay Isagaa sareeyee.
- Shareecadu waxay ilaalisay towxiidka ilaalin buuxda, waxayna xirtay dhamaan meelaha ay ka imaan karaan wixii Shirki keeni kara.
- Waxaa la reebay in lagu xad gudbo jacaylka dadka saalixiinta ah, waayo arinkaasi wuxuu keenayaa in shirki lagu dhoco.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 94) (434).
صحيح مسلم (1/ 375) (528).
مرقاة المفاتيح، لعلي القاري (7/ 2857).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، لعبد الله البسام (2/ 115).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (1/ 598).
منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (2/ 469).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص290).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص183).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص168).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه: أَنَّ عُثْمَانَ بْنَ عَفَّانَ أَرَادَ بِنَاءَ الْمَسْجِدِ فَكَرِهَ النَّاسُ ذَلِكَ، وَأَحَبُّوا أَنْ يَدَعَهُ عَلَى هَيْئَتِهِ، فَقَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَنْ بَنَى مَسْجِدًا لِلهِ بَنَى اللهُ لَهُ فِي الْجَنَّةِ مِثْلَهُ».
Maxamud Binu Labiid Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Cusmaan Binu Cafaan ayaa damcay inuu Masaajidka dhiso, dadkiina way dhib sadeen arinkaa, oo waxay jeclaysteen inuu sidiisa u daayo, wuxuuna yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti Masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa Janada uga dhisa mid la mid ah".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Cusmaan Binu Cafaan-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu damcay inuu dib u dhiso Masaajidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qaab ka wanaagsan qaabkii hore, dadkii ayaase dhibsaday arinkaa, waayo waxaana ku jira in la badalo qaabkii loo dhisay Masjidka waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ka dhisnaa Masaajidku Bulukeeti, Saqafkiisuna wuxuu ahaa laamaha Timirta, laakiin Cusmaana wuxuu damcay inuu ka dhiso Dhagax iyo Nuurad, wuxuu Cusmaan sheegay inuu ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofka Msaajid dhisa, isagoo raali ahaanshaha Ilaahay ku doonaya, is tustus iyo magac doona ka ahayn, Ilaahay wuxuu ku abaal marinayaa abaal marinta ugu fadliga badan oo nuuca camalkiisa ah, kaaso ah in Ilaahay uga gadhisayo Janada mid la mida.
Faa’iidooyin
- Waxaa la isku booriyey in Masaajida la dhiso iyo arinkaasi fadliga uu leeyahay.
- Balaarinta Masaajidka iyo cusboonaysiintiisu waxay soo galayaan fadliga dhismaha Masajidka.
- Acmaasha oo dhan in Ilaahay loo khaalis yeelo ahmiyad ayey leedahay.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 97) (450)، صحيح مسلم (4/ 2287) (533)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 131)، شرح النّووي على مسلم (5/14)، التوضيح لشرح الجامع الصحيح (5/537)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (12/ 171).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «صَلَاةٌ فِي مَسْجِدِي هَذَا خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ صَلَاةٍ فِيمَا سِوَاهُ إِلَّا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Salaada lagu tukado Masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun Salaadood oo lagu tukaday Msaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo Masajidka Xaramka".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga ay leedahay Salaada lagu tukado Masajidkiisa, iyo inay ka fadli badan tahay kun Salaadood oo Masaajida kale ee dhulka, ee aan ahayn Masajidka Xaramka Makkah, waayo Masaajidka Xaramka Makkah Salaada lagu tukadaa way ka fadli badan tahay tan lagu tukado Masjidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Faa’iidooyin
- Ajarka Salaada lagu tukado Masaajidka Xaramka iyo Masaajidka Nabiga waa la laalaabaa.
- Salaada Masaajidka Xaramku waxay ka fadli badan tahay boqol kun oo Salaadood oo Masaajida kale lagu tukado.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 60) (1190)، صحيح مسلم (2/ 1012) (1394)، فتح الباري (3/67)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (24/ 684).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي قَتَادَةَ السَّلَمِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا دَخَلَ أَحَدُكُمُ الْمَسْجِدَ فَلْيَرْكَعْ رَكْعَتَيْنِ قَبْلَ أَنْ يَجْلِسَ».
Abii Qataada Alsalami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Hadii midkiin soo galo Masaajidka ha tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Qofka soo gala Masaajid waqtigay doontaba ha ahaatee iyo ujeedaduu doonaba ha u soo galee, inuu tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan, waana labada Rakcadood ee Taxiyatul Masjidka.
Faa’iidooyin
- Waxaa Suno ah in la tukado labo Rakcadood oo Taxiyatul Masjidka intaan la fariisan.
- Labada Rakcadood waxaa laga rabaa waa Qofka doonaya inuu Masaajidka fariisto, Qofkase soo gala ee ka baxa intaanu fariisan ma soo galayo amarkaas.
- Haduu Qofku soogalo Masaajidka dadkuna Salaada ku jiraan oo uu la galo Salaada, way kaga filan tahay labadii Rakcadood.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 96) (444)، صحيح مسلم (1/ 495) (714)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 352)، فتح الباري لابن رجب (3/ 274)، التوضيح (5/524)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (15/ 287).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي حُمَيْدٍ أَوْ عَنْ أَبِي أُسَيْدٍ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِذَا دَخَلَ أَحَدُكُمُ الْمَسْجِدَ فَلْيَقُلِ: اللَّهُمَّ افْتَحْ لِي أَبْوَابَ رَحْمَتِكَ، وَإِذَا خَرَجَ فَلْيَقُلِ: اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ مِنْ فَضْلِكَ».
Abii Xamiid ama Abii Usayd waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Hadii midkiin soo galo masaajidka ha dhoho: Allahayow iifur Albaabada Naxariistaada, haduu baxayana ha dhoho: Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga ".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku booriyey Ummaddiisa ducada la oranaayo marka Masaajidka la soo galayo:(Allahayow ii fur Albaabada Naxariistaada), oo Ilaahay la waydiisto inuu u diyaariyo asabaabta lagu helo Naxariistiisa, markuu Qofku damco inuu ka boxo Masaajidkana uu dhoho: (Allahayow waxaan ku waydiisanayaa Fadligaaga), oo Ilaahay uu waydiisto Fadligiisa uuna u siyaadiyo ixsaankiisa ay ka mid tahay irsaaqada xalaasha ah.
Faa’iidooyin
- Waa Suno in lagu ducaysto ducadan marka Masaajidka la gelayo iyo marka laga baxayaba.
- Waxaa loogu gaar yeelay Raxmada waqtiga gelitaanka Masaajidka, Fadligana waqtiga laga bixiyo: waa in Qofka sii gelaya Masaajidka uu ka shaqaynaayo wax u dhawaynaya Ilaahay iyo Janadiisa markaasay munaasab u noqotay in la xuso Raxmada, haduu ka boxo Masjidkana wuu shaqo tagayaa isago raadinaaya Ilaahay fadligiisa risqigu ka mid yahay, markaas ayey munaasab noqotay in Fadliga la xuso.
- Adkaartaan waxaa la oranayaa marka la rabo in masjidka la galo, iyo marka la rabo in laga soo boxo Masjidka.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 494) (713)، الكاشف عن حقائق السُّنن (3/935)، فيض القدير (1/ 336)، ذخيرة العقبى (9/153).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com