U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Salaada lagu tukado Masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun Salaadood oo lagu tukaday Msaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo Masajidka Xaramka

عَنْ ‌أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللهُ عَنْهُ: أَنَّ النَّبِيَّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «صَلَاةٌ فِي مَسْجِدِي هَذَا خَيْرٌ مِنْ أَلْفِ صَلَاةٍ فِيمَا سِوَاهُ إِلَّا الْمَسْجِدَ الْحَرَامَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Salaada lagu tukado Masajidkaygan waxay ka khayr badan tahay kun Salaadood oo lagu tukaday Msaajida kale ee isaga kasoo haray marka laga reebo Masajidka Xaramka".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga ay leedahay Salaada lagu tukado Masajidkiisa, iyo inay ka fadli badan tahay kun Salaadood oo Masaajida kale ee dhulka, ee aan ahayn Masajidka Xaramka Makkah, waayo Masaajidka Xaramka Makkah Salaada lagu tukadaa way ka fadli badan tahay tan lagu tukado Masjidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.

Faa’iidooyin
  1. Ajarka Salaada lagu tukado Masaajidka Xaramka iyo Masaajidka Nabiga waa la laalaabaa.
  2. Salaada Masaajidka Xaramku waxay ka fadli badan tahay boqol kun oo Salaadood oo Masaajida kale lagu tukado.
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 60) (1190)، صحيح مسلم (2/ 1012) (1394)، فتح الباري (3/67)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (24/ 684).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Rulings of the Prophet's Mosque

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com