U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

qofka Ilaahay darti Masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa Janada uga dhisa mid la mid ah

عَنْ ‌مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه: أَنَّ ‌عُثْمَانَ بْنَ عَفَّانَ أَرَادَ بِنَاءَ الْمَسْجِدِ فَكَرِهَ النَّاسُ ذَلِكَ، وَأَحَبُّوا أَنْ يَدَعَهُ عَلَى هَيْئَتِهِ، فَقَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَنْ بَنَى مَسْجِدًا لِلهِ بَنَى اللهُ لَهُ فِي الْجَنَّةِ مِثْلَهُ».
Maxamud Binu Labiid Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey: Cusmaan Binu Cafaan ayaa damcay inuu Masaajidka dhiso, dadkiina way dhib sadeen arinkaa, oo waxay jeclaysteen inuu sidiisa u daayo, wuxuuna yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti Masaajid u dhisa isagana Ilaahay ayaa Janada uga dhisa mid la mid ah".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Cusmaan Binu Cafaan-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu damcay inuu dib u dhiso Masaajidka Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, qaab ka wanaagsan qaabkii hore, dadkii ayaase dhibsaday arinkaa, waayo waxaana ku jira in la badalo qaabkii loo dhisay Masjidka waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ka dhisnaa Masaajidku Bulukeeti, Saqafkiisuna wuxuu ahaa laamaha Timirta, laakiin Cusmaana wuxuu damcay inuu ka dhiso Dhagax iyo Nuurad, wuxuu Cusmaan sheegay inuu ka maqlay Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofka Msaajid dhisa, isagoo raali ahaanshaha Ilaahay ku doonaya, is tustus iyo magac doona ka ahayn, Ilaahay wuxuu ku abaal marinayaa abaal marinta ugu fadliga badan oo nuuca camalkiisa ah, kaaso ah in Ilaahay uga gadhisayo Janada mid la mida.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la isku booriyey in Masaajida la dhiso iyo arinkaasi fadliga uu leeyahay.
  2. Balaarinta Masaajidka iyo cusboonaysiintiisu waxay soo galayaan fadliga dhismaha Masajidka.
  3. Acmaasha oo dhan in Ilaahay loo khaalis yeelo ahmiyad ayey leedahay.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 97) (450)، صحيح مسلم (4/ 2287) (533)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 131)، شرح النّووي على مسلم (5/14)، التوضيح لشرح الجامع الصحيح (5/537)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (12/ 171).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Axkaanta Masaajida

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com