U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Hadii midkiin soo galo Masaajidka ha tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan

عَنْ ‌أَبِي قَتَادَةَ السَّلَمِيِّ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِذَا دَخَلَ أَحَدُكُمُ الْمَسْجِدَ فَلْيَرْكَعْ رَكْعَتَيْنِ قَبْلَ أَنْ يَجْلِسَ».
Abii Qataada Alsalami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Hadii midkiin soo galo Masaajidka ha tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Wuxuu ku booriyey Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Qofka soo gala Masaajid waqtigay doontaba ha ahaatee iyo ujeedaduu doonaba ha u soo galee, inuu tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan, waana labada Rakcadood ee Taxiyatul Masjidka.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa Suno ah in la tukado labo Rakcadood oo Taxiyatul Masjidka intaan la fariisan.
  2. Labada Rakcadood waxaa laga rabaa waa Qofka doonaya inuu Masaajidka fariisto, Qofkase soo gala ee ka baxa intaanu fariisan ma soo galayo amarkaas.
  3. Haduu Qofku soogalo Masaajidka dadkuna Salaada ku jiraan oo uu la galo Salaada, way kaga filan tahay labadii Rakcadood.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 96) (444)، صحيح مسلم (1/ 495) (714)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (2/ 352)، فتح الباري لابن رجب (3/ 274)، التوضيح (5/524)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (15/ 287).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Salaada Sunada ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com

Hadii midkiin soo galo Masaajidka ha tukado labo Rakcadood, intaanu fariisan · Xadiisyo la sharraxay · Sabīl